KAWAANLE (HILIBLE) GABAR UU JECLAA KU HANTAY HILIB
Nin hilible ah oo xaafadda shanta geed ee degmada Howlwadaag ee magaalada muqdisha ku iibsada Hilib uu Miis xaafadeed uu dhigtay ayaa gabar uu jeclaa oo mar walba hilib ka iibsata wuxuu siiyaa hilib ka badan qiimaha ay baxsato iyo sidoo kale hilib jiir ah oo nadib ah.
Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Cali Gurey, gabadha uu jeclaadayna Malyuun Cabdi ayaa hooyada dhashay gabadhaas waxay mar walba aragtaa gabadheeda oo marka laba kun oo hilib quraacda loo dirto wadda hilib quraac, qado ilaa cashada ku filin oo wada jiir ah, iyadoo hooyadaas marka ay gabadhaheeda kale adeega u dirta ay u keenaan inta xaqa ay u leeyihiin ee caadiga ah.
Mar dambe oo ay hooyadu u kuurgashay arrintaa ayay ogaatay in ninka hiliblaha ah uu gabadheeda jecel yahay, waxayna gabadheeda ku tiri “Ninka haddii uu ku jecel yahay haku soo doonto ee hilib aan xaqeena ahayn ha inooga soo qaadin”.
Warkan oo aanu ka soo xiganay Wargeyska Aayaha Nolosha ayaa intaa ku daray in gabdha ay ninkii u sheegtay dhamaan arrimihii ay kala kulantay waalidkeed, kaddib uu sidaa ku soo doontay gabdhii, lana siiyay