Sheeko...Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga


Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga







Q: 5aad Qiso Dhab Ah

-
Waxa Ka Sheekeeyey Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Xasan Olol oo ah ninka insiga ah ee naagta jinka ah guursaday isaga oo qisadaa ka sheekaynaya wuxuu yidhi
"Markii aan laba habeen joogay Ceerigaabo ayaan maalin saddexaadii aabahay ku idhi aabo waan tegayaa oo waxaan ku noqonayaa Berbera, ka dibna wuxuu igu yidhi "Xasanow aabe waan kuu soo ducaynayaa ee ma haysataa nooli, mise nooli baan ku siiyaa", ka dibna waxaan ku idhi "Waan haystaa", inta aan tusay 280 rubadood oo iiga soo hadhay 300 ee rubadood ee sodogay I soo siiyey.
Weliba aabahay ayaan siiyey 200 oo rubadood, waxaana qaatay 80 rubadood.
Laakiin aabahay waxaan ku idhi "Aabo waxaan raacayaa gaadhi ay lahaayeen ilma gadh-case."
Balse maan ahayn nin gaadhi u baahan, dabadeedna gaadhigii aan aabahay ku idhi waan raacayaa oo istaanka baxaya ayaan cabaar is-agtaagay si aan u sugo inta uu dhaqaaqayo, taas oo aan iska dhigayo nin gaadhiga raacaya si aan aabahay u qanciyo,
waxaan gaadhigii sugaba markii dambe ayuu dhaqaaqay oo wixii raaci lahaana raaceen, dadkii aan raacaynina magaalada dib ugu noqdeen ayaa anigana waxaygii cagaha lay geliyey oo aan u ambabaxay xagii reerkaygii, ka dibna waxaan markiiba gaadhay geedkii aan maalintii hoos seexan jiray oo ay gogoshaydii iyo raashinkiiba ii sii yaaliin,
dabadeedna inta ay quraacdii cunay ayaan iska seexday, ka dibna wax aan maalintii oo dhan hurdaba markii ay maqribkii gaadhay ayaan waayey Aamina suldaan, waayo maalin kasta marka ay maqribka gaadho ayey alaabta ii guri jirtay, ka dibna markii aan waayey ayaan alaabtaydii iska gurtay oo aan gurigii tegay oo waxaan alaabtii dhigtay ilaaxidhka hore ee guriga,
laakiin Aamina oo umushay ayaa jiifta ilaaxidhka dhexe ee guriga, dabadeedna inta aan u tegay ayaan ku idhi "waar Aamina maxaad sheegtay", markaasay igu tidhi "Nabad", kadibna waxaan ku idhi "Oo miyaad umushay", "Haa"ayey igu tidhi, hadana waxaan ku idhi "Oo maxaad umushay", dabadeedna intii aanay ii sheegin waxa ay umushay ayey soo fadhiisatay oo ay maradii ka qaaday caruurtii meesha jiiftay,
waxayna tidhi "waxaan umulay 7 caruur ah", ka dibna inta aan naxay ayaan idhi "bismilaahi raxmaaniraxiim", intaa markii aan idhina waan waayey naagtii iyo caruurtii iyo gurigiiba, waxaana is arkay aniga oo cidla fadhiya, dabadeedna aniga oo yaaban oo is leh adiguna maad dambas noqotid, marna is leh ma carartaa ayaa suldaankii loo sheegay waxa dhacay, markaas ayuu yidhi "Xijaabka uga qaada", ka dibna Aamina, caruurtii iyo gurigii ayaa igu soo noqday, markaasay Aamina suldaan hidhaadhiday (Cadhootay),
ka dibna waxaan ku idhi "Maxaad la hidhaadhiyeysaa, habeenkii aad ila hadlaysay miyaad sheekada iigu dartay bisinka ha qabsanin",
ka dibna waxay tidhi "Maya kuuguma darin oo anigaa gardarran".
Intaa ka dibna suldaankii ayaa ii yeedhay oo igu yidhi "Waaryaa Xasan maxaad samaysay", dabadeedna waxaan ku idhi "Suldaan bisinka ayaan qabsaday", dabadeedna wuxuu igu yidhi "Bisinka ayaa ina kala xijaabay ee bisinka hanaga qabsanin".
