Baratankii Dawaco iyo Diin ka ( diidiin ka )




Dawaco Bari waxaa meel wada daganaa Diin ( diidiin) iyo Dawaco , maalin walba wey iska soo hor baxaan Diinka oo luudaya iyo Dawacoda oo xiimeysa maalin maalmaha ka mida ayey isyiraahdeen labadeena kee dheereeya.
Dawaco dii ayaa soo booday Diin kii( diidiin) ku tidhi madaaba i gaaraya waan kaa orad dheereeyaaye...car kaalay aan baratanno... Diin kii ayaa ugu jawaabay hadduu Alle idmo waan kaa orad dheyreen.
Waxaa la balama bari subaxa inta Qoraxdu kululaan ( Cadceedu...Milicdu )kululaan iyo goob lagu balamay.
Balantii intayna gaarin ayuu Diin kii( diidiin) soo luuday oo geed u dhow goobtii balanta yimid oo ku sii nastay.
Dawaco dii ayaa waxay habeenkii seexatay xili danbe waxayna soo baraarugtay goor balankii wax yar ka dhiman yahay intay haf iyo haf soo tidhi meeshii imaaday ...Diin kii( diidiin) oo orad u diyaara goobtana jooga.
Diin ( diidiin) Waxaana la xariiqday xariiq dhulka oo labadoodiiba waa is ag istaageen , xiligii oradka bilaami lahaa waxaa ka dhiman daqiiqad.
Daqiiqadii ayey Dawaco dii sugi kari weyday ...Diin kii( diidiin)kii ayey ku tidhi oradka sii bilaabo ana labo daqiiqo ayaan sii seexan waana keenii ku hormara geedka dheynta.
Caruuray Dawaco dii wey seexatay ...Diin kii( diidiin)kii wuxuu bilaabay oradkii oo wuxuu sii ruqaansado wuxuu goor barqadii gaaray goobtii lagu balamay uu ku yaalay geedka dheynta !!
Dawaco dii baa goor ay tahay barqadii maray Qoraxdu kululaatay ( Cadceedu...Milicdu ) kululaatay ayay soo hanbaaburtay oo cagta wax ka soo dayday ....markay soo gaartay goobtii lagu balamay uu ku yaalay geedka dheynta ...mise waxaaba uga soo horeeyey Diin kii( diidiin)kii


Tafatire :- A .Yaasin H. Mire

webmaster@saaxil.net