Mustaqbalka Islaamka



Waxaan isku dayaynaa wixii alla inaga waafajiyo subxaanahu watacaalaa inaan ka nidhaahno mawduuca ku saabsiisan mustaqbalka oo aan leenahay islaamka iyo ahalkiisa wuu u hadhay, waxaa lagu jiraa wadci aad u adag, qofka weedhan yidhaahdana waxaa laga yaabaa inaanay dadbadani inaanay hore u rumaysan,
waaqaca ay ogyihiin daraadeed, waxana macruufa biniaadanku wuxuu la noolyahay dhacdooyinka dhaca wakhtiga uu nool yahay iyagaana dareemadiisa wax badan ku reeba, waxa laga yaabaa dadka inay u muuqato wadciga ay muslimiintu maanta ku jiraan oo ay ugu muuqato wadci laga xoog badan yahay inuu yahay rajada odhanaysa mustaqbalka ayay wax ku leeyihiin waxay u muuqan kartaa dadka badh badani inay garan kari waayaan qaabkan aynu u sheegayno,
laakiin waxaan isku dayayaa inaan cid walba qancin karo, innagoo isku dayayna inaynu adeegsanno bal assaaliibta kala geddisan ee biniaadamku adeegsado marka uu rabo inuu mustaqbal ka waramo, waxaan isku dayayaa maraajicda iyo waxaa inaan iska dhaafi doono wakhtiga oo aan badnayn baan jecelahay sidaa daraadeed laakiin fikrad uun baan soo gudbin doonaa, sidaa daraadeed waa laga yaabaa inaynu culimo badan oo muslimiina iyo kuwa gaaleed ka soo naqdin lahayn, laakiin waxaynu isku dayaynaa inaynu soo koobno.
Kow marka la yidhaahdo mustaqbal baa laga waramayaa maxaa wax lagu qiimeeyaa? Innagoo og inuu mustaqbalku qaybka ka mid yahay, ilaahayna uu quraanka ku leeyahay
“ Þá áÇ íÚáã ãä Ýí ÇáÓãÜæÊ æÇáÃÑÖ ÇáÛíÈ Åáí Çááå"
iyadoo qaybka ilaahay subxaanahu watacaalaa uu keligii qaybka ogyahay, qaybka qaybtiisa mudlaqa ah yacni qayb baa jirta ilaahay subxaanahu watacaala mooye aanay jirin cid kale oo ogi, qiyaamaha iyo goortuu dhici doono iyo wixii la halmaala, qayb baa jirta
uu ilaahay subxaanahu watacaala rususha u soo waxyooday oo uu u soo dhiibay, laakiin waxaynu leenaha haddii aynu uga bixino istishraafil mustaqbal sidee baynu uga saadaalin karnaa mustaqbalka, haddaynu isticmaallo ereyga ah saadaalinta ama odorositaanka ama hilaadin, yacni dhaqanka soomaali waxaa la tilmaamaa roobku markuu da’ayo qof baa la yidhaahdaa odoros ama hilaadi, dabadeedna wuxuu eegaa roobkaasi wuxuu yidhaahdaa roobkaasi meel heblaayo ayuu ku da’ayaa muxuu adeegsaday qofkakani? Waana laga yaabaa inay marar badan ku da’aan meelihii uu sheegay, yacni tajribo uu lahaa, iyo dhacdooyin taariikheed oo uu hore u soo joogey, iyo tajaaribtiisii markuu adeegsaday ka dib ayuu eegay roobkaasi markaasu is yidhi meel heblaayuu hayaa wuu odorosay, odorositaanka mustaqbalka la odoroso saddex masdaruun bay bini aadanku adeegsadaa inta ugu badan masdar
