Waraabe iyo Dumar maxaa kala heysta

Goor ay qoraxdu dhacday oo dhulku wali Xili fiid yahay ayaa Waraabe gaajeysan ka soo huleelay godkii uu u hoyan jiray , wuxuu hadba dhinac u ordo oo uu milicsado in uu helo uun waxuu cuno , ayaa si kadis ah wuxuu ku soo baxay ruux dumar ah oo adhigeeda la joogta oo u dhawaaqeysa caruur yar yar leh War hoy adhiga soo xareeya , yuuna waraabe naga cunine Waraabihii gaajeyesnaa ayaa intuu xanaaqay iska ga jeestay , oo horuu u sii socday, wuxuu cabaar socdaba wuxuu ku so baxay labo islaamood oo dhahaya Xalay baa xeradaas waraabe neefkala baxay
Waraabihii gaajeyesnaa ayaa intuu xanaaqay hadana iska ga jeestay , oo horuu u sii socday, wuxuu cabaar socdaba wuxuu ku so baxay labo dumar kala weyn oo adhi aymaanta daajiyeen ku xareynaya xero , oo hada wada sheekeysanaya ...Waraabihii baa dhageystay labada dumar ee adhiga xareynaya hadalkooda , midkamidaa tidhi lixbilood ka hor soo lax yar aan habeen xareynin soo waraabe nagama cunun bari
Waraabihii gaajeyesnaa ayaa intuu maqlay yaabay oo xanaaqay , markaasbuu ku geeraaray waraabihii wahey wah .....Hadaan xoolaha dumarka ka akhoonlahaa xoolaha kale maba cuneen xoolaha dumarka





Dulucda sheekada:

Waxay Soomaalidu sheekooyin keeda had iyo jeer ku sheegtaa in waraabuhu (dhurwaagu) uu yahay ka ugu doqonsan... Balse sheekadan waxaan u isticmaalayaa wuxuu waraabe qoonsaday inay raga qaar sameyn karaan



Tafatire:- A _ Yaasiin
webmaster@saaxil.net