Diinta-Islaamku maxay ka qabtaa Qofta haweenayda ah ee Muslimiinta Salaada Jimce New York ku tujisay?



Diinta-Islaamku maxay ka qabtaa Qofta haweenayda ah ee Muslimiinta Salaada Jimce New York ku tujisay?
Waxaa ka jawaabay Shiikh Saalax Al-Fawzaan, oo ka mid ah Guddidda Cullimada waaweyn ee sunaha ee Sucuudiga xubina ka ah Guddida Fatwada la waydiiyo ee Cullamada waaweyn ee sunnaha ee dalkaas Sucuudiga, Illaahay ha illaaliyo hawna barakeeyo cilmigiisa, cimrigiisa iyo camalkiisaba.
http://www.alfuzan.net
Waxa soo urushay oo tarjumay Abu-Othman,
Wuxuu shaykh Saalax Al-Fawzaan buriyey, sheegashada ay sheegatay, qofta dumarka ah ee loo yaqaano, Dr Amiina Waduud, taas oo sheeganaysa inay rabto noqoshada qoftii haweynayda ahayd ee ugu horeysey ee Muslimiinta sallaada Jimce Imaam u noqota, taas oo dhacday badhtamaha bishan Maars 2005 kana dhacday Hoolka loo yaqaano (Soondar Aram Taagor) ee magaalada New York ku yaala.
Markaa shiikhu isagoo la hadlaya joornaalka ‘Al-iqtisaadiya’ wuxuu yidhi Shiikh Fawzaan, isagoo jawaabta sharciga ah ee diintu mas’aladaas ka qabto bixinaya ‘‘ May sugnaan in wakhtigii nebiga –Salla-laahu-calayhi-wasallam- ama saxaabadiisa ama sallafkii (waa kuwii wanaaga ku raacay ee saddexdii qarni ee Islaamka ugu horeeyey ee) in qof dumar ahi ay khudbad jeediso’’ isagoo aad u muujinaya in ficilkan iyo camalkani uu yahay mid baadil ah (Illaahayna uuna aqbalanayn) wuxuuna ficilkaas ku sifeeyey inuu ka mid yahay ‘min-ibtidaac-fi-diin’ oo wax diinta aan ka mid ahayn ah oo lagu soo daray. Taasna waxaa daliil u ah iyo cadayn, xadiiska nabawiga ah ee uu odhanaya ‘Man-Axdasa-Fii-Amrinaa-Hadaa- Maa-Laysa-minhu-fahuwa-Rad’ yacni, ‘qofkii –diinta-waxaan-ka-mid-ahayn-kusoo-daraa-wejigaa-laga-ga-dhufan, oo laga yeeli maayo’ (waa xadiis mutafaq ah oo bukhaari iyo Muslimba soo wariyeen). Xadiis kalena waa sidan ‘ Man-Camala-Camallan-Lays-Calayhi-Amrunaa-Fahuwa-Rad’ yacnii, ‘’cidii ku kacda camal aan waafaqsanayn diinta dibaa loogu celin’’
[Waa ficilka diinta ah ee aan waafaqsanay, kitaabka Illaahay, Sunnaha nebegi iyo sidii diinta ay u fahmeen ay uguna dhaqmeen afartii Khulafaa’u Raashidiinta ahaa iyo saxaabadiisa kale ee nebigu sunna raacooda ina faray].
Daliil kalena waa, ‘’ Kahyril-Sufuuf-A-rijaal-Awaluhaa-Wa-sharuhaa-Aakhiruhaa, Wa-khayr-Sufuuf-A-nisaa-aakhiruhaa-washaruhaa-Awalihaa’’ macnacaha xadiiska oo kooban soomali ahaan waa ‘
Sufuufta-Raga-waxaa-ugu-khayr-badan-kuwooda-hore-waxaana-ugu-shar-badan-kuwooda-danbe,sufuufta-dumarka-waxaa-ugu-khayr-badan-kuwooda-danbe-waxaana-ugu-shar-badan-kuwooda-hore’ waxa laga hadlayaana waa sufuufta sallaada, sidaad wada ogtihiin, (waxaa soo wariyey xadiiskan muslim).
Wuxuu sii adkeeyey shiikh Saalax Al-Fawzaan, in kani yahay daliil cad in qofta dumarka ahi noqoto mid gadaal ku tukata, oo safafka hore dib uga dhacda, isagoo inkiraya, diida-na, inay imaam u noqoshada ay raga imaamka u noqonayso sallaada.
Wuxuu tilmaamay Shiikh Fawzaan, in ay qofta dumarka ahi ay u banaan tahay tujinta dumarka la midka ah, shardi ahaan inay noqoto mid taagan badhtamaha dumarka, halkaas oo ay dumarka kale ay ka xigaan midigteeda ama bidixdeeda iyo safka laftiisaba ku jiri karaan, oo aanay ka hor marin.
Waxa ku saabsan, in loo codsado qof dumar ah khudbad jeedinta wuxuu shiikh Fawzaan ka yidhi ‘‘Khudbada jimce waa shardi ka mid ah shuruuda jimcaha, isagoo cadaynaya hadii la tukado deedna khudbada la akhriyo inay sallaadaas noqonayso mid baadil ah oo waxba ka jirin, waayo kaasi waa wax cusub ku soo darida lagu soo daro diinta oo ah camal aan ka sugnaan nebiga, saxaabadiisa iyo salafkii suubanaa ee ummadan. Waajibka la isla yaqaanay illaa wakhtigii nebiga ilaa wakhtigaa aan iminka joogno waa, ee saxda ah waa, in marka hore khudbad la akhriyo deedna la tukado sallaada jimce, hadiise la tukado marka hore deedna khudbada la akhriyo, waxaa qasab ku noqonaysa dadkii ku daba-tukaday inay khudbada gadaasheed iyo ka dib tukadaan, waayo sallaadii ka horeysey khudbadu waa mid ka kac ah oo baadil iyo waxba kama jiraan ah.
Wuxuu skiikh Fawzaan, adkeeyey, in khudbad hor marintu ay tahay shardi shuruuda sallaada ka mid ah taasna waa mid cullamada oo dhami ijmaac ahaan sugeen.
Su’aal kale oo ku saabsan, imaam noqoshada qofta haweenayda ah ay dumur imaam u noqonayso, iyadoo hal nin ah oo keliyaa dhex joogo, wuxuu Shiikhu kaga jawaabay’ In mas’alladan khilaaf ka jiro’’ . Laakiin qawlka jumhuurka cullamadu waxay sheegeen inaanay tujin karin raga gaya (ama guursan kara), qowlkaas bayna nusuusta saxda ah ee kitaabka iyo sunnuhuba ayidaysaa ay ku jirto axaadiista aan hore usoo xusnay, wixii intaas ka sokeeyaa waa xujooyin iyo faalooyin aan cadyn. Nebiguna wuxuu yidhi – Salla-laahu-calayhi-wacalaa-aalihi-wasallam- ‘Lan-yaflaxa-qawmun-waluu-amrahum-Imra’a’ yacnii. ‘Ma-aflaxaan-qawm (qollo) qof dumar ah xilsaartaa ama hormood ka dhigtaa – yacnii, ma liibaa-naan [waa macnaha af-soomaali ahaan oo kooban]’
2- SHIIKH CABDIL-CASIIS IBN CABDALLA AAL-SHAYKH MUFTIGA DAWLADDA SUCUUDIGA, illaahay ha illaasho
Qadiyadda sheegashada Qof dumar ah oo salaad jimce Imaam ka noqonaysa wuxuu Muftiga Sucuudigu ku sheegay inay tahay mid aan waxba ka jirin oo baadil ah Kolkii la waydiiyey Muftiga Boqortooyada Sucuudiga mas’aldan qofta dumarka ah ee sheegatay inay rabto noqoshada tii ugu horeysey ee sallaad jimce imaam ka noqota, qisadan ka dhacday dalkaas Maraykanka ee cadawga Islaamka iyo ku tageeraa naasnoojinayaan qaarna buun-buuniyaan.
Wuxuu Shaykhu ku jawaabay, Illaahay ha xifdiyee, isagoo khudbada Jimcaha ka akhriya-ya Masjid Jaamaca Imaam Turki Ibn Cabdalla ee magaalada Riyadh ku yaala.
Wuxuu shiikhu raga warbaahinta ku booriyey inay Illaahay kaga cabsadaan waxay qorayaan iyo waxay odhanayaan wuxuuna shiikhu cadeeyey in Illaahay illaalinayo oo arko xitaa hadii waxay leeyihiin suxufiyuuntu ay dadka ka qarsoonaato.
Wuxuu shiikhu yidhi waxaa warbaahinta Muslimiinta ku waajib ah inuu noqdo mid had iyo jeer xaga Illaahay dadka ugu baaqaya iyo inay noqdaan qaar ubadkeena u horseedaya janalada iyo qanawaadka fayow kana illaalinaya illaha faasidka ah ee dhintay. Iyo ka diknoo-naanta sababaha keensanaya in lagu hungoobo wax Islaamka khilaafaya ee dhinac marsan waayo qof kastaaba wuxuu yidhi isagaa ka mas’uul ah.
Wuxuuna shiikhu khudbadiisa ugu sheegay muslimiinta inay kala soocaan waxa haboon iyo waxa aan haboonayn ee u qalmin markaas buu yidhi maxaa ka tira badan wax war ah oo xanbaarsan wax akhlaaqda fiican burinaya looguna talagalay shar markaa waa inaan ubadkeena uga dignaa illahaas iyo qanawaadkaas oo u cadaynaa khatarteeda waa inaan ukala cadaynaa xaqa iyo baadilka ku jira si ay ugu sugnaadaan xaq cad oo aan mad-madow ku jirin. Wuxuu shiikhu ku booriyey raga saxaafada inay Alla ka cabsiga ku da-daalaan wixii kasta ay qorayaan eyna baahinayaan si ay u noqdaan qaar aqoon u leh si aanay warbaahinteenu usoo saarin moyaane afkaar nuur xanbaarsan.
Iyo in xal looga raadsho arrimaheena kitaabka iyo sunnaha Rasuulka.
Wuxuu yidhi shiikhu waxaa jirta arrin maalmahan ay suuqaynayso warbaahinta qallaad waxaa laga yaabaa inaan u aragno inay tahay shay aan sii ridnayn oo ahamiyad yar laakiin hadii loo fiirsado waxaa muuqata inay tahay abuurista firqad ummada –muslimka- dhexdooda iyo kala jarida calaaqada ummadan taariikhdeedi hore iyo wakhtigan xadirka ah ku salaysan arintan waa waxan la faafinayo ee la leeyahay qof haweena baa imaam u noqonaysa sallaada Jimce rag iyo dumar .
Wuxuu shiikhu sheegay in warbaahinta qallaad ay arintan faalaysay oo ay yidhaahdeen in dumurka raga sallaada imaam looga dhigi karo.
QOFKA SE SI KA BAARAN-DEGID KU JIRTO U EEGA MAS’ALLADAN WUXUU HELAYAA IN ILLAA WAKHTIGII (nebi) MUXAMMED –salla-laahu-calayhi-wa-callaa-aalihi-wasallam- ILLAA WAKHTIGAAS AAN JOOGNO U-MAY BANAANAYN IN QOF DUMAR AHI AY RAG KHUDBAD ISLA HORTAAGTO tan waxaa la yimi oo keliya kuwa xishoodkooda xaga dumarku ay liidato EE AAN DOONAYN WAX KHAYR AH BAL RABA XUMAAN IYO LUMIN WAAYO ARRINTANI MA AHA MID ILAA CASRIYADII HORE LA ARKAY LANA MAQLAY LOONA BARTAY. ARRINTAN WAA MID AH IN LAGA DIGO WAAYO WAXAA LOOGA JEEDAA IN LAGU BUR-BURSHO OO LAGU DUMIYO XAKAMADA IYO XISHOODKA HAWEENKA CADAWGA UMMADINA WAXAY U ISTICMAALAYAAN DUMINTA ISLAAMKA IYO UMMADA ISLAAMKA ILLAAHAYNA TAA UMMA OGOLAANAYO.
Wuxuu kaloo cadeeyey shiikhu qofka arrintan difaacaa inuu yahay mid khilaafay oo dhinac maray sharcigii Illlaahay waayo cadawga Islaamku waxay ka dhigteen dumarkii arrin ay ku fasa-haadiyaan Ummada Islaamka, laakiin ummadu iyadoo qabsanaysa diinteeda ku toosnaanaysa xaqa ayey isku hortaagaysaa dacwooyinkan baadilka ah iyo waxba kama jiranka. Wuxuuna shiikhu muslimka oo dhan ugu duceeyey in Illaahay hadeeyo oo hagaajo arrimahooda oo dhan oo illaahay hagaajo kuwa muslimka ah ee lunsan oo xaqa usoo cesho.
WUU DHAMAADAY hadalkii shuyuukhdu
Dhawaan anigu waxaan ka akhiriyey jara’idka internetka sida Haatuf, war sheegaya in baadiraga kaniisada Faatikaan jirooday oo uu iminka soo raayey.. sheekadaas oo kale iyo kuwa la mid ka ah dadka muslimka ah ee soomaaliyeed maxay ka faa’iidayaan.
Bal suxufiyahow ama qoraagow is weydii waxan aad qori doontaa ma khilaafayaa sharciga Illaahay sidii shuyuukhduba inoo sheegtay maxaase dheef diiniya ku jirta. Illaahay xaqa ha ina wada waafajiyo.
Ogowna in waxaadan hubin aad dadka ahlil cilmiga ah ee waaweyn ee dadka sunnaha rasuulka iyo manhajkii saxaabada ugu baaqaya aad ka warsatid.
Subxaanaka-Allaahuma-Wabixamdiga-Astaqfiruka-Wa-atuubu-Illayka.
Wasalaam Calaykum Waraxmatu-laahi Wabara-kaatu







By: Abu-Othman