|
|
Sifaalada adduun
waxaa tiriyay cabdirashiid Axmed xuseen
Niman yahow sifaalada aduun subaxba waa cayne
Naftu waxay la salashoo dhan baad saani aragtaaye
Suluf iyo faduul iyo colaad soogan waligeedba
Soomaali baa lagu yaqaan sabab la aaneede
Mid Sumeysan Mooyee naflihi saafi laga waaye
Ku saliya Rasuulkii ninkii Seegay baa lumaye
Rabigay khalqiga waw samraa sabana dhaadheere
Markuu samo sameeyaba markiba waw sad buriyaaye
Kii surinka weedaarta oo xumo la sooyaamsho
Seeftii Rabaaniga ayaa suuqi oo diliye
Ku saliya Rasuulkii ninkii seegay baa lumaye
Rabigay khalqiga waw samraa sabana dhaadheere
Iyagoo sabiya yuu korshaa saxar ka dhawraaye
Nabi buu u soo diri baraa suuraduu faraye
Hayeeshee nafluhu waa sawaab saamixaad rabine
In yar baa salaadiyo sakiyo soonki oofiyaye
Inta kale siniyo been sirqay soof ku dhacayaane
Ku saliya Rasuuulkii ninkii seegay baa lumaye
Rabigay khalqiga waw samraa sabana dhaadheere
Sabool ruux ahiyo maal ninkii sacabka loo saari
Iyo Sababta aw-dhiman misana saacadii dhigane
Sadar lagama qorin inuu nafluhu kala sareeyaaye
Samaan iyo xumaan waxaad fashaa , qalin la saaraaye
Ku saliya Rasuulkii ninkii seegay baa lumaye
Rabigay khalqiga waw samraa sabana dhaadheere
Kufrigii kabcada sahansadee doonay inuu siibo
As-xaabu fiil shinbire lagu saladay saatirkaa diraye
Samuud waxa dhulkaba loola simay waa su'aal furane
Fircoon waxa baddaa loogu sugay sawdi uu yiriye
Ku saliya Rasuulkii ninkii seegay baa lumaye
Rabigay khalqiga waw samraa sanada dhaadheere
Rag baa yiri anaa sixi wixii suurad oo idile
Rag baa mooday inay siman yihiin khaaliqaa sara e
Rag baa yiri sareeyaw i dhaha weydin saamixiye
Khaatumada rag seegaa hadeer soo awaal baxaye
Ku saliya Rasuulkii ninkii seegay baa lumaye
Rabigay khalqiga waw samraa sabana dhaadheere
Islaanimadu seeray laheed lagu sawaalayne
Sintaan lulina ma ahayn surwaal suuqan baan xirane
Gaal dhaqankii saacida ma oran suubanaw nabiye
Ninkii sawjadiisii u qabay timaha sii deyso
Oon marada saarayn midaa waa saf lagu Naare
Su'aal Aakhiraad baa jirtee saa ha la ogaado
Ku saliya Rasuulkii ninkii seegay baa lumaye
Sigaar iyo Qaad bey sidaan toobad seegyaduye
Sarajoog khamray kuba cabaan saaqidiin badane
Sinadiyo beentiyo xantay sahal u qaateene
Sariigtiyo xishood ruux ka tagay samihi waa yaabe
Ma siraadno dhaayuhu markaad seegto marin kiiye
sug sug iyo wuxuu kula noqdaa surun ciriiryoone
Meeshaad saldhigi waa inaad saamisaa Ebide
Suurkii Aakhiraad waa dhaw yahay saacad kulan kiiye
Siiyahay hore tiisaa la iman saatirkii jiraye
Ku saliya Rasuulkii ninkii seegay baa lumaye
Afartaa sadiyo wawga iyo siin maka hingaadshay
Sifaad kiisa lama weeciye sadar ma qaadsiiyay
Maantana bal aan saxo waxaad iga sugayseene
Saban baa nimaan sadar aqoon suufi uu kacaye
wuxuu yiri salaadiyo suniyo soonka rabadaanba
Waa layga saamaxay inaan wada sameeyaaye
Duul ilaahay soocdaan saqdii wada sinjaarnaaye
Saf balaaran oo dheer markaan wada sujuudeeno
Oo saalixiintii digriga sawadka wada qaado
yaa samada lii furi waxaan saadiyaa noqone
in kastoo sir iyo been aqoon sixir mareegaale
In kastoo sanuuntiyo an cunay sarara geedeysan
In kastoo Soomaalida dhamaan sacabsadoon laacay
Subagiyo soortiyo anoo sixinka fuudaaya
Oo soobir geel lay Qaloo saafay hilib keeda
Yaa duul Illaah nagu saliday saabka noo rogaye
Waxaan iri haddaan suufiyaw samaha uu sheego
Haddaan suuradii layna faray sadara kuu taabto
Sujuud waxayga mudan khaaligaa suubshay dunideere
Qabri baan siyaartaa walluun saamixaad dhaline
Subaxdii salool iyo Bun baad sacab ku boobtaaye
Tinta waad saloogtaa misana sixin ku dhoobtaaye
Adigaa sad koodii ka cunay sabi agooneede
sodon tira ka badan naagahaad saartay gaadada e
Sandareertadii lagugu baray saban-sabkaadiiye
Sariig yeelo suufaq qalbigu yuun sibiibixane
Sixir iyo sir iyo been waxaad sama kumaashaaba
Qabri waxaad salaaxdoo sar dheer calanka saartaaba
Sadaqada waxaad soobir geel xiro ka soocdaaba
Awliyo sujuud kaa mudneyn waxaad salaantaaba
Suufiga ninkaan rabin waxaad siriq u qooshaaba
Soomaali caama ah waxaad surin ka laabtaaba
Maantuu sad kaagii go'oo Saabir aad tahaye
Samir yeelo iimaanku yuun kaa sibiibixane
Dhaaxay sayidi soo dhawaw kugu salaameyne
Dhaaxay digriga soodka been kugu sarqaansheene
Sinji xume adey isbaday inaad soor u carartaaye
Suubanaw Rasuulkiyo hadaad suu ku faray yeesho
Mana kugu sifeeyeen inaad saaxir aatahaye
Marna kuma sureen seefta iyo soorka Alamaane
sawaab yahaw adaan weli samrine meed socdaa tahaye
Samir yeelo shicib kaad sirtaa maanta soo kacaye
sun liqyahaw sidiiq yaadan gelin sakhara Naareede
| |