Warshadda Oomada Kaah
Muqdisho Saaxil.net:-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furan ugu yaraan labaatan warshadood oo waxyaabo kala duwan soo saara, sida alindiga, baastada, kookada, joodariyaasha iwm.
Warshadahaasi waxaa kaloo ka mid ah warshad soo saarta Oomo lagu Macaabo KAAH, hadaba C/rasaaq Xasan oo ka mid ah maamulka warshada OoMada KAAH, ayaa Farxiya Cali Qaajo ay ka waraystay waxa ku dhaliyey in xilligan ay furaan warshad Oomo.
C/risaaq, ayaa sheegay in warshadooda Kaah la furay bishii January ee sanadkii 2004, hase yeeshee ay burburkii dalka kadib ay sameeyeen warshadda Oomada Somo, waxaa uu sheegay in Oomada ay soo saaraan, oo laba nooc ah oo 1500 kartoon maalintiiba ay soo saaraan nooca Kaah iyo 1300 oo kartoon oo ay soo saaraan nooca Somo, loo iibgeeyo gobolada dalka, siiba magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba, gobolada dhexe, Baardheere iyo Beledxaawo.
Maamulka warshadda oomada Kaah, wuxuu xusay in Oomada ay soo saaraan ay ka raqiisan tahay, kana tayo badan tahay Oomooyinka dibadaha laga keeno, sababtoo ah buu yiri, kiimikada ay ku daraan Oomada oo uu sheegay in ay soo diyaariyeen qubaro Soomaali ah oo jaamacado uga soo baxay.
C/risaaq, wuxuu sheegay in halkii kartoon oo Oomada Somo ah ay ku jirto boqol garaam oo Oomo ah oo la iibiyo lix doolar iyo shan senti iyo Oomada Kaah, oo kartoonkii ay ku jirto 50 garaam, lana iibiyo todoba doolar iyo todoba senti.
Back
to www.saaxil.netwebmaster@saaxil.net
|
|