Sheeko...Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga


Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga







Q: 4aad Qiso Dhab Ah

-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol; Waxaana Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Xasan Olol Jaamac (ninka naagta jin guursaday oo ka sheekaynaya qisadii guurka ee dhexmartay naagta jin ah
wuxuu yidhi "Markii ay salaaddii arooryo ahayd ayaan alaabtaydii oo masar weyn oo shaash leh laygu duubay dacalka qabsaday oo aan safar u diyaar garoobay, ka dibna waxaan u jeestay xagaa iyo Ceerigaabo, ma garanayo in cagaha wax lay geliyey iyo inkale, laakiin waxaan arkay aniga oo isla markiiba Ceerigaabo dhex-taagan, balse markiiba waxaan Ceerigaabo uga sii gudbay meeshii uu reerkayagu deganaa.
Sodogay iyo sodohday waxay hooyaday iyo aabahay iigu sii dhiibeen mid walba lacag gaar ah, taas oo ay aabahay iigu sii dhiibeen 5000 oo rubadood, halka ay hooyadayna iigu dhiibeen 3000 oo rubadood "rubaddu waa lacag xiliyadaa la isticmaali jiray",
sidoo kale waxay iigu dhiibeen dhar wada xariir ah, anigana waxa lay sii siiyey 300 oo rubadood oo laygu yidhi Makhaaxiyaha iskaga ilaali,
markii aan reerkayagii u tegay ee aan aabahay iyo hooyaday lacagihii iyo alaabooyinkii laygu soo dhiibay siiyey ...ayuu odaygii aabahay ee Olol Jaamac su’aalo ila daba galay, wuxuuna ugu horayn I waydiiyey "Waaryaa Xasan nimanka bad-mareenada ah ee badaha u shaqo taga, sannadaha badana ku maqnaada ayaan weligood 8000 oo rubadood kala imanine xagee baad xoolahan ka keentay".
Laakiin ilayn waxaan ahay nin uu suldaankii la soo balamaye waxaan ku adkaystay oo aan idhi "Aabe sida aad ogtahay sigaar iyo qaad midna ma cuno,
sidaa darteed wixii aan Berber ka shaqaystay meel baan ku urursanayey".
Ta kale iyadoo uu odaygii aabahay la yaaban yahay shanta kun ee rubadood ayey islaantii hooyadayna odaydii indhaha kala hadashay oo ay ku tidhi "Anigana 3000 oo rubadood ayuu I siiyey",
ka dibna odaygii baa yidhi "Ka waaweyni", marka ay sidaa is leeyihiin waxay moodayaan inaan lacagtan iyo dharkan soo xadday, dabadeedna odaygii aabahay wuxuu la hadlay islaantii hooyaday, wuxuuna ku yidhi "Eeyaa waa islaanta waxaad yeelaysaa shantan kun ee rubadood ee aan hayo iyo saddexda kun ee aad hayso waad isku daraysaa, ka dibna waxaad ku ridaysaa sanduuqaaga, laakiin dharka iska isticmaal".
Odayga aabahay waxa uu ahaa oday caan ah oo la garanayo markaa waxa uu leeyahay wiilkayga Xasan hadii uu aduunkan soo xadday waa lay imanayaa,
sidaa darteed wuxuu yidhi "hadii lay yimaado anigaa dharkaa bixin doona, laakiin islaan yahay lacagtaa far ha saarin", ka dibna hooyaday hadalkii odayga ayey aqbashay, dabadeed markii aan reerkii dhawr habeen la joogay ayaa odaygii aabahay waxa u yimi nin faras wata oo Ceerigaabo laga soo diray, waxaana loogu yeedhay laba qolo oo uu kiis ka dhexeeyey, odayguna gar tooda ku jiray.
