Isu soo bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka oo ka dhacay Khayriyada Hargeysa oo ka qeyb galeen Wasiirka Warfaafinta iyo Duqa caasimada Hargeysa iyo mas’uuliyiin kale


Wasiirka Warfaafinta iyo Duqa caasimada Hargeysa iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kala hadlay dadweynaha iskugu soo baxay fagaaraha khayriyada ee magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen kumaan ka tirsan shacbiga ku dhaqan magaalada Hargeysa hadal uu ka jeediyeen mas’uuliyiinta gooblka iyo deegaanka Hareysa waxa ay dadweynaha kala hadleen doorka laga rabo shacbigu inay ka qaataan difaaca iyo taakulaynta ciidanka qaranka JSL.


Kulankan oo ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Golaha Deegaanka caasimada Hargeysa iyo maamulka gobolka Hargeysa waxa hadalo ka jeediyey wasiirka warfaafinta cabdillahi Maxamed Ducaale oo si qoto dheer uga waramay xaalada colaadeed ee ka jirta jiidaha gobolka Sool ee bariga Somaliland iyo sida qab qablaha ee C/laahi Yuusuf muranka u galinaayo gooblka Sool ee Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta waxaa u sheegay in loo diyaar garoobo difaaca dalka naf iyo maalba sidoo kale waxaa ka hadlay duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo si tafatiran uga hadlay kaalinta laga rabo shacbiga ku nool caasimada Hargeysa inay ka qaataan taakulaynta ciidanka qaranka ee ku sugan jiidaha hore ee fadhiisimada ciidamada qaranka.
Waxaa kaloo iyaguna ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Hargeysa Cali Cawaale, guddoomiye ku xigeenka gooblka Hargeysa Maxamed C/laahi Uurcadde, AW Ciise Kaahin iyo Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo intoduba sheegay sidaa looga baahan yahay in sugo xuduudaha JSL ee bariga Somaliland.

Ciimada Somaliland oo rukhaansigii ugu danbeeyey ku talajira inay ku rukhaansadaan laascaanood



Tan iyo intii ay ciidamada naf la caaridka ah ee Majeerteeniya ay ku jabeen weerarkii gaadmada ahaa ee ay ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee Somaliland ayaa waxa soo waajahday guuldaro wayn iyada oo ay halkaasi ku naf waayeen ciidamo aad u taba barnaa oo ay ku dhaadan jireen ciidamada Majeerteeniya iyo saraakiishoodiiba ay waayeen. Ayaa waxa gashay cabsi aad u balaadhan oo ay ka cabsi qabaan talaabada dagaal ee ay ciidamda Somaliland ay qaadi doonaan, cabsidaasi oo ku dhalisay maamulka Majeerteeniya baqdin iyo argagax aad u wayn.






Back to www.saaxil.net

webmaster@saaxil.net