Warshada Hilibka Burco Oo Lagu Kordhiyey Qayb Cusub



Qayb cusub oo loogu talo galay qaliinka adhiga laguna kordhinaayo warshada hilibka Burco oo ku taala bogcad 5km ka xigta dhinaca galbeedka magaalada burco ayaa maanta si rasmi ah furitaankeeda lagaga dhawaaqay xarunta warshadaas.
Qaybtan cusub ee lagu kordhinaayey warshadan hilibka oo ka kooban kawaan balaadhan oo lagu gawracayo xoolaha ay qalayso warshadu iyo diyaarinta qaliinka gacanta waxaa loogu talo galay sidii loo sahli lahaa wax soo saarka warshada ama loo waafajin lahaa hanaanka dhaqanka ee qaliinka, isla markaana waxaa furitaankeeda ka qayb galay maamulka shirkada, ganacsato iyo xubno ka mid dadka saamilayda warshada.
Faahfaahinta sheekada
Maareeyaha warshada hilibka Burco Dr. Axmed Caydiid Maxamed oo isagu xadhiga ka jaray qaybtan cusub ee lagu kordhinayo warshada ayaa waxa uu sheegay in ay warshada oo afkaartii lagu aasaasay ay salka ku haysay in wax laga badalo ganacsigii hore ee xoolaha gaar ahaana habkii dhoofinta oo la doorbiday in xoolaha lagu qalo wadanka gudihiisa si loogala hadho waxyaabo badan oo laga faa’iidaysto, sida hilibka beerka, haraga, kalyaha, hilibka cunaha, maskaxda, mindhicirada Iwm. Kuwaasi oo fursado kale loo isticmaalo.
Maareeyuhu waxa kale oo uu intaasi ku ladhay in qaybtan cusub ee lagu kordhiyey warshada oo ay ku baxday lacag dhan $400, 000 afar boqol oo kun oo Dollar ay ugu talo galeen in lagu yareeyo culayskii qaybta Automatiga ee qaliinka si gacanta loogaga shaqeeyo gawraca xoolaha iyo qaliinka fududba.
Maareeyahani waxa kale oo warkiisa ku sheegay in warshadani ay wiigii sedex jeer u dirto shirkadaha Dubai iyo shaariqa 5100 neef oo adhi ah iyada oo saacadii kawaanadeeda lagu qalayo 300 oo neef isla markaana wiigkasta sedex jeer ay dabada wax u dirto, maareeyuhu isaga oo ka hadlaya ahmiyada kawaanadan cusub waxa uu yidhi shaqaalaha aannu adeegsanaa waxay u badnaayeen muwaadiniin waxaanay xirfadoodu u badnayd qaliinka gacanta sidaas awgeed waxaannu go’aansanay si aannu u sahalo shaqadooda ama qaar cusubi shaqo u helaan in aannu habkan u badalo, iyada oo shaqaalaha hadda warshada ka shaqeeyaa ay gaadhayaan 100 qof.
Warshadan hilibka oo ah warshadii ugu horaysay ee laga hir galiyo magaalada Burco waxaa la aasaasay 2000 waxaanay si rasmi u hawlgashay November 2004 taasi oo ay maalgelinteeda iska kaashadeen ganacsato ka mid qurnbajooga Somaliland kuwa gudaha iyo maalgeliyeyaal ajaanib ah waxaanay hada dibada u dirtaa hilibka qaydhin ee adhiga
Weedha Ganacsatada
C/raxmaan Ibraahim Yaasiin oo ah madaxa iibka xoolaha ee wershada ayaa isaguna wax uu cadeeyey inay wershadu bishii December 05 ay debeda u dhoofisay 21000 neef oo adhi ah kuwaasi oo ay saylada ka saareen hilibkii adhiga ee wadamada Australia iyo India islamarkaana ay qayb mihiim ah ka qaateen dhaqdhaqaaqa saylada xoolaha ee wadanka gudihiisa iyada oo maalintii sayladaha gobolada awdal Hargeysa iyo Burco laga faasaxo 3000 neef oo adhi ah oo midkiiba uu warshada ku joogo 14 ilaa 20 Dollar iyada oo sidaas si leegna ay khasnada dawlada ku soo xereeyaan cashuur culus.
Sarkaalkani waxa kale oo uu intaasi ku daray in qaybtan cusub ee qaliinka ee warshada lagu kordhiyey ay u sahli doonto shaqaalaha in ay wax badan soo saaraan,
iyadoo cadadkii u danbeeyey ee ay warshadu debeda u dirta 12631 Kg oo hilib ah “sayladaha xoolaha laga iibsado waxaannu ka noqonay dad lagu kalsoon yahay” ayuu yidhi
Gunaanadka
Dhinaca kalena waa markii u horaysay ee ay warshada hilibka Burco ku dhawaaqday in ay guulo ka gaadhay tartanka sayladaha debeda iyada oo qabadaha ugu waawayn ee haystay ay ka mid ahaayeen suuqgaynta hilibka.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ku Dhawaaqay Oo Soo Saaray Qaylo Dhaan Abaareed

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa maanta ka soo saaray magaalada Burco baaq qaylo dhaan abaareed ah oo uu kaga dayrinayo xaalad biyo la’aaneed oo soo foodsaartay ilaa iyo toban tuulo oo ka tirsan deegaanka saraareed ee woqooyiga gobolka Togdheer.
Qaylo dhaantan abaareed oo uu gudoomiyahani ku socodsiiyey xukuumada Somaliland deeq bixiyeyaasha iyo ururada bulshadaba waxay u qorayd sidan –
Xukuumada Somaliland, deeq bixiyeyaasha kuwa wadaniga ah iyo kuwa debedaba waxaannu la socodsiinaynaa in ay abaaro ba’an oo baad iyo biyo la’aaneed ahi ay ku dhufteen jiida woqooyiga iyo bariga gobolka Togdheer sida tuulooyinka Saraar, Booraamo, Wiriir, Faqayuub, Jablehe, kala baydh, Bali-caraale, Geesahaye, Samakaab, Gunburo xangeeyo iyo ceelal, halkaasi oo ay halis ku jiraan 2000 ilaa 3000 oo qoys oo ay biyo la’aan abaaro xooglihi ku dhufteen haddii aan si degdeg ah loogu soo gurmana ay keeni karto xaalad dhimasho.
Gudoomiyuhu waxaannu ku soo gabagabeeyey bayaankiisan in ay wasaarada macdanta iyo biyuhu ay ka hawlgalaan masiibadan si ay u soo cadeeyaan waxaannu ka codsaday hay’adaha samafalka ee xog doonka in ay waydiiyaan wixii xog ah markay sahalinayaan duruufaha abaarta.
Dhinaca kalena bayaan qaylo roor ah oo ay ku saxeexan yihiin 29 xubnood oo kamid ah head-manada iyo gudiyada tuulooyinkan kor ku xusan ayaa soo gaadhsiiyey xafiiska Maandeeq ee Burco bayaan qaylo dhaan ah oo lamid kan gudoomiyaha gobolka oo ay kaga dalbanayaan xukuumada Somaliland iyo gudida nabadgelyada gobolka Togdheer in si degdeg ah loola soo gaadho biyo iyo baad iyadoo qaar kamid ah duqaydaasi ay u cadeeyeen wariyaha maandeeq ee Burco Yuusuf ILka-case in ay jirto dhimasho dad iyo xooloba leh.
Waxaannu u qoraa bayaankaasi sidan: -
Waxaannu gudida nabad gelyada gobolka iyo Dawlada Somaliland ba ka codsanaynaa in ay na eegaan oo naga caawiyaan masiibada abaarta ee nagu habsatay iyada oo ay na seejiyeen roobabkii dayrtu islamarkaana aanan lahay ceelal laga cabo oo ay na laba diblaysay duruuf abareed.
Waxaana ku saxeexnaa bayaankan: -
1. Yuusuf Cabaas ..... (Haydhmaanka tuulada Wiriir)
2. Jaamac X.Rooble ..... (Haydhmaanka tuulada Faqayuub)
3. Guuleed Xasam ..... (Haydhmaanka tuulada Jablehe)
4. Aw-Jaamac Mire ..... (Haydhmaanka tuulada Kala-jab)
5. Xaamud Cabdi Diiriye ..... (Haydhmaanka tuulada Bali-caraale)
6. Cali Xirsi Yuusuf ..... (Haydhmaanka tuulada Gaasa-haye)
7. Cabdi X. Aadan Cilmi ..... (Haydhmaanka tuulada Samakaab)
8. Cabdi Jaamac Axmed ..... (Haydhmaanka tuulada Ceelal)
9. Salaad Rooble Cawed ..... (Haydhmaanka tuulada Gunburo Xangeeyo)


Reported By yuusuf Ilkacase