Laakiin odaygii wuxuu ninkii faraska watay ku yidhi "Orod iska tag berito ayaan ka soo daba baxayaaye", ka dibna ninkii wuu iska noqday, dabadeedna subaxnimadii dambe ayaan odaygii aabahay ku idhi "Aabe waan ku raacayaa", ina keen ayuu igu yidhi, waa tii qoladii igu yidhaahdeen hanaga sheekayn, laakiin wixii ay cagaha ii geliyeen markii aan ka imanayey ayey markii aanu dhaqaaq u diyaar garoobaynay cagaha noo gesheen, dabadeedna markii aanu quraacanay ayaanu gurigii ka ambabaxnay, ka dibna halkii aanu Ceerigaabo ka tegi lahayn maqribkii ayaanu qadar saacad ah Ceerigaabo u sii soconay, dabadeedna markii aanu garoonka diyaaradaha Ceerigaabo maraynay ayuu odaygii aabahay igu yidhi "Waaryaa Xasan waa xagee meesha aynu maraynaa",
markaas ayaan ku idhi "Waxaynu maraynaa garoonkii diyaaradaha Ceerigaabo", markaas ayuu hadana odaygi igu yidhi "waaryaa Xasan keenee lagu jiray oo wax siday", ka dibna odaygii wuxuuba ii aqoonsaday Awliyo, waxaanse ugu jawaabay "Aabe anigu inan yar baan ahaye maxaan qaadi karaa".
laakiin hoosta ayaan ka cadhooday oo waxaan is idhi "Muxuu suldaankii kuu lahaa hanaga sheekayn hadii uu cagaha wax kuu gelinayo", waayo waan gartay in wixii maalintii hore cagaha lay soo geliyey, maantana naloo geliyey".
Markii aanu magaaladii Ceerigaabo soo galay odaygii aabahay wuxuu fadhiistay maqaaxi, ka dibna odayaashii makhaayadda fadhiyey ayaa odaygii ku yidhi, "Waar Olol ma xalay baad soo guuraysay".
Dabadeedna wuxuu ku yidhi, "Maya, wallee ee quraacdii ay islaantaydu saaka I soo siisay ayaan soo cunay.
"Ka dibna odayaashii ayaa aabahay ku yidhi, "Oo Olol baabuurna intaa kuma yimaado’e maxaa ku sidday",
markaas ayuu ku yidhi, "Laftayda ayaa yaabban", hadana waxay odayaashii aabahay ku yidhaahdeen "Oo yaa kula socday", wuxuuna ku yidhi Wiilkaygii Xasan ayaa ila socday", hadana waxay odayaashii aabahay ku yidhaahdeen "Oo Xasan miyuu yimi oo la helay ", markaas ayuu ku yidhi, "Haa".
Anigu markaa waxaan ahay nin aad quruxda yaabto ileyn waxaan ahaa nin maalintii marna wax cunayey, marna hurday, habeenkiina Aamina suldaan legga kaga jiraye.
Dabadeedna markii ay odayaashii cabaar ila kaftameen ee ay igu yidhaahdeen "Waar qurux weynaa iyo xagee buu ka yimi"
ayaan meeshii ka kacay oo aan soo eegay dhalinyaradii aanu xeegada wada ciyaari jiray, berigaana qaad lama cuni jirin oo Ceerigaabo oo dhan 4 oday baa ka qayili jiray, markaa dhalinyaradayada oo dhan balwadayadu waxay ahayd Xeego iyo kubbad.
Dabadeed dhalinyaradii oo dhan ayaan casuumay oo inta aan kaxeeyey hudheelada geeyey, laakiin waxa ay cunayaan oo dhan isugu tegi maayaan laba rubadood.
Dabadeed markii aan Ceerigaabo laba habeen joogay ee ay kutaan iyo tagfi igu cuntay ileyn nin janno ka yimi ayaan ahaye ayaan go’aansaday inaan ambabaxoo aan qabto reerkaygii iyo gabadhaydii Aamina suldaan"

La soco cadadka dambe.







Posted:-Ahmed ( yaasiin )... Qurbodiid
Columbus,ohio
Email Shinbir@saaxil.net
Email webmaster@saaxil.net



Top