Sheeko...Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga


Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga







Q: 3aad Qiso Dhab Ah

-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Akhristayaal, iyadoo aanu qaybtii koowaad iyo qaybtii labaad ee qisadan oo ah qiso dhab ah oo dhacday idiinku soo gudbinay labadii cadad ee kan ka horeeyey
waa tanna qaybtii saddexaad oo uu Xasan Olol Jaamac (ninka naagta jinka ah guursaday oo hadda oday da’diisu tahay 70 jir) kaga sheekaynayo sidii ay gabadha jinka ah isu guursadeen.
"Markii ay igu tidhi iimaanso anagaa kuu malxiis ahe, aniguna waayahay ayaan ku idhi,
laakiin markii Aamina waxoogaa sheekay sanaynay ayaa sanqadhi soo baxday, ka dibna waxa naloo keenay raashin lagu soo guray weel qori ah sida xeedhyaha oo kale, raashinkaasina waxa uu ahaa mid kala nooc nooc ah, dabadeedna aniga, Aamina iyo gabdhihii malxiisadaha ahaa ayaa halkii raashinkii ku wada cunay, ka dibna ilayn waxaan ahay nin aan maanta oo dhan waxba cunin oo gaajoonaya’e , waxaan markiiba cabbay caano gadhoodh ah iyo hadhuudh ku jira,
laakiin markii aanu raashinkii dhamaantayo wada cunay ee weelkii la celinayey ayey Aamina Suldaan hillibkii ka reebtay jeeni iyo awlal, anigu raashinkaa iyo weelkaa cid keentay iyo cid weelka guraysa midna ma arko, mana aqaanno, intaa ka dib Aamina way I kaxaysay oo waxay I geysay halkii aanu seexanaynay,
ka dibna labadii malxiisadood waa la fasaxay, waxayna nagu yidhaahdeen nabadgelyo ilayn aroos laguma raago, lagamana raago".
Intaa ka dibna Aamina waxay I siisay Go’ aan guntado, isla markaana macawistii iyo garrankii waxay ku dartay maryihii ay markii hore iga bixisay, iyaduna wixii ay dahab xidhnayd ayey iska bixisay, dabadeedna waanu iska sheekaysanay,
markaas ayey igu tidhi "Xasanow aabahaa iyo hooyadaa aniga ayaa caawa kaa xiga, adiguna sidoo kale adiga ayaa iga xiga aabahay iyo hooyaday, waayo nin iyo naagtii ayeynu noqonay, markaa waxaad yeeshaa horta meeshan aad hadda joogto bismilayso,
ta kale marka ay da’daadu gaadho 25 jir waxaanu ku siinaynaa koofiyad, koofiyadaas oo ah mid aad adigu dadka arkayso, laakiin aanay iyagu ku arkayn, waxa kale oo aanu ku siinaynaa fargal aad farta gashato, fargalkaasna waxaad u isticmaalayso marka aad damacdo inaad meel tagtid, fargalkaas ayaadna xoqaysaa, ka dibna waxaad arkaysaa adiga oo meeshii aad doonaysay taagan meelkasta ha ahaatee, waxa kale oo aanu ku baraynaa inta dhir arlada ku taal iyo nooca dawo iyo dabiib ee ay dhirtaasi leeyihiin.
Waxa kale oo aanu ku baraynaa inta af ee adduunka lagaga hadlo hadii ay tahay af islaam iyo hadii ay tahay af gaalo,
Hadii aan waqtigaa caqli leeyahay wixii ay Aamina ii sheegaysay waan ka faa’iidaysan lahaa,
laakiin waxa ay ii sheegayso oo dhan riwaayad ayey ila ahayd, waayo inta aan aqoontaas oo dhan ka barto oo aan kala hadho ayaan maanta ka faa’iidaysan lahaa.
Arintu sida ay doonto ha ahaatee aniga iyo Aamina habeenkaas oo dhan waxaanu ahayn qoys cusub oo waanu iska sheekaysanaynay, ka dibna markii waagu soo beryayey ee salaadii subax la adimayey ayey Aamina igu tidhi "Xasanow orod oo soo maydho" dabadeedna waan soo maydhayna Aamina gogol ayey gurtay oo ay ii geysay geed-weyn oo guriga hortiisa ah, waxa kale oo ay geedkii ii geysay quraacdii iyo qadadii ,
