Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga
Q: 6aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire ..."Marki aanu Caddan tagnay waxaan raacay tagsi oo aan rubad siiyey, wuxuuna I geeyey gurigii, ka dibna gurigii baa qol lay siiyey, berigaasna qaad iyo sigaar toona ma cuni jirin, laakiin waxa Caddan iga helay koox I waashay oo uu watay nin la yidhaahdo Xirsi Baal-baal, dabadeedna balwaddii iyo heedhe-heedhadii ayaan raacay, ka dibna lix sannadood ayaanan cidna juuq u soo odhan,
maalintii dambe ayaan aniga aqal fadhiya aqalkii ku gubtay, waxayna ahayd xagaa kulul, ka dibna iyadoo ay xabbad sigaar ahi ii shidan tahay ayaan gurigii debedda uga soo baxay ayey Aamina meel halkaas ah igaga soo baxday, markii aan isha ku dhuftay ayaan idhi qoodh iyo xero waa Aamina, markaas ayey soo socotay oo way I salaantay oo waxay igu tidhi "Maxaad sheegtay",
"Waa nabad" ayaan ku idhi, markaas ayaan ku idhi "Oo tumaad ahayd", markaas ayey tidhi "oo miyaad I garanayn", markaas ayaan ku idhi "Oo maalintiiba boqolaal dumar ah ayaan arkaa ee maxaan kaa garanayaa", waana garanayaa ee kiiska ayaan iska waalayaa.
Dabadeedna markaas ayey tidhi "Waar anigu ma ihi naagaha Cadmeed ee waxaan ahay Aamina Suldaan oo adiga ayaan ku doonayey ee bal warran",
Markaas ayaan gacan mayd ah oo baqdin ah ku salaamay oo aan ku idhi "Naa waa fiiacanahay aniguye bal caruurtii iyo reerkii iyo dadkii ka warran", markaas ayey tidhi "Waa la nabad qabay, waana la wanaagsanaa", markaas ayaan ku idhi "Maxaa maanta ku keenay Caddan ee aad doonaysay", markaas ayey tidhi "Adiga ayaan ku doonayey oo gabadhaadii oo sagaal jir ah ayaa la doonay",
markaas ayaan idhi "Ma gabadha sagaal jirka ah ayaa la doonay"
La soco cadadka dambe.
Posted:-Ahmed ( yaasiin )... Qurbodiid
Columbus,ohio
Email Shinbir@saaxil.net
Email webmaster@saaxil.net