Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga
Q: 2aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol, Waxaana Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Akhristayaal intiinii la socotay qeybtii cadadkii jimcihii hore soo baxay waxaanu idiinku soo gudbinay qiso ka hadlaysa nin insi ah oo guursaday gabadh jina,
ninka guursaday naagta jinka ah oo ah nin reer Somaliland ah, waxa magaciisa la yidhaahdaa Xasan Olol Jaamac oo ah oday ay da’diisu tahay 70 jir, waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa, markaa waxa sidii ay qisadaasi u dhacday kala sheekaystay Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan, qisadaas oo ah qiso dhab ah oo dhacday waa tan qaybteedii labaad oo uu Xasan Olol kaga sheekaynayo sidii ay gabadhaas jinka ah isku guursadeen.
"Weligay jinow sheekona kuguma maqal shaahidna kuguma arag,
gabadhaasi mar kale ayey hadana badda I quusisay, laakiin markii aan biyihii hal mar cantuugay ayey I sii daysay, dabadeedna waxaan is idhi naagta badda kaga adkaan maysid ee beriga ugu bax,
ka dibna intaan baddii ka baxay ayaan guntiga giijistay oo aan weliba gaabsaday, go’ii kale ee aan tuurta ku sitayna dhexda ayaan ku xidhay, budhkii aan sitayna labada gacmood ayaan ku qabsaday oo waxaan u diyaar garoobay dagaal,
dabadeedna markii ay baddii ka soo baxday ayey iyadoo aan kala jeclayn inaan dad ahay iyo inaan duunyo ahay oo laafyoonaysa oo biyihii timaheeda ka daadinaysa oo shax-shax kaga siinaysa ayey iskay soo agtaagtay markaas ayaan ku idhi "Naa maxaad badda iigu bakhtiinaysay",
aniga oo isleh intaanay maryaha kaa gashan ee ay qaawan tahay beerka kaga deg, laakiin waxay igu tidhi
"oo ma iminka ayaan kaaga raynayaa (oo ma'imikaa kuu turayaa)", markii ay intaa tidhi ayaan budhkii u taagay, balse goor ay iga qaaday iyo goor ay I legaday iyo goor ay budhkii iga tuurtay toona aniga oo aan ogayn ayuun baan arkay iyadoo gacmeheedii midna cunaha igu qabatay, midna labadaydii gacmood, laakiin ima ay ceejine ...waxay igu tidhi
"waar mayska tegaysaa, mise kan cad iyo kan madow ayaan ku kala siibaa. " Markii ay intaasi I gaadhay ayaan anigu is la hadlay oo aan is idhi "Waar heedhe dadku marka uu is laayo waa tii uu isku xiiqi jiray ee goorma ayey gabadhani ku legeday, ushiina kaa tuurtay,dabadeedna aniga oo amakaagsan ayaan iyadii ku idhi "Naa bal I sii daa waan iska tegayaaye",
markaas ayey I sii daysay, ka dibna waan dhaqaaqay, balse markii aan hal cabaar ah sii socday ayaan dib u soo eegay, dabadeedna waxaan arkay iyadoo lebisatay, laakiin jeesigii aan sidaa u eegay saa waa iyadii oo I dhinac taagan,
ka dibna waxaan is idhi "Waar adiga oo dadka u dheerayn jiray kuma ay soo gaadheene ma mid kale ayaa meesha ku sii aasnayd , dhinicii ay iga maraysay mooyee dhinicii kale ayaan eegay mise waa cidla,
aniga oo yaaban markii aan saddex goor talaabsaday ayey gacanteeda garabka iga saartay oo ay igu tidhi "Inaadeer xagee baad ku socotaa".
Ileyn nin cadhaysan oo ay ka adkaatay ayaan ahaye gacanteedii ayaan iska tuuray, ka dibna inta ay i hor qabataysay bay igu tidhi
"Waar dadku waana is dilaa, waana heshiiyaaye xagee baad ku socotaa."