isaga waxaan aaminsanahay inuu baadil yahay idan ma adeegsan doonno, waa masdarka ku saabsan falalawnimada, xiddigiska, sixirka, caraafaynta iyo waxaasi, waa masdar biniaadanku ilaa maanta oo tiknoolijiyaddan sare iyo waxan aad maqasheen illaa maantaa la adeegsadaa, weliba ay adeegsadaan duwalka waaweyn iyo guryaa waaweyn ee aad maqashaan weli sixir iyo wadaad khuraafo sheega iyo madaxi ma kala maarmin dunida walaa kuwa guriga cad fadhiya walaa kuwa masaakiinta meelahan fadhfadhiya la jooga meel walba mulajamku wuu joogaa, galbeedka aad ogtihiin ee aad taqaaniinna weli waa laga faaliyaa xidgeeyayaashu iyo faaliyayaashu guri boqortooyo ama madaxweyne meelaanay joogini ma jirto, mar sharraxaadi dhacayso ama dhacdo weyni dunida ka dhacdo ama waxay dhacayaan oo aan tiifiiyada la soo fadhiisin oo aan wax laga weydiini ma jirto,
weli ama turub ha dhigdhigo ama sacab ha yidhaahdo waan akhrinayaa ama bakeeraan wax ka sheegayaa ha yidhaahdo, ama waxbaa lay sheegaa wuxuu doonayo ha sheego weli waxbay sheegaan laakiin innagu taa adeersan mayno maadaama uu nebigu sallalaahu calayhi wasalam uu innoo tilmaamay inuu yahay masdar baadila islaamkuna haba yaraatee dadka muslimiinta ahi ma adeegsadaan, waana kii nebigu ku tilmaamayey sallalaahu calayhi wasalam qofka kaahin u tagee rumaysta inuu ka gaaloobayba bimaa unsila calaa muxammad ama inaan salaadda afartan casho laga aqbalayn,
yacnii axaadiis badan baa ku soo aroortay saad wada garanaysaan sidaa daraadeed isaga wax badan ka odhan mayo oo waan dhaafayaa, hadday wax ka rumoomaanna waa midkii uu nebigu sallalaahu calayhi wasalam sheegay waa kii yidhi shayaadiinta ayaa is dul korta oo xagga sare wax ka soo dhegaysata dabadeedna kan kaahinka ah ama wax sheega ayay dhegtiisa wax ku tuuraan mid markay u sheegaanba sagaal iyo sagaashan kale ayay ku daraan, markuu boqol sheegoba waa laga yaabaa inay mid runi ka soo dhex baxdo, idan waa masdar baadila markaa adeegsan mayno.
Waxa kale oo biniaadamku adeegsadaa ka mida iyadana masaadir la yidhaahdo waa masaadi qammi ah, waa masaadir aan waxaa si dhaba u tilmaamin laakiin mararka qaarkood wax badan yacni ishtihaad uu ka dhici karo ama waxyaabaha qaarkood laga arki karo, matalan haddii aan soo qaato baxsiga uu leeyahay Dr. Safril xawaali waxa uu ku tilmaamayaa masaadirka danniga ah waxaa ka mida buu leeyahay “arru’ya wal malaamaatil xaqqah” ru’yaddu ama riyaduna ay tahay qayb ka mida nebinimada waxyabaha ka hadhay, iyaduna ta’wiil bay u baahan tahay walidaalik baynu ka garan karnaa saxaabigii ugu weynaa saxaabada oo nebiga sallalaahu calayhi wasalam ag fadhiya ayaa riyo sheegay markaasaa nebigu sallalaahu calayhi wasalam ku yidhi fasir markaasaa nebigu ku yidhi badhan waad asiibtay badhna waad geftay, haddii abiibakar la yidhi riyadii uu fasiray badhna waad geftay badhna waad asiibtay waxad garankartaa qofkasta oo riyo fasiraya ama tafsiiraya in waxyaabo xaqina ay ku jiraan qaybna uu gefi karo.
