|
Xadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha
Qiyaamaha Nawaas bin Samcaan A.K.R. wuxuu yiri Nebiga (S.C.W) Wuxuu
subax ka sheekeeyey Masiixud - Dajjaal oo Kor iyo hoosba uga hadlay ilaa aan is
niri malaha wuxuu joogaa fagaagga geedahii timirta ee agtayada ahaa. Markaan
u soo gadoonay Nebiga (S.C.W);Wuxuu S.C.W arkayey fajaca naga muuqda markaasuu
na weydiiyey : Maxaa idinku dhacay? Waxaannu - niri: Rasuul Alloow S.C.W. Markii
aad uga hadashay Masiixu dajjaal Saakada , marar waxaad u sifeysey wax hoose aan
macne laheyn, marka kale waxaad ugu hadashay sida wax ballaaran, markaasaan is
niri armuuba meel ka joogaa fagaagga geedahaa timiraha ee agtayada ah. Wuxuu
S.C.W. yiri : Aad idiinkagama baqayo anigaa idiinkaga filnaan doona oo idinka
difaaci doona; haddiise uu soo baxo anigoon ininku dhex jirin waa inuu qof
kastaa oo idinka mida tiisa ogaado. Alle baana ah wakiilka iyo
ilaaliyaha iyo dhowraha Muslim kasta haddii aan idinla joogin xitaa. Masiixu
Daj-jaalku wuxuu ahaan donaa nin Dhallin yaro ah oo timo adag leh mid ka mida
indhahiisa waxay ahaan doontaa wax buqsan oo soo likeysan( taagan oo nuur yar).
Wuxuu iila eg yahay Cabdul - Cussa bin Qadan. kiinii la kulmaa ha ka akhristo
billowga suuratul - Kahaf(suuradda 18). Wuxuu ka soo bixi donaa Shaam(syria)
iyo Ciraaq dhexdooda, oo sababi doona burbur iyo baabba'a iyo dhiig daata xagga
iyo xaggaba (midig iyo bidix).Addoomada Alloow, sabra oo sugnaada oo
adkeysta. Waxaannu niri: Rasuul Alloow S.C.W intee buu joogi doonaa dhulka?
Wuxuu S.C.W. ku jawaabay: Afartan maalmood oo maalinteeda hal sano dherer le'eg
tahay, maalinna hal bil dherer ahaan, maalinna hal toddobaad dherer ahaan, inta
kalana ahaan doonaan maalmihiinna caadiga ah. Waxaannu niri:Maalinta dherer
keedu ahaan doonta hal sano ma nagu filnaan doonta inaan tukannoo shanta
salaadood ee faralka ee caadiga ah? Wuxuu S.c.W. yiri: Maya ee waa inaad qiyaas
ku tukataan iyo xisaab inta lagu jira maalintaas. Waxaannu misna niri:
Rasuul Alloow S.C.W dheeraynta uu dhulka ku mari doono intee le'eg tahay ? wuxuu
S.C.W. ku jawaabay: ( wuxuu mari doonaa) sidii daruur dabayli waddo oo
kale. Wuxuu markaa u imaan doonaa qoon, oo ugu yeeri doonaa inay soo raacaan
isaga, qoonkaasna waa rumeyn doonaan, oo ajiibi doonaan yeeritaankiisa. Wuxuu
amri doonaa cirka oo ku soo deelmin doonta roob darar ah dadkaa, dhuku wuxuu
soo saari doonaa naq iyo doog tira badan , markii , ay galabtii xoolaha dadkanay
u soo nodaan, waxay yeelan doonaan xoolahaas kurus cayilan oo labac caano badan
leh yeelan doonaan oo u darari doonaan; dhincaydooda la hormariyey dhereg
darteed. Dabadeed wuxuu u imaan doonaa qoon kale, oo ka dalbi doonaa inay
adeecaan , laakiinse dadkaas waa diidi doonaan yeeritaankiisa. Saa Masiixu
Daj-jaalku waa ka tegi doonaa. Isla markii uu ka tagaba dabadeed waxaa ku dhici
doona abaar, oo dhaafi doonaa maalkooda. Masiixu Daj-jaalku wuxuu markaa soo
mari doonaa meel laga guuray oo lama degaan ah, oo ugu yeeri doonaa inay soo
saarto oo debedda u soo tuurto khasnadaheeda, khasnadaheedii iyo wixiii
dhexdeeda ceegaagey baa isaga raaci doona sidii shinni boqorkeedii daba
xoonsan. Dabadeed wuxuu u yeeri doonaa wiil dhallin yaro ah oo isku dheelli
tirsan ,seef buu labo go'ugu kala goyn doonaa, misana waa u yeeri doonaa
markaasuu soo noolaan doonaa oo uu imaan doonaa isagoo faraxsan oo dhoola
caddeynaya, Goor sidaas la yahay baa Alle Nabi Ciise C.S. soo bixin doonaa oo
wuxuu ku soo degi doonaa Minnaaradda cad agteeda, dhinaca barina ka xigta
Dimishiq, Isagoo qaba laboo go' oo sibbaakhan, laba Malag garbohoodana cuskisan
oo markuu madaxa godo biyo ka soo daadan doonaan, markuu sare u qaadana waxaa ka
quban doona dhibco luul la moodo, gaalkii ay gaarto caraftiisa waa dhiman
