Mucaadu ibnu Jabbal Allaha ka raalli noqdee
Mucaad wuxuu ku dhashay magaalada Madiina wuxuuna ahaa qof aad u maskax fiican wuxuu kaloo Rabbi u hibeeyay aftahanimo,wuxuu ahaa qof si fiican u bartay qur’aanka kariimka ah saxaabadana wuu ugu aqoon fiicnaa xagga qur’aanka,wuxuu lahaa qurux wejigiisuna wuu dhalaalayay wuxuu islaamay isagoo yar wuxuuna ku islaamay gacantii Muscab bin Cumayr Allaha ka raalli noqdee,rasuulka salallaahu calayhi wasallam wuxuu u diray Madiina si uu reer Madiina macallin ugu noqdo.
Mucaad wuxuu noqday daaci weyn waxaana gacantiisa ku islaameen asxaabo fara badan, markuu nebiga salallaahu calayhi wasallam u haajiray Madiina,Mucaad wuxuu ahaa dadkii la socday nebiga salallaahu calayhi wasallam,wuxuuna ka mid ahaa lixdii qofood oo qur’aanka soo ururiyay xilligii nebiga salallaahu calayhi wasallam,wuxuuna nebiga salallaahu calayhi wasallam uu ku yiri Mucaad:ummaddayda oo dhan marka laysku geeyo xalaal iyo xaaraan waxaa ugu aqoon og Mucaadu ibnu Jabbal.
Rabbi markuu rasuulkiisa Muxammad salallaahu calayhi wasallam uu u furay Maka waxaa loo baahday macallin dadkii reer Maka diinta bara wuxuuna nebiga salallaahu calayhi wasallam uu arrintaasi u xilsaray Mucaad,sidoo kale markii ay nebiga salallaahu calayhi wasallam ay u yimaadeen boqoraddii Yemen si ay u caddeeyaan islaamnimadooda,rasuulka salallaahu calayhi wasallam wuxuu u doortay Mucaad iyo saxaabo kale si ay macallin ugu noqdaan boqoradaasi Mucaad buuna madax ugu dhigay, wuxuuna nebiga salallaahu calayhi wasallam kula dardaarmay Mucaad oo uu ku yiri:Mucadow waxaa dhici karta in aadan i arkin sannadkan kaddib waxaase dhici karta in aad soo martid masjidkayga iyo qabrigayga....... markaasuu Mucaad iska ilmeeyay,rasuulka salallaahu calayhi wasallam hadalakaasi kaddib Rabbi baa oofsaday mana uusan arag Mucaad.
Xilligii Cumar bin Khadhaab Allaha ka raalli noqdee waxaa Mucaad ibnu Jabbal Allaha ka raalli noqdee loo diray arlada Shaam si uu reer Shaam u baro diinta islaamka,wuxuuna markii danbe ku jiraday Falastiin halkaas ayuuna Rabbi ku oofsaday.