Caruuray bari hore waxaa jiray Cali duulduul

Cali duulduul wuxuu ahaa nin ku dhaqan magaalo yar , oo u dhow magaalo weyn , Cali duulduul nin ayaa siiyey dhalo leeg hal litir oo uu subag ku jiro , Cali duulduul ayaa markuu uu gudoomay dhaladii subaga ku jiray wuxuu isla markiiba ku fakiray maad subaga soo gadated.
Cali duulduul markiiba wuxuu isku sii daayey tukaan yar oo ku yaalay magaalada ya ee uu daganaa , markii uu soo galay tukaankii ayaa wuxuu arkay tukaankoo dad badan wax ka iibsanayaan oo buuqa .
Wuxuu is yidhi inta dadka tukaanka wax ka gadanayaan ee uu firaaqoobayo waxoo gaa iska fariiso kursi meel gees ah yaalay , Cali duulduul ayaa markii uu fariistay kursigii wuxuu ahaa nin daalan oo soo yara lugeeyey , waxyar kadibba Cali duulduul waxaa qabatay hurdo isagoo kursiga ku fadhiyo , wuxuu hurdaba Cali duulduul wuu riyooday , wuxuuna ku jiyooday isagoo laga iibsaday dhaladii subaga lacag fiican ka helay , lacagtiina uu ku gatay sac saciina uu uu dhalay weyl , weylshii iyo sacii na u iib geeye magaalada weyn halkaana uu ka helay lacag faro badan
Lacagtii badneedna uu ku guursaday gabadh , gabadhiina ay u dhashay wiil , Cali duulduul ayaa wiilkii ku yidhi kildhiga biyo iigu shub , wiilkana wuu dhaga adkaaday oo ugumuu shubin biyihii kildhiga Cali duulduulbaa intuu xanaaqay is yidhi wiilka usha ku dhufo , intuu iskala jiiday ayuu is yidhi wiilka u sha ku dhufo .........nasiib xumo Cali duulduul ushii uu watay wuxuu ku dhuftay dhaladii subaga
Dhaladii subaga ayaa ku wada daadatay dadkii tukaanka joogay oo wadagaadhay; dadkii waxay noqdeen qaar xanaaqa iyo qaar qosla.
Cali duulduul baa indhaha kala qaaday oo wuxuu arkay wuxuu usha la dhacay inay aheed dhaladii subaga, intuu u shiisii qaatay ayuu si dagdaga uga baxay tukaankii !

Dulucda sheekada:

Waxay Soomaalidu sheekooyin keeda had iyo jeer ku maldaahdaa xigmad ...sheeko walboo ay somalidu alifto waxaa ku ladhan xigmad



Tafatire:- A _ Yaasiin
webmaster@saaxil.net