doonaa, caraftiisana waxay gaari doonto inta ishiisu qabato. Wuxuu (ciise)
raadin doonaa Masiixul Dajjaal wuxuuna ku qaban doonaa illinka Lud oo u dhow
Qudus(lud waa magaalo kamida magaalooyinka falastiin ee yuhuuddu qabsatay
sannadkii 1948 ee u dhow Ramla galbeedka) Qudus, Waxaa ku yaal gegi dayuuradeed
oo caalami ah oo caan ah oo ay dhiseen Ingiriiska sannadkii 1917, kadibna ay
Yuhuuddu sii ballaariyeen sannadkii 1948, waxayna u bixiyeen gegeduu (ina
gooryoon). markaa meeshaas buu ku qaban doonaa oo dili doonaa; Dabadeed Ciise
(C.s) wuxuu u imaan doonaa qoon Alle ka dhowray (Masaaxu Dajjaal), Wuxuu markaas
ka masixi doonaa ,wejiyadooda oo u sheegi doonaa darajooyinka ay jannada ku
leeyihiin.Goor uu sidaas ku sugan yahay Nabi Ciise(C.S) buu Alle weyne u waxyoon
doonaa waxaan soo daayey addoommo aan leeyahay oo aan cidina dagaalkooda u babac
dhigi karin, ee addoommaheyda iyagoo nabada ah u qaad xagga buurta
Duur(Siinaay). Markaasuu Alle weyne Yuug - iyo Yamaayuug oodda ka soo qaadi
doonaa oo ay taag walba ka soo degi doonaan,Caaradkooda waxay soo mari doonaan
harada Tabariya ( Tabariya waa tuulo ku dhow Bad yarey oo buur dacalkeed ku taal
waxayna ka mid aheyd degaanka Urdun, maantana waxaa heysta Yuhuudda Allaha ka
daahiriyeey dalalka Islamka iga iyo wixii raacsan iyo wixii eynigood ah)oo cabbi
doonaan biyaha ku jira haradaas oo dhan ,kuwooda dambe markay soo maraanna waxay
oran doonaan: Halkan waa 'bay biyo ku jiri jireen. Nabi Ciise(C.S)iyo
asxaabtiisana markaas go'doon baa ku dhici doonaa oo (la marsiin doonaa
dhibaatooyin) ilaa dibi madixii uu kaga wanaagsanaan doono boqol diinnaar oo aad
leedihiin maanta. Nabiga Alle ( Ciise C.S) iyo Asxaabtiisa (A.k.R ) waxay u
jeesan doonaan Alle oo baryi doonaan. Markaasuu Alle weyne kor ahaaye ku abuuri
doonaa sangaalle( noole il ma aragto ah oo cudurrada keena)Luqumaha dadkaa (
Yuug iyo Yamaayuug),oo weecda noqon doonaan oo hal mar dhiman doonaan; markaasay
Nabi Ciise(C.S) iyo asxaabtiisii hoos u soo degi doonaan,meel ay cag dhigaan bay
waayi doonaan, oo meel walba waxaa buuxin doonaa meydadkii Yuug iyo Yamaayuug
iyo dadkoodii,oo lala joogi waayi doonaa baqtigooda.Nabiga Alle (C.S) iyo
asxaabtiisu Allay baryi doonaan, markaasuu Alle wuxuu u soo diri doonaa Shimbiro
luqumo geel oo kale leh,oo guri doonaan meydadkaa oo ku soo qubi doonaan meeshii
Alle doono. Dabadeedna wuxuu Alle weyne soo deyn doonaa roob miyi iyo
magaaloba saamaynaya oo dhulka dhaqaya oo ka dhigi doonaa suxubbi. markaasaa
dhulka la amri doonaa in uu soo saaro mirihiisa ,barakadiisana soo cesho
(markaasaa waxaa jiri doono barwaaqo iyo barakooyin tiro badan) Heer halkii geed
oo Rummaan uu ku filnaan doona inuu quudiyo koox dhammi, oo ay harsan doonaan
hooska caleemahiisa waxay ay ballaari qabaan , caanahana Alle waa dararun doonaa
markaasay Hasha irmaani guuto dada ah ku fillaan doonta, Saca irmaanna
qabiilo ku fillaan doonaa, Rida irmaana reer dhan ku filaan
doonta Goor ay dadku sidaas ku sugan yihiin buu Alle soo diri neecaaw
wanaagsab oo kilkilooyinka hoostooda xulaysa oo markaas ruuxda ka siibi doonta
Mu'min iyo Muslim kasta. Waxaana hari doona dadka kuwa u shar badan oo sidii
dameeraha u orgoonaya (isugu fuuli doona waddooyinka iyo suuqyada si caddaan ah
Xishood la'aan ), iyagayna Saacada Qiyaame ku dhici doonta
F.G (fiiro
gaara) AXadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo
dhawaanshaha Qiyaamah a Waxaad ka heli kartaa "Riyaadu Saalixiin " Iyadoo ku
qoran Somali iy Carabi kutubbo iyo cajalado Islaami ah P.o. box 33049
Riyadh 11448 Ama Waxaad ka heli kartaa Maktabadaha somalida ee kutubbo iyo
cajalado Islaami ah ( magaalooyinka waaweyn ee wadamada
galbeedka)
Posted
By:Ahmed(Yaassin) H. Mire
webmaster@saaxil.net
boodo_dheere@saaxil.net
| |