Waxa kale oo mida bay yidhaahdaan wixii kutubta banuu israaiil ku qornaa ee la yidhi xaddisuu canhu walaa xaraj, nusuus beenisayna aanaan haynin wax sugayna aynaan haynin ee nabuu’aat ah, yacnii kutubta tawraat iyo injiil loo nisbaynayo ee ah baybalkooda qadiimka ah iyo kan jadiidka ah nabuu’aat ayaa ku yaalla, yanci waxyaabo mustaqbal ka waramaya waxaasaa dhici doona waxaasaa saa u iman doona, waxyaabahaa qaybo ka mida haddii aan nusuub kitaabka iyo sunnada ka mida oo aan sugaysa la hayn wax raddinayana aan la hayn waa kuwii la yidhi iskaga aamusa, iyana waa suurto gal inay tahay wax dhici kara laakiin way badiyaan, aad bay u adeegsadaan walidaalik baa axdaas waaweyn oo manta dunida ka dhacda waxay ku salaysan tahay nabuu’aat ay leeyihiin waxay ku taallaa
kitaabkooda, ma talan waxay dadku in badan isweydiiyaan muxuu maraykan yuhuud dabada uga wadaa? Maxaa u malaynaysaan maraykan waxa ugu weyn ee uu yuhuud dabada uga wadaa waa maxay? Yacnii maraykan waa protestant, protestant-kuna waxyaabuhuu soo kordhiyey waxaa ka mida alcahdul qadiim, ama kitaabkoodu al-cahdul qadiim la odhan jirey ayuu sugoo ku soo daray, yacnii kaatoliggu wuxuu haystay uun baybalka qaybta danbe oo qudha ayay haysteen protestant-ka ayaa soo siyaadiyey in qaybtii horena la keeno, dabadeedna nabuu’aatka tawraad ku yaallay, oo ay kuwani u haystaan waxa tawraad ku qorani oo dhan inay si xarfiyana kitaabka waxaa ku yaalla yacni tawraat oo dhan aan idhaahdee cahdul qadiimkoodaasi waayo tawraadi tii saxeexa ahayd ee nebi muuse calayhi salaam loo soo dhiibay bay ahayd,
kitaabkoodaa ay haystaan waxa ku qoran si xarfiya bay u rumaysan yihiin isla markaa waxay rumaysan yihiin waxyaabo badan oo ku qorani inay dhici doonaan, waxyaabaha nubuu’aatkooda waaweyn ee ay haystaan waxa ku qorani waxa weeyaan ciise inaanu soo degi doonin in yahuud loo dhiibo baytul maqdis mooyaane oo dawlo israa’iil in la sameeyo mooyaane, walidaalik baa manta saxwada ay leeyihiin yacni sidan muslimiintu saxwo ay u leeyihiin dadka diinta ku soo celinaysa galbeedna dad badan baa jira oo noocakana, gaar ahaan wadanka maraykanka la yidhaahdo, yacnii niman baa jira nimanka ugu caansan ee laga yaabo yacnii lagjariskiisa inay dhegaystaan in ka badan nin kamida nimankaas metelan haddaynu soo qabanno Jerry Folkwell, Chimy Sweat yacnii gaaladaas waxaa lakjariskooda dhegaysta lix lix iyo toban milyan bay gaadhaan lakjariska ay sii daayaan dadka daawada ee maraykan ka mida, waxay leeyihiin mu’sasaat aad u ballaadhan halka inaga usuuliyadeenna ama usuuliyiinta dadka loo nisbeeyo caalamul islaami afka la hayoo meel walba loo diido, kun TV iyo idaacado ayay leeyihiin usuuliyadda maraykanku,
usuuliyada protestant-ka ahi kun TV iyo idaacado ayay leeyihiin oo iyaga u khaasa, xad baanay joogaan yacnii ay tilmaamayaan Cherry _ wuxuu leeyahay wuxuu ilaahay maraykan u barakeeyey taageerada uu yuhuud taageerayo, yacnii barakada uu haysto maraykan waxay ka dhalatay taageerada uu yuhuud siiyey, Cherry wuxuu leeyahay yuhuud uma taageerayno maslaxad ee waxaanu u taageeraynaa ilaahay imaatinkiisa inaanu soo dedejinno, waxaa muslinka loo laynayaa waxaa weeyaan ilaahuu rumaysnaa oo ciise ah buu leeyahay iman maayo haddii aan yuhuud meesha la siinin,
markaa suu ilaahay hore ugu soo noqdo in hore loo geeyo nimankan meesha inana waxaynu leenahay muxuu u caddaalad samayn waayey? 80 milyan bay ku dhowdhow yihiin baa la yidhaahdaa dadkan iyo atbaacdoodu, uma jeedo inaan ka waramo ee wuxuun baan tilmaamayaa nubuu’aatkaasi dad badani inay daliishadaan, waxa kale oo jira waxay u yaqaaniin daraasaatul cilmiyyah, qadaayaatul istiraatijiyah marka la daraasaynayo jid la maraa jira oo waxan loo daraaseeyo, asaalibtaasi la maro, waxay tilmaamaysaa:
