IS-XASUUSINTA DHIMASHADA maxaynu u diyaarsanay



IS-XASUUSINTA DHIMASHADA… maxaynu u diyaarsanay


Asalaamu calaykum
Dhimashada iyo mawdku waa arrin dhab ah oo adag oo cabsi badan oo waxkastoo Illaahay abuuray hortaagan, markaa qofna ma kari karo inuu iska celiyo, cid ag joogtaana kama celin karto, markastana waa mid soo noq-noqanaya, dadka waaweyn iyo dadka da’a yartubu isku si bay ugu siman yihiin.
Waxaa kaloo uwada siman dhimashada iyo mawdka, maalqabeenka iyo saboolka, kuwa itaalka badan iyo kuwa tamarta yar, oo cid kastaaba isku meel bay ka taagan tahay. Ma laha xeelad, hab, tamar, iyo cid uga shafaacad qaada, cid ka caabisa malaha, cid dib-uga-dhigta malaha, waa mid ka imanaysa, dhimashadu, Illaaha awooda weyn ee sare xagiisa oo aanu bani-aadmigu waxba ka qaban karin, oo aanu, bani-aadmigu meelna uga baxsan karin.
Illaahay gacantiis oo keliya bay ku jirtaa bixinta nolasha, gacantiisa uun bay ku jirtaa dib ula noqoshada wuxuu baxshay markii loogu talagalay ee ajashu ka dhamaatay. Ajasha iyo mudadda qofka loo qabtayna waa mid go’an, dadku ha noqdaan qaar guryahooda jooga oo ehelkooda iyo reerkooda dhex jooga, ama qaar foof-tegey oo goobaha shaqo jooga ama qaar u foof-tegey fidinta iyo difaacada diinta ha noqdaane, Illaahay agtiisa uun bay tahay abaal-marintu, isagaana. Illaahay waxkastana awood u leh wax kastana cilmi iyo aqoon u leh.
Cidkastaana waxay u laabanaysaa Illaahay, Illaahay baa la horkeenayaa, mana-laha meel kale oo ay u noqonayaan oo aan ahayn Illaahay xagiisa, mana-laha meel kale oo ay ku danbeenayaan oo aan ahayn xaga Illaahay, waxa lagu kala tegeyaana waa camalkii qof la yimi aduunka iyo niyadiisa, [MA CAMAL WANAAGSAN BUU AHAA OO ikhlaas iyo Illaah u qasdi iyo suna raac ku dheehnaa] iyo dhinacii uu ahamiyada siinayey ee uu u jeeday, laakiin, kama danbayta nolosha ifku waa mawd iyo dhimasho oo waa mid keliya, dhimashada wakhtigii loo qabtay ah, iyo ajashii loo qaybshay ku eeg, noqoshaduna waa xaga Illaahay, soo saariduna waa maalinta qiyaamaha iyo abaal-marinta, markaa waa laba shay midkood. Ama denbi dhaafid Illaahy iyo raxmad iyo naxariis amba cadha Illaahay iyo cadaab.
Waxaa ugu axmaqsan oo ugu doqonsan, qofka naftiisa la doortay gaba-gabada xun, isagoo markasta ah mid dhimanaya.
Illaahay baa yidhi: (Kula-nafsin-daa-iqatul-mawt [] nafkastaaba dhimashada way dha-dhamin doonta, oo dhiman doontaa).
Waxaa lagama maarmaan ah in xaqiiqadan iyo arrintan dhabta ahi ay noqoto mid nafta biya dhigta, xaqiiqada iyo dhabta ah in noloshan aduunyo ay tahay mid xadidan oon lagu waarayn, lagu koobay ajal iyo muddo go’an, deedna hubaal uu dhammadkeedii imanaayo.
Way dhimanayaan kuwii wanaagsanaa.
Way dhimanayaan kuwii xumaa.
Way dhimanayaan kuwii fulayaasha ahaa ee nolosha sicir kasta ku gadanayey.
Way dhimanayaan kuwi hanka sare lahaa iyo himilooynka sare
Way dhimanayaan kuwii keliya u noolaa ku raaxaysiga nolosha .
Qof kastaaba wuu dhimanayaa (Kula-nafsin-daa-iqatul-mawt [] nafkastaaba dhimashada way dha-dhamin doonta, oo dhiman doontaa).
Qof kastaaba wuu dha-dhimanayaa mawdkaas, oo wuu ka tagayaa noloshan, wax faraq ah oo naf iyo naf kale u dhaxeeyaa ma jiraan markay timaado dha-dhaminta mawdka iyo dhimashada qofkasta u imanaysa. Laakiin, waxa lagu kala duwan yahay waa shay kale, faraqu iyo kala duwa-naanshuhu waa qiime kale, faraqu waa waxa lagu danbayn doono
(Inama-tuwafuuna-ujuurakum-yawmul-qiyaama-faman-zuxzixa-cani-naari-wa-udkhila-al-jana-faqad-faaza) Illaahay aayadan wuxuu yidhi: Wax kale maaha ee waxaa la idin siinayaa abaalkiinii oo waafi ah maalinta qiiyame markaa ka laga dhirin-dhiriyo, ka laga riixo naarta ee janada la gashaa kaas baa libaanay.
QIIMAHAAS WEEYE KA FARAQA KEENA EE LAGU KALA TAGEYAA, WAANA KAAS HALKA LAGU DANBAYNAYAA AAKHIRKA EE HEBEL HEBEL KAGA DUWANAANAYO HEBLANA HEBLA KAGA DUWA-NAANAYSO. Waana qiimaha hadhaaya ee istaahila u guntashada iyo u orodka, iyo u tacabka, waana masiirka iyo waxa lagu danbeen doono ee ay tahay IN LOO DIYAAR GAROOBO OO KUN IYO KUMAA-KUN JEER XISAABTA LAGU DARSADO.
Ta-aan-laga-fakanayni waa
Sidii uu nin dadkii hore ee fadliga badnaa yidhi:
Maxaa jiray saaxiib aan lahaan jiray, hadaan doono waan magacaabi, naftiisa ku ilaabay shahwada iyo waxa naftu jeceshahay, deedna maxbuus u noqday dha-dahankaas, deedna mooganaaday dhimashada iyo xisaabta, kolkii Illaahay iisoo hanuunshay adeecidiisa iyo fartoonka wuxuu i faray, iyo ka dhab sheegida ka cabsigiisa, waxaan u baqay saaxiibkay: waan la taliyey, waan jeclaysiiyey Alle ka cabsi, waxaan ku bajiyey ciqaabta Illaahay, laakiin wuxuu iigu cudur-daartay dhalinyarnimo waxaana qataley oo hoosaasiyey rajo dheer oo uu nolosha ka qabo
Walaahay,ninkaas, waxaa si kadis ah ugu yimid mawdkii iyo dhimashadii, maantana wuxuu noqday mid ciida ku hoos jira oo ku aasan, wuxuuna noqday mid u xidhan oo u xaniban wixii uu dunuub soo galay, mac-macaankii waa ka tegey, haweenkii u heesi jiray waa ka tageen, qoortiisana waxaa ku hadhay wuxuu galabsaday, wuxuuna dhinaciisa u kacay Illaahii weynaa.. isagoo, qofkaasi, kasbaday camalkii kuwa faasiqiinta ah ee Illaahay macsida aan kala xishoon.
Kaas, Illaahay baynu ka magan-galnay, Ilaahay baynu ka magan galnay khaatimadiisa iyo wuxuu ku danbeeyeyba.
Kolkaa adoonyahaw Illaahay, illaahay ka cabso, oo ha noqon sida kaa oo kale, adoo og in dunidani tahay mid tagtay oo xijaabatay, akhiirana tahay mid soo kicintintay oo soo socota, xasuusnow-na saacada dhimashada iyo ka tegida noloshan, iyo waxa saacada mawdka lagu horkeenayo ee farabadnida dunuubta ah iyo tira-yaraanta xasanaatka iyo camalka fiican ah, markaa waxaad jeclaysan lahayd samayntiisa saacadaa maanta soo de-dejiso oo samee, waxaad jeclaysan lahayd ka fogaanshaheedana imanka laga bilaabo ka fogow oo ka dheerow:
HADAYNU AHAAN LAHAYN QAAR KOLKAY DHINTAAN LA ISKA DAYNAYO
DHIMASHADU WAXAY NOQON LAHAYD RAAXADA MIDKASTOO NOOL
LAAKIIN MARKAYNU DHIMANO WAA INALA SOO SAARI DOONAA
DEEDNA WAXAA LA INA WEYDIIN-DOONAA SHAY KASTA
WASALAAM






By: ABU-OTHMAN