ka dibna waxay igu tidhi "Nabadgelyo habeenkii ayeynu wax isu nahaye", dabadeedna waxaan ku idhi "Oo maxaa dhacay sowdigii shalayba badda igula dagaalamayey", waxay iigu jawaabtay "Shalay amar baan haystay, laakiin waqtigan amarkii ma haysto", ka dibna way iska tagtay,
aniguna ilayn xalay oo dhan nin soo jeeday baan ahaye waxaan hoos seexday geedkii, ka dibna markii ay abaaro duhurkii ahayd ayaa waxa ii timi islaantii Aamina dhashay ee soddohday oo masacagalay,
dabadeedna way gargaraacday iyadoo doonaysa inay qadada ii kiciso, laakiin anigu ma garanayo, waxaan misigta kaga dhuftay dhagax yar, ka dibna way iga carartay, basle maan sii seexan ee inta aan kacay oo aan banaanka tegay ayaan soo noqday oo aan cuntadii ay Aamina ii dhigtay cunay, markii aan cunayna dib ayaan u sii seexday, dabadeedna waxaan hurdadba markii ay cadceeddu dhacday ee ay maqribkii ahayd ayaan qaylo maqlay, taas oo la leeyahay "Alla soddohdii ayuu dilay", aniguna waan yaabanahay oo waxaan leeyahay "Waar xagee baad ku aragtay soddohdan ay leeyihiin wuu dilay",
dabadeedna aniga oo yaaban ayey suldaankii sodogay iyo sodohday soo baxeen oo ay dadkii qaylinayey oo inta ay u hanjabeen iga celiyeen, iyadoo ay islaantii soddohday tidhi "Muxuu igu sameeyey oo aad u sheeganaysaan , hadii aydaan inanka iska dhaafin waan is qaawinayaa", sidoo kale suldaankii ayaa isna yidhi "Wiilka hinaase ayaa idinka haya".
Intaa ka dibna waa la iska kala tegay, ka dibna suldaankii ayaa fiidkii ii yeedhay oo igu yidhi "Xasanow waxa layna kala yidhaahdaa jin iyo insi, markaa saddex bahal mooyaane bahalaha inta kale oo dhan jinku wuu isu ekaysiiyaa, saddexdaa bahal ee aanu jinku isu ekaysiina waxay kala yihiin: Doofaarka, Abeesada iyo Eyga", dabadeedna suldaankii ayaan ku idhi "Anagu hadii aanu insiga nahay marka aanu bahal aragno fara lama gafnee na kala fogee oo bahalaha igala hadal oo yey ii soo dhowaan",
dabadeedna "Waayahay"ayuu suldaankii igu yidhi, laakiin waxaan iswaydiiyey tolow islaantii soddohdaa aragtaye odayguna muxuu noqdaa, markaas ayaan waydiiyey suldaankii oo aan ku idhi maxaad noqotaa, markaas ayuu igu yidhi "Waxaan noqdaa Aar (Libaax) oo magacayagaba waxa la yidhaahdaa Aar",
dabadeedna isagii ayaan ka baqay, laakiin maalintaa wixii ka dambeeyey waanu kala nabadgalnay bahalihii.
Muddo markii aan halkii joogay oo ay gabadhii Aamina suldaan Uur ii yeelatay, isla markaana uu sedkeedii soo dhowaaday ayaan ku idhi "waxaan doonayaa inaan reerkayagii soo salaamo oo aan soo arko, ta kale reerkayaga muddo ayaan ka soo maqnaa meel aan jirana ma ogeyn.. oo aan ogaysiiyo inaan halkan joogo",
dabadeedna Aamina waxay arintayda u sheegtay suldaankii, ka dibna wuu ii yeedhay oo wuxuu igu yidhi "Xasan ma reerkii baad rabtaa inaad soo aragto", "Haa" ayaan ku idhi, dabadeedna suldaankii iyo islaantii soddohday reerkayagii ayey lacag badan iyo dhar iigu dhiibeen, ka dibna suldaankii baa igu yidhi "Xasanow aabahaa waa nin darran oo wuxuu ku odhanayaa Xasanow xoolahan tirada badan xagee baad ka keentay markaa hanooga sheekayn ee waxaad tidhaahdaa Berbera ayaan ka imi,
hadii uu ku yidhaahdo maxaad ka qaban jirtayna, waxaad ku tidhaahdaa maraakiibta xoolaha ayaan ka shaqayn jiray, aroortana diyaar garow waad tegaysaaye"

La soco cadadka dambe.





Posted:-Ahmed ( yaasiin )... Qurbodiid
Columbus,ohio
Email Shinbir@saaxil.net
Email webmaster@saaxil.net



Top