Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga
Q: 1aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol; oo Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire
Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga , ninka guursaday naagta Jinka ah oo ah nin reer Somaliland ah, waxa magaciisa la yidhaahdaa Xasan Olol Jaamac oo ah oday ay da’diisu tahay 70 jir,
waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa
Markaa waxa sidii ay qisadaasi u dhacday kala sheekaystay Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan, qisadaas oo ah qiso dhab ah ...
Xasan Olol; Wuxuu ahaa nin Somaliland ah oo ku barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yamen;
mar uu ku dabaalannayey meel u dhow badda magaalada Xiis; ayey qabsatay qisadan:- Waxay aheyd subax hore 6:00 a.m aroornimo;
Xasan Olol wuxuu dabaal u yimid inuu ku dabaasho xeebta Xiis .
Hadaba markuu waxoogaa dabaalanayey ayuu wuxuu arkay , gabar dabaalaneysa meel u dhow , markuu sii dhugtay ... waaba gabar aad u qurux badan ,
wey u soo yara dhawaatay markaas ayaa waxaa bilaabay inaan la kaftamo,weyna igu xanaaqday markaas bay badda I quusisay, balse Xasan Olol wuxuu modayaa inay insi tahay!
La soco cadadka dambe.
Posted:-Ahmed ( yaasiin )... Qurbodiid
Columbus,ohio
Email Shinbir@saaxil.net
Email webmaster@saaxil.net