
Goobtan oo la magac-baxday Moon Fishing Compnay oo ah tii saddexaad ee shirkadda Gammuur ka furto caasimadda Hargeysa
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cali Maxamed Qoorseef, ayaa furay shalay xarun weyn lagu iibinayo hilibka kalluunka oo laga furay suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay hirgelisay shirkadda ganacsiga ee Gammuur.
Waxa xafladdii furitaanka ka qaybgalay Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cali Qoorseef, ku-simaha Duqa caasimadda Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa iyo dadweyne tiro badan.
Goobtan oo la magac-baxday Moon Fishing Compnay oo ah tii saddexaad ee shirkadda Gammuur ka furto caasimadda Hargeysa, ayaa waxa martisharafta ka qaybgashay xafladda lagu furayey lagu casuumay kalluun siyaabo kala duwan loo diyaariyey oo dhadhankiisu si weyn u soo jiitay martida iyo weliba waslado kