|
|
Gabaygan Ina Cabdille Xasan wuxuu u titiryey ninkkii la odhan jiray Coffield oo Soomaalidu u taqaan Koofil ahaana sarkaal Ingiriisa ooy Daraawiishtu ku dileen dagaaladii Daraawiishta. Waxaa la yidhi markii Daraawiishtu dileen Koofil ayey madaxa kasoo gooyeen oo keeneen xaruntii daraawiishta. Markaas ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey.
Wuxuu yidhi:
Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne Adigaa jidkii lagugu wici jimicla'aaneede Jahannama la geeyow haddaad aakhiro u jihato Nimankii jannow kacay war bay jirin inshaalleye Jameecooyinkii iyo haddaad, howhartii aragto Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda Daraawiish jikaar nagama deyn tan iyo jeerkii dheh Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh Waxay noo janjuunteenba waa jibashadiinnii dheh Jigta weerar bay goor barqaa nagu jiteeeyeen dheh Anigana jikrey ila heleen shalay jihaadkii dheh Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh Jiiraayadey ila dhaceen jilic afkoodii dheh Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego Billaawuhu siduu kuu jarjaray jiirarka u muuji Nafjeclaysigii baan ku idhi jaallow iga daa dheh Jaljalleecadii baa wadnaha jeeb ka soo ruqay dheh Jeedaaladii baa indhuhu kor u jillaadmeen dheh Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh Markaan juuq idhaahdaba afkey iga jifeeyeen dheh Dhaxaan jalaacaye dheg baan jalaq la ii siin dheh Goortaan jarreerana gefoo nolol ka jaanqaaday Sida janannadii hore tashigu igu jaguugnaa dheh Taladii jinnigu ii hormaray jaasadeed helay dheh Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshey Jibaadka iga soo baxay dadkii jiifka qaban waa dheh Markay rubadddu jaw tidhi or bay iga ag jiibsheen dheh Jidhkaygii bahal baa cunoo jiitay hilibkii dheh Jurmidiyo baruurtii dhurwaa jugux ka siiyaa dheh Jiljilladiyo seedaha tukay igaga jaadeen dheh Haddaan lays jikaareyn tolkay laga jil roonaa dheh Weligood waxaa lagu jaraa jilibdhig duullaan dheh Daraawiishi waa jibindhow iyo jowga soo bixi dheh.
| |