Ka dibna suldaankii ayaan ku idhi "Oo suldaan sawdinka marka aad wax cunaysaan ee aad tukanaysaan bisinka qabsada ma kaayagaa wax qaba".
Suldaankii ayaa markaa igu yidhi "Haa oo Illaahay baa ugu yeedhay in kiinu (bisinka) ina kala xijaabo oo amar ilaahay baa dhigaya inuu kiinu (Bisinka) ina kala xijaabo", dabadeedna suldaankii ayaan ku idhi "Waayahay oo u noqon maayo".
Laakiin hadii aan odhan lahaa "Suldaan hadii aan ilaawo ha lay saamaxo waa lay saamixi lahaa, balse maan odhan taa.
" Muddo kale markii aan joogay ayey mar kale Aamina waxay dhashay 7 caruur ah, waqtigaasna waxaan buurta joogay muddo saddex sannadood ah, dabadeedna Aamina ayaa maalintii dambe ku idhi "Aamina Caddan baan tegayaa", ka dibna waxay u sheegtay suldaankii, dabadeedna suldaankii baa ii yeedhay oo markii aan idhi waan tegayaa I siiyey sanduuq lacag ah iyo dhar, laakiin suldaanku waxa kale oo ii sii dhiibay 100 rubadood oo igu yidhi "Boqolkaa rubadood waxaad siisaa ninka la yidhaahdo Ina dawle oo doonidiisa raac oo Caddan I gee ku dheh. "
Waxa kale oo uu suldaanku dhar badan iigu sii dhiibay abtigay oo magaalada Xiis jooga, ka dibna abtigay baan u tegay oo aan dharkii siiyey, intaa ka dibna aniga iyo abtigay ayaa is raacnay oo u tagnay doontii Inadawle, waxaanu siinay boqolkii rubadood, laakiin Inadawle aniga iyo abtigay wuu nagu diiday boqolkii rubadood oo wuxuu yidhi "Olol Jaamac baa I qabsanaya hadii uu maqlo wiilkaagii ayuu lacag ka qaatay",
dabadeedna boqolkii rubadood wuu nagu soo celiyey, dabadeedna boqolkii rubadood waxaan siiyey abtigay oo aan ku idhi "abti makhaaxida iskaga ilaali", sidaa ayaana ku raacaya doontii uu suldaanku igula balamay, waxayna magaalada Xiis nagala dhaqdhaqaaqday goor casar ah, dabadeedna halkii ay saddexda habeen nala sii socon lahayd ayaa ayey iyana cagaha wax ka gasheen markaasay habeenkiiba nala tagtay badda Cadmeed, isla markaana waaberigiiba munaaradii buurta shaan-shaan ku taalay bay nala agtay, ka dibna kuruugii doonta ayaa yidhi "Ka kaca Caddani waa tani", dabadeedna dadkii doonta saarnaa baa kaakacay oo yidhi "Waaryaa inala socday, oo yaa inala socday oo aan ilaahay ahayn", doonto waxay sidday Adhi, ka dibna dadkii baa yidhi "Laba wan hala keeno oo hala siiyo Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ismaaciil", ka dibna inta aan hoosta ka qoslay ayaan hoos u idhi "Wadh-wadh sheekhyo sheekhyo lays wallee sheekhyo idin-ma waddin ee aniga ayuun baa og cidda idin wadday".
Labadii wan ayaa halkii lagu cunay, ka dibna goor casar tahay ayey doontii dekedda Cadmeed ku xidhatay.
Suldaanku waxa uu igu sii balamay doonidu marka ay dekedda Caddan ku xidhato inta aad sanduuqaaga dacalka qabsato xagaa iyo xagaa midna ha eegin ee toos u soco oo cidna hala hadlin, lagumana qabanayo oo anaga ayaa ku difaacayna, ka dibna sidii uu suldaanku igula soo ballamay ayaan yeelay oo inta aan sanduuqaygii dhegta qabsaday ayaan iska talaabsaday, dabadeedna cidina ilama hadlin, cidina ima arag sidaa ayaan magaaladii ku galay"

La soco cadadka dambe.







Posted:-Ahmed ( yaasiin )... Qurbodiid
Columbus,ohio
Email Shinbir@saaxil.net
Email webmaster@saaxil.net



Top