Markaas ayaan aniga oo dudaya ku idhi "waxaan ku socdaa Berbera", markaas ayey igu tidhi
"Caruur cayntaa ba’day oo Berbera intee baad ku gaadhaysaa", markaasaan ku idhi "Caawa ama habeen dambe ayaan gaadhayaa," markaas ayey igu tidhi "Toban cisho kuma gaadhaysid ee waxaad yeeshaa reerkayaga oo halkan yaal caawa u sii hoyo, oo halkaa raashinkaaga iyo shaahaaga ku sii karso, ka dibna marka aad nasato meeshii aad ku socatay qabo,
laakiin waxa jirtay in aabeheed hore ugu yidhi aroortii jin iyo insi wixii aad hesho soo kaxayso, waan ogolaaday sheekadii ay ii soo jeedisay oo waxaan ku idhi waayahaye ina mari, ka dibna inta ay gacanta midig iga buuxsatay ayey xagii buurta ii jeedisay, buurtana hadii aanu u lugayno waaga ayaa nooga beryaya oo ma gaadhi karno dusheeda sare, laakiin ila booday iyo ila duushay ma garanayo ee waxaana arkay mar qudha ...anaga oo buurta dusheeddii taagan,
dabadeedna niman mawlac (masaajid) ku tukaday oo jin ah ayaa igu soo yaacay,
iyaga oo qaylinaya oo leh "Alla insi bay wadataa", ka dibna inta ay xaggeeda dambe I marisay ayey iyagii af afka Shiinaha u eg kula hadashay, laakiin cabaar markii afkaa kula hadashay ayey hadana af-Somali kula hadashay oo ku tidhi "Aniga may garanaysaan inaan Aamina Suldaan ahay",
waxay ku yidhaahdeen "Haa, waanu ku garanaynaa", markaas ayey hadana ku tidhi "Aabahay ayaa igu yidhi jin iyo insi wixii aad hesho soo kaxayso, markaa wiilkaa yar baan soo helay oo ma taaban kartaan",
ka dibna waxay ku yidhaah deen "Buulkaa ha sii fadhiisto oo yaanu na soo dhexgelin inta aanu aabahaa soo waydiinayno",
dabadeedna buulkii baa la I geliyey, laakiin labada suul ayaan ku fadhiistay oo waxaan is leeyahay marka ay kaa fogaadaan Tow dheh oo jarka buurta iska tuur, ka dibna markii aan cabaar hadalkooda dhegta u sii dhigay ayaan is idhi kaa durkee Tow dheh,
sow buul kanowba gaadh baad iga tahay, ka dibna markii aan orday ayuu buulkii igu soo booday oo futada dhulka iigu dhuftay, waan yaabay, dabadeedna aniga oo fajacsan ayey igu soo noqdeen oo igu yidhaahdeen "Oo ma baxsaad is lahayd", markaas ayaan ku idhi "Maya ismaan odhan baxso", ka dibna waa lay kaxeeyey,
waxaana lay geeyey meel dayr leh... oo ay Kebdo iyo cawsas ku wareegsan yihiin oo weliba iftiimaysa, isla markaana ay wax waliba yaaliin, markii albaabka meeshaa lay soo taagay ayaan ku idhi
Asalaama calaykum" ... waxay iigu jawaabeen "Wa’calaykum Salaam", markaas ayaa laygu yidhi soo soco oo suldaankii waa kaa dhexda fadhiya ee salaan ,
ka dibna intaan kabihii iska bixiyey ayaan suldaankii gacan qaaday.
Markaas ayuu suldaankii furaashkii uu ku fadhiyey inta uu cagihiisa laabtay agtiisa I fadhiisiyey, wuxuuna yidhi koob shaah ah oo bigays ah u soo shuba,
ka dibna waa lay soo shubay, waana cabay shaahii, balse markii aan shaahii cabay ayaan idhi biyo aan cabo ii soo shuba, markaas ayuu suldaankii yidhi "biyo iyo caano halusugu shubo maanta oo dhan ayuu soconayey oo wuu beer-xoormayaaye, ka dibna intii ayaa cabay,
markaas ayaan dhididay, ka dibna markii aan qaboobay ayuu suldaankii igu yidhi "Waaryaa Xasan Olol", markaas ayaan is idhi "waar ninku aabahaa Olol garanayaa, markaas ayaan ku idhi Hee, ka dibna wuxuu igu yidhi "Aamina ma wada socoteen", ka dibna waxaan suldaankii ku idhi "Aamini ma gabadhan ila socotay baa", markaas ayuu igu yidhi "haa",
hadana wuxuu igu yidhi "Oo maxay ku soo tidhi", markaas ayaan ku idhi waxay igu tidhi "reerkayaga caawa u sii hoyo oo ku sii raashin karso, ka dibna meeshii aad ku socotay u sii ambabax", dabadeedna suldaankii wuxuu la hadlay gabadhiisii oo halkan aloolka dabadiisa taagan oo uu ku yidhi "Aamina ma caynkaas baa. "
Ka dibna Aamina waxay aabeheed ku tidhi "Aabe si kale ayaanu igu soo raaceyn oo sidaas ayaan ku soo kaxeeyey", odaygii suldaankii ayaa hadana xagaygii u soo jeestay oo igu yidhi "Waaryaa Xasan Olol gabadhu way ku rabtaa ee adigu ma rabtaa",
markaas ayaan is idhi waar ma nimankii aad buulkooda ka baxsan kari wayday ayaad maya odhan karaysaa, ka dibna aniga oo baqaya ayaan ku idhi "haa waan rabaaye aan reerkayagii xoollo kaaga doono",
markaas ayuu yidhi suldaankii "Anaga xoollo nalama siiyo ee anaga ayaa bixina ee gabadhii ma rabtaa", Haa ayaan dabadeedna idhi.
Ka dibna suldaankii nin gadhweynleh oo meesha fadhiyey oo uu Sheekh Cumar ugu yeedhay ayuu ku yidhi "Sheekh Cumarow anigu gabadha aabeheed ayaan ahaye, wiilku waa wiil yare wakiil u noqo,"
ka dibna sheekhii ayaa igu yidhi "Xasanow ma I wakiilatay" markaa da’daydu 15 jir ayey ahayd, Haa ayaan ku idhi oo Sheekhii ayaan wakiishay, dabadeedna suldaankii iyo sheekhii ayaa gacmaha isa saaray oo wixii meher ahaan jiray dhameeyey,
laakiin intii uu meherku socday ayaa aqal weyn oo ilaaxidh leh la dhisay.
Waxa kale oo lay keenay dhar aanan weligay arag oo xariir ah oo ay ka mid yihiin Go’ shaal ah, macawis abusarando ah, koodh iyo cimaamad.
Ka dibna waxa lay siiyey biyo aan ku soo maydho, ka dibna markii aan soo maydhay ee aan soo lebistay ayaan anigii is daawaday ileyn waxaan sitaa lebis igu cusub oo aanan weligay xidhan.
Suldaankii ayaa laba wiil ku yidhi alaabtiisa u qaada oo gurigiisa geeya, dabadeedna wiilashii ayaa I kaxeeyey oo gurigii I geeyey, soo gal ayay igu yidhaahdeeen, markii aan galayna waxaan arkay guri wada kaahaya, isla markaana aanu faynuus iyo tiriig toona ka baxayn, ka dibna aniga oo gurigii daadaawanaya ayaan maqlay shalaad iyo qasiidooyin sooo baxaya
"hoy nebow... nuur allaw... Maxamed Nebi... magac samaw".
Markaas ayaan is idhi wallee tii Aamina ayaa la soo wadaa, ka dibna aniga oo halkii taagan ayey Aamina oo ay laba gabdhood gelbinayaan aqalkii dalaq soo yidhaahdeen, markaas ayey Aamina igu tidhi waar maxaa meesha ku taagay, markaas ayaan aniga oo istiilaya ku idhi "Dee adiga ayaan ku sugayey", ka dibna markaas ayey igu tidhi "waa yahay" ,
waxayna iga bixisay maryihii aan sitay oo waxay igu soo reebtay garran iyo macawis keliya, wayna I fadhiisisay, laakiin markii aan fadhiistay ayaan si kaftan ah ugu idhi "Waadigan malxiisadda wata’e aan aniguna malxiis doonto",
markaas ayey igu tidhi, "Anaga ayaa kuu malxiis ahe iimaanso."
La soco cadadka dambe.
Posted:-Ahmed ( yaasiin )... Qurbodiid
Columbus,ohio
Email Shinbir@saaxil.net
Email webmaster@saaxil.net