Mas iyo nin marti ah oo colaadi dhexmartay
Bari baa Mas tuulo barwaaqo ah daganaa , maalin maalmaha kamida ayaa waxaa u soo martiyey
reer ka kooban oday iyo xaaskiisa iyo ilmo uudhalay markii uu ninka maska ku yidhi yidhi masow caawa na marti ...masna ka ogalaaday .
ayaa ninkii la martiyey maalintii kale tagiwaayey oo hadana habeenkii kala seexday
oo hadan habeenkii kale ugu yimid.
Maskii oo yaaban ayaa yidhi ninku balan xumaa... goor ay habeen tahay ayaa ninkii oo uu damac qaaday yidhi maskaba maad dihid si aad uulada ula wareegto
ninkii baa gudin soo qaatay oo soo abaaray geed uu ku hoos jidhay maskii ......ninkii baa gudintii isla kala jiiday is yidhi maska ku dhufo ...maskii buu la waayey oo geedka jiridiisa ku dhuftay ... maskiibaa keynta galay ...ninkii iyo maskii baa dhufeys isku galay
goor uu ninkii daalay oo seexday ayuu maskii u daba maray xaga uu xaasku daganaa durba...wiilkii curad buu qaniinayo ku dilay
ninkii iyo maskii waxay colaad ka dhaxeyso ninkii baa yidhi aan heshiino masow !
maskii baa yidhi intaad curadkaaga xasuusaneyso ana aan arko geedka gudinta ku dhacday heshiin meyno !!!
Tafatire :- A .Yaasin H. Mire
webmaster@saaxil.net