Maxamed Xaaji Ismaciil Maxamuud [Barkhad Cas]
Gabayadii Halgamaagii Weeynaa ee Barkhad Cas waxaan ka dooranay
Cutubyadaan :
Awawgay ninkii adoonsaday
ninkii aabahay indhaha tiray
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
hadaanan
Aadanow unuunka jarayn
aan ooyee albaabka ii xidha.
Isagoo Iglan joogabuu i diloo
ushuu soo fidshaa i
iimaysoo
waataa aramidii i oofa tirtaye
itaal dari aan la eedaadoo
aan
ooyee albaabka ii xidha.
Bal oggow isticmaarku abidkii
iriduu marinaayo awr raran
irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ninowna
ha odhan soomaalaan ahee
ordoo magacana ka iibsada.
Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay
Abu Riin Lo'da joogtabaa urisoo
ooday jebisaa intay u dhacdoo
amsaxuu ka guraa idiilkeede
waakaa
isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
in shaahiyo keegu
waa urugee
iimawdee axankaaga weynee.
Ugaadha ninkii gatee urursada
ka soo arkabaa aduun ka baxshee
ninkaa imanaaya awgii waa
kaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan
arkayee u abasaxayow
ordoo magacana ka iibsada.
Dhammaad