waxaa gabaygii munaasabadii Calan saarka katiriyey Abwaan Cabdullahi Suldaan "Timacadde"
Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan
joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan
surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu
saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su'aala hadhow
Ilaahaan waxba
seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo
naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo
saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga
maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii
u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow
ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar
Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo
haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu
yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu
yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu
kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar


San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la
ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow
ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu
cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii
laydhiisu na saaqdayow
Kii sadqeeyey qabaa'ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow
ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta
Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan Soor cuni
waayo
Safrad laygama yaaboo
Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala
guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib
kanna saar