Bisad iyo Jiir / Mukulaal iyo Doolli

Bari baa waxaa wada safray Bisad iyo Jiir (Dooli). Waxay ku heshiiyeen in ay iska sii weheshadaan jidka intay ku jiraan.
Intii ay jidka la sii socday ayaa Bisadii hadba miliqsataa oo miciyahana isku listaa, had iyo jeerna eegtaa xaga jiirka xigo inta indhaha galka ka soo saarto.
Jiirkii intuu ka yaabey bisadii iyo sifaalaheedii ayuu u yeedhay,oo uu ku yidhi "Bisadey indhaha aan arkayo safar kuma wada geli karimeyno, ee midkeenba dhinac ha u safro."
Markaas ayey Bisaddii tidhi, " Maxaa dhacay oo aad igu qoonsatay ?" Anigu markaan arko jiir ayaan hamaahsadaa Laqayoodaan( halaaqood ) inta farxadu iga badato
Jiirkii intuu geedo dhexdood ka dusay ayuu yidhi, "Isma raaci karno, wehelna kaama dhiganayo ee waxaad weheshato raadso."