|
Guusha Ugu Wayn Ee Aanu Sheegan Karaa
Waa In aanu Wadanka keeno Wershado Waawayn
“Waraysi khaasa.............. Maareeyaha Wershada Budada Burco”
Maareeyaha guud ee warshada Saabuunta Budada ee magaalada Burco Nuur Ducaale Diiriye ayaa maanta markii u horaysay daboolka ka qaaday in ay warshadan oo mudo sanad iyo badha gacanta lagu hayey dhismeheeda ay si rasmi ah u bilaabidoonto wax soo saarkeed bisha February 2006, islamarkaana waxa uu maareeyihi guul shilis ku tilmaamay in warshadaha waawayn ee dunida 3aad oo kale ay ganacsatada Somaliland ka hirgaliso wadanka.
Maareeyuhu waxa uu arintan kaga hadlaayey waraysi khaas ah oo wariyahyaga Burco Yuusuf Ilkacase ku siiyey xarunta warshadaasi oo ku taala meel 10km dhinaca bari ka xigta magaalda Burco, waraysigaasi oo uu kaga hadlay qodobo dhawr ah oo ah ka mid yihiin tayada warshadaasi iyo figrada ka danbaysa warshada iyo waliba awooda waxsoosaar ee ay yeelankarto.
Hadaba waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu dhacay sidan : -
S/- ugu horayn maareeye bal warbixin kooban naga sii halkay ku danbaysay dadaalka warshadii budada?
J/- Warshadan waxaannu dhismeheeda bilownay sanadkii 2004, mudo sanad iyo saayid ah ayey dhismeheeda iyo rakibaadeedu socotay waxaanuna ugu talo galay in ay xili imika ka horeeya dhamaato laakiin waxa dib noo dhigay dib u dhac nagaga yimi alaabtii gelilahayd warshada oo ay na xanibtay mushkiladii maraakiibtii xeebaha Puntland laga afduubay oo aannu gaadiid waynay laakiin hada waannu gabagabynay waxaannu kala xulanaynaa suuq gelinteeda bisha danbena waxsoosaarkeeduu waa bilaabmayaa.
S/-Nuur maxay soo saaraysaa warshadani, yaase ka danbeeyey abuurkeeda?.
J/- horta warshadani waa warshad wayn (Medium size) sidaad aragto waxay ku fadhidaa bed dhan 1000m2
Waa warshadii ugu waynayd ee Somaliland laga sameeyo, waxsoosaarkeeduna waxa uu ku salaysan yahay noocyada saabuunta budada ah waana warshad waxsoosaarkeedu ka balaadhanyahay Somaliland iyo Somaliyaba sidaas darteed waxaannu ugu talo galay in ay suuq gelinteedu qabsato wadamada afrikada Bari oo dhan. Takale waxa ka danbeeya figradii lagu aasaasay ganacsato Somalilander iyo somaliyaba isugu jirta.
S/- Maxaad ku doorbideen in warshadan Burco laga sameeyo?.
J/- waxaannu ku doorbidnay markaannu aragnay baahida dhinaca saabuunta ee dalka iyo in aannu wadanka ku soo kordhino ama dadka tusno in warshado waawayn wadanka lagu aaminkaro “waxaannu anagu aaminsan nahay in guusha wayn ee aannu sheegan karaa ay tahay in aannu dadka tusnay in warshado la samaysankaro oo ay maanta dadku warshad wada hadal hayaan iyo in aannu wadanka keenay warshado waawayn” .
S/- Manoo sheegikartaa ilaa hada kharashka ku baxay warshadan, iyo baaxada waxsoosaarkeedu leeg yahay?,
J/- Warshadan waxaannu ugu talogalay daraasadii hore ee annu samaynay $2,500, 000 Dollar balse hada waxa ay maraysaa $5.000, 000 sababtu waxay noqotay wax kastaaba waxay nagu noqotay in debeda laga keeno haday tahay aqoontii qalabkii iyo qaaliga wax kastaaba nagu tageen. Xaga xashmiga hadaan eegno warshadu saacadii waxay soo saari kartaa 5ton oo saabuun, maalitiina 120 ton, bishiina 336 000 ton.
S/- laakiin dhaqaalaha xadigan leeg xagee ayuu ka yimi?.
J/- Dhaqaalahan dadka sheerarka leh ayaa leh marka faa’iido u muuqato qofka wuu raadinayaa, waxaananu aaminsanahay in ay dadka lacagtan maalgeliyey ay geesinimo muujiyeen balse maaha dhaqaale meelkale ka yimi.
S/- Marka laga hadlayo dhinaca dadwaynaha maxay tahay ahmiyada ay ka helikaraan?.
J/- Ahimiyada warshaduba waxay ku timi siday dadku uga faa’iidi lahaayeen, waxaannu u suuro gelinaynaa inay qiimo jaban ku helaan saabuunta, waxay ka faa’iidi doonaan dad badan oo ka shaqayndoona suuq gelinteeda ilaa dhawr boqol oo qofna shaqaale ayay ka noqon doonaan, wadankana sumcad iyo dhaqaale ayey soo gelinaysaa.
S/- waxa jira warshado saabuuneed oo wakhtigan haysta suuqyada Somaliland, maxay tahay siyaasada aad kula tartamaysaan?.
J/- horta warshad saabuuneed oo nooceeda ah oo wadanka gudihiisa ku taala ma jirto, laakiin waxa noo qorshaysan inaanu warshadaha debeda suuqa ka saaro anagoo adeegsanayna sixir jabnaan saabuun tayo leh iyo in aannu bulshada kalsoonideeda hanano.
S/- XIdhiidhka aad la leedihiin warshada ganacsiga iyo warshaduhu waa mid intee leeg?.
J/- runtii anaga iyo wasaarada ganacsiga xidhiidh fiican ayaa naga dhexeeya, aad ayaanay noo soo dhawaysay, cashuur dhaaf waxay noogu samaysay qalabkii warshada ee debeda ka imanayey waxay kale oo noo balan qaaday in shanta sano ee soo socoto nalaga dhaafo cashuurta macaashal macaashka.
S/-Dhinaca kale hadaynu eegno warshada waxaa laga fuliyey wadan aan hor’umar iyo aqoonsi ka haysan aduunka, maxaad isleedihiin caqabadan ayay idinku yihiin.
J/- Waar arintaasi waa xaalad na haysata, wax kastaaba waxa ay nagu noqdeen wax cusub, waxay noqotay in talaabda aannu qadayno aannu debeda ka sugno, waxa noogu darani waxay noqotay alaabtii oo aad noogu qaaliya, bulshadeen lafteedu uma bisla tadawurka warshadahan, markaa walaahay way jiraan caqabado maxali ah iyo kuwo kaleba, laakiin waxaannu xooga saaraynaa in aanan karaar jabin oo aannu ka biyo dhalino hadafkayaga.
S/- ugu danbayntii waxa dhacda in ganacsatada Somalidu in ay marka hore wax isku darsadaan wakhtyar kadibna ay burburaan, maxaa idinka idiin meelyaal?.
J/- Way jirtaa in shirkado badani ay ku baaba’aan khilaaf ku yimaada, anagu hada ka hore waxaannu maamulaa shirkado kuwan ka waawayn, sida shirkada ILAYS oo kale, waxaannu ka hawlgalaa Chine, Abu Dubai, India, Somalia iyo Somaliland, markaas insha alaah anagu waxanu rajaynaynaa in aanan burburin.
Reported by:- Yusuf Ilkacase Burco
| |