Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga
Q: 7aad Qiso Dhab Ah
-
Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire Xasan Olol markii ay afadiisii jinka ahayd, Aamina suldaan ugu timi Caddan ee ay u sheegtay in guur loo soo doonay gabadh uu dhalay oo 9 jir ah waxa uu sheegay inuu fajac iyo amakaag u soo baxay,
ka dibna yaabkii uu yaabay markii warkaa loo sheegay ayuu lama filaankii yidhi "Bismilaahi Raxmaani rixiim", laakiin marka uu bisinka qabsanayey wuu ilawsanaa dardaarankii uu siiyey soddogii Suldaan Aar, sidaa darteed Xasan markii uu bisinka bisinka qabsaday ayuu Aamina suldaan nuurigeedii waayey, wuxuuna Xasan Olol magaalada Caddan ku sugnaa muddo lix sannadood ah, ka dibna Xasan Olol waxa uu Caddan ka soo laabtay oo uu dalka yimi, iyadoo aanay isaga iyo Aamina wax xidhiidh ah yeellan, wuxuuna markaa yimi magaalada Hargeysa,
iyadoo uu xiligaasi ahaa sannadihii dhawr iyo toddobaatanaadkii, laakiin Xasan Olol, isaga oo ka hadlaya imaatinkiisii Hargeysa wuxuu yidhi, "Waxaan Caddan iska soo balweeyoba waxaan imi Hargeysa, dabadeedn markii aan inmuddo ah joogay magaalada Hargeysa ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo bahal busaarad ah la ildarran oo meel kaabad ah ku fadhiya waxa I soo hor maray gaadhi yar oo ay Aamina suldaan saarran tahay,
ka dibna markii aan arkay ayaan indhaha la raacay, dabadeedna markii uu gaadhigii marayey meel agtayda ah ayey Aamina ii soo tuurtay masar xariir ah oo ay ku soo xidhay lacag aad u tiro badan, ka dibna markii ay lacagtii ii soo tuurtay ayey I dhaaftay, iyadoo aan ila hadlin, wixii mudadaa ka dambeeyeyna wax xidhiidh ahi nama dhexmarin. "
Xasan Olol waxa uu sheegay inay Aamina suldaan u dhashay 14 caruur ah, laakiin waxa uu sheegay inay Aamina la soo xidhiidhi lahayd hadii ay nooshahay, sidaa darteed uu Aaminsan yahay inay dhimatay,
sidoo kale waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi "Aamina suldaan hadii ay caruurtayda u sheegi lahayd inaan anigu aabahood ahay way ila soo xidhiidhi lahayd, laakiin waanay u sheegin."
Xasan Olol waxa kale oo uu ku kaftamay inay niman reer Somaliland ah sheegteen inay Aamina suldaan iyaga ahayd, sidaa darteed ay yaradkii iyo xaal-ba ka doonayaan, maadaama bay yidhaahdeen aad sheegtay inaad gabadha oo qaawan oo dabaalanaysa lugaheeda kala dhexmartay, wuxuuse Xasan taa kaga jawaabay inuu ogol yahay waxaas oo dhan, laakiin uu iyagana uga fadhiyo xaaskii iyo 14-kii caruurta ahaa.
Hase yeeshee Xasan olol waxa uu guursaday gabadh kale oo iyadu Insi ah. (dhamaad).
Posted:-Ahmed ( yaasiin )... Qurbodiid
Columbus,ohio
Email Shinbir@saaxil.net
Email webmaster@saaxil.net