1. In taariikhda si wanaagsan loo daraaseeyo, gaar ahaan yacnii waa waxan ay iyagu u bixiyeen (falsafatu taariikh) ama caalimkii muslinka ahaa ee fannigan ku caan baxay waa wuxuu u bixiyey (taariikhul cimraan) yacnii ninkii la odhan jireyn ibnu khalduum muqadamadiisii caanka ahayd waa waxyaabuhuu kaga waramayey, waa qaddiyad ah in la daraaseeyo sunanka ilaahay
adduunyadan dhigay, maxay dawladuhu u dhismaan? Maxay u burburaan? Mujtamacaadka kuwee mustaqbal leh marka la daraaseeyo dhaqankooda, dhaqaalohooda, awoodooda, dadnimadooda, mustaqbal kuwee baa loo rajaynayaa? Iyadoo laga tusaale qaadanayo tajaaribtii hore ee biniaadamka, waa aragtida ay ku salaysan yihiin waa aragtiday ku salaysan yihiin xataa falsafaadkanay rumaysnaayeen Marcos oo kale iyo falsafaadkii ka danbeeyey ee la rumaysnaa, illaa iyo laga soo gaadho Toimpy odaygii wasaaradda mustacmaraadka ingiriiska u ahaan jirey la taliyaha oo leh kitaabka macruufa ah ee mukhtasir daraasaati taariikh ee uu kaga waramayo xadaaraadkii hore ee dunida dumay iyo sababaha ay u dumeen, waxyaabaha uu ka waramay waxaa ka mida inuu leeyahay xaddaaradda reer galbeedna way dumi doontaa waxyaabuhuu ku cillaynayona waxaa kamida khamriga, fawaaxishta, akhlaaqda duntay,
ninka cayka lehi waa nin gaaleed, wayna dumayaan buu leeyahay, haddana dhanka kale markuu ka waramayo muslimiinta wuxuu ku tilmaamayaa waxaa suurto gala buu leeyahay inuu muslinku dib u soo toosi doono, oo maadaama ay dunida mar qabteen waxa macquula inay marlabaadna qabtaan, ilaahayse waxaan ka rajaynayaa buu leeyahay inaanay dhicin, waa Toimpy hadalkiisii.
Calaa kulli waxaan uga jeedaa uun taariikhda inta la daraaseeyo wax badan waa laga dhex daraasayn karaa, noloshu say u ekaanayso, weliba aan idiinku daree qaddiyaddan markay daraasaynayaan metelan waxaa la daraaseeyaa mustaqbalka maxaa suurto gala inay dhacaan, waxa laga yaabaa inay waxaasi dhacaan, waxa laga yaabaa inay waxaasi dhacaan, metalan waxaa laga yaabaa in la yidhaahdo afarshay baa miduun suurto gal yahay, afarta shay marka la qiimeeyo waxaa la leeyahay tee baa dani inoogu jirtaa, mid ka midaa la qaatay in dani ugu jirto,
saddexda kale sidii aanay u dhici lahayn waa inay dawladdu ku talo gashaa, afartii ixtimaal ee la yidhi afartaa uun baa suurto gala hadday midi dhacdo kuwa kale sidii aanay u dhici lahay waa inay dawladdu falawgeeda qabataa, tusaalayaal koobkooban baan idin siin doonaa, metelan waxay ku tilmaamaan mustaqbalkan dunida yaa hoggaamin doona? Markaasay yidhaahdeen Yurub iyo Maraykan oo laysku daro, ninka cad uun isku dar labadaa kooxood waa kooxuun, china iyo wuxuu cago ku wato, Muslimiinta iyo waxay cago ku wataan, afartaa kooxood uun bay yidhaahdaan ciduun baa suurto gala inay soo baxdo, markaasay waxay tilmaamaan ixtimaalka muslimiintu inuu tiro badan yahay inay soo baxaan, laakiin waa inuu takhdiidka caalamiga ahi uu ku jiraa kaasi sidii aanu u soo bixi lahayni, ama siyaasadda ama balaaniska dawladahaa reer galbeed oo dhan waa inay ka mid tahay, idan waa waxyaabaha aa inta badan u aragtaan qaddiyad kasta oo muslimiintu leedahay dib baa loo dhigaa, meel kasta oo muslimiinta lagu laynayona waa la dhiiri geliyaa, ama ishaa laga laabtaa, waxkasta oo muslimiinta carqalad ku keenayana waa la tira badiyaa, Bosnia, Kishmiir, wax badan baad maqashaan,walidaalik waa falsafa cad in ixtimaalkan dib loo dhigo, calaa kulli xaal waxaynu leenahay waa wax suurto gala, ma’aladan waxay yidhaahdaan waxaa ka asala iyada in taariikhda hore la daraaseeyo, waayo waa sunankii kowniga ahaa ee ilaahayba quraanka ku tilmaamayey ee lahaa
"ÝÓíÑæÇ Ýí ÇáÃÑÖ ÝÇäÙÑæÇ ßíÝ ßÇä ÚÇÞÈÉ ÇáãÌÑãíä"
dhulka mara baa la yidhi oo dabadeed eega cidhibtii kuwii mujrimiinta ahaa say u ekaatay, idan ilaahay wuxuu leeyahay "ÝÇÚÊÈÑæÇ íÇ Ãáí ÇáÃÈÕÇÑ" taariikhda in la daraaseeyo taariikhdu waa laabka ama waa meesha biniaadanka tajaaribtiisa lagu bisleeyo, taariikhda in si fiican loo daraaseeyo oo dabadeed iyada mustaqbalka wax lagaga qaataa waa qaddiyad oo macruufa oo aynu adeegsan doonno haddii alla yidhaa subxaanahu watacaalaa.
2. qaddiyada labaad ee aynu adeegsan doonno ee la maraa iyaduna waxa weeyaan yacnii waxyaabaha masaadirta loo adeegsado mustaqbalka waxa weeyaan nusuus iyo wixii la mida kitaabka iyo sunada, wax badan bay ka warameen oo mustaqbalka dhici doona, wax wakhtigii nebiga sallalaahu calayhi wasalam iyo wax dhicidoona, matalan nusuusta quraanku waxay tilmaamaysaa fitan inay dhici doonaan, ashraadu saaca bay tilmaamayaan, sunnada iyo axaadiista marka laysku daro,
waxay tilmaamayaan masiixu dajaal inuu iman doono, waxay tilmaamayaan ciisa ibn maryam inuu iman doono, waxay tilmaamay umadda muslimiinta inuu kala firidh ku dhici doono, waxyaabo tira badan bay nusuustu ka waramaysaa oo mustaqbalka dhici doona, iyadana waa adeersan doonnaa haddii alle yidhaahdo, waxyaabaha masaladeennan ku saabsiisan ee nusuusta quraanka iyo axaadiistu tilmaamayso.
Waxaan jeclahay markaan leeyahay mustaqbal baan ka waramayaa riyo ka warami mayno, kana warami mayno waxaan jirin, kana warrami mayno waxaan jecellahay, waxaan jecellahay waa gaar, waxaan isku dayaynaa inaan ka waranno waxaynu isleenahay aqoon bay ku beysgaraysan tahay, sidaa awgeed muslimiinta markaad maanta eegto, haddaad mustaqbal rabto inaad eegto waa labud inaad dib eegto inaad eegto xilligan aad iminka nooshahay, xaadirkanna aad fahantid, xaadirka hadaad fahantidna waa maxay, wakhtiga haddeer la jooga waa midhihii ka dhashay wixii shalay tegay, wixii tegey midhihii ka dhashay weeyaan waxa iminka joogaa, idan waxaynu u baahannahay inaynu inyar taariikhda dib u milicsanno.
Caalamku runtii in badan buu isbedbedelay, maanta muslimiintu waa qaar laga awood badan yahay dhul badan oo dunida ka mida waa lagu laynayaa, waa arkaysaan maanta afgaanistaan waxaa ka jira, waa arkaysaan waxay yahuudi ka waddo falastiin, waa arkaysaan waxay Hinduusku kawadaan kishmiir, waa arkaysaan raashiya iyo waxay xulafo la tahay ka wadaan jeejniya iyo waxa la mida waxay ka wadaan, waad arkaysaan caalamu islaami iyo sida uu mustawcafka u yahay ee loo gumaystay, waa arkaysaan dhiigga ninka yuhuudiga ahi sida uu qaaliga u yahay, waa muuqataa kiristanku maanta inuu dunida waxa uu doono inuu sameeyo inuu isku dayayo, macakulli daalik waxaynu leenahay mustaqbal weyn baa islaamka u soo socda, mutafaa’il oo qudha ma ihi iyada oo sharcigu bannaynayo, laakiin waxaynu isku dayaynaa inaynu xaqaa’iq tilmaanno.

La soco......






Waa ereyadii mustafe sh. Ismaaciil haaruun