S- Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufaya?
J- Malaga suurta afuufaya waxaa la yidhaa( Israafiil.)
S- Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama badhtankeeda?
J- waxaa la yidhaahdaa (Saquum)
S- Waxaad sheegtaa macaha magaca Jibriil?
J- Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu-cabaas
S- Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?
J- Waa masaajidka(Qubaa)
S- Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?
J- maydka xalaasha ahi waa Ayaxa iyo Kaluunka
S- Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?
J- dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada
S- Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?
J- Wuxuu ahaa Ibnu Qimah
S- Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga(NNKHA),sixray?
J- Wuxuu ahaa Lubeyd binu-acsam
S- Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?
J- wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas
S- Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?
J- waxay ahayd Nebi muuse hooyadii
S- Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?
J- waxaa weeye Magaalada Madina-Al_munawara
S- Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?
J- waxay ahayd suuradu Daah
S- Waxaad sheegtaa suurada u shafeeco qaadeysa qofka akhriya ?
J- waa suuratu Maalik(Tabaarak)
S- Waxaad sheegtaa aayada koobeysa dhamaan xuruufta carabiga ?
J- waa aayada u danbeysa suurada AL- fatax
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isagoon weligii Alle u sujuudin ?
J- Wuxuu ahaa Cumar binu thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la
Dilay isla maalintaas
S- Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka ?
J- Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad
S- Waxaad sheegtaa duulaankii(Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo ?
J- Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada
S- Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday ?
J- Abu-bakar sadiiq iyo C/raxamaan binu cawf
S- Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada ?
J- waa sanadkii ay dhimatay Khadiija bint khuweylad, iyo Abu-daalib
S- Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina ?
J- Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu suraara
S- Jannada yaa ugu horgelaaya ?
J- Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Maxamed (NNKHA)
S- Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo ?
J- Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo
S- Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa ?
J- Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil
S- Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada ?
J- Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali
S- Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi- saciid al-khudriyi ?
J- Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC)
S- Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay
J- Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda ?
J- Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay ?
J- Waxay ahayd Khadiija bintu khuweylad(RC)
S- Waa kuma sayidka shuhadadu ?
J- Waa Xamsa binu Cabdi mudalib(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay ?
J- Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka ?
J- C/binu Zayid (RC)
S- Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?
J- Waa Suuratu, Al-Fatax
S- Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan ?
J- Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho
>
S- Waxaad sheegtaa magaca Faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo ?
J- Waxaa la odhan jiray Sakab
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay ?
J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic ?
J- Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle ?
J- Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi(RC)
S- Waxaad sheegtaa Sir-hayihii(xog-hayihii), Nebiga(NNKHA) ?
J- Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan(RC)
S- Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon ?
J- Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder ?
J- Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal ?
J- Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws
S- Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra ?
J- Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC)
S- Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi ?
J- Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid(RC)
S- Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi ?
J- Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray ?
J- Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay ?
J- Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen ?
J- Waa Sacad bin-Mucaad(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
J- Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen(RC)
S- Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii ?
J- Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC)
S- Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego ?
J- Wuxuu ahaa Nabtal binu-Acsam
S- Waxaad sheegtaa Magaca Abi-bakar Sadiiq ?
J- C/laahi binu- Qaxaafa(RC)
S- Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal ?
J- Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam
S- Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey ?
J- Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka
S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash ?
J- Cismaan binu Cafaan (RC)
S- Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama ?
J- Waa salaada
S- Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya ?
J- Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC)
S- Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha ?
J- Waxaa ugu horgelaaya Suldaa,Madaxweyne, aan cadaalad sameyn
S- Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu(NNKHA),gacantiisa ku dilay ?
J- Waa Ubaya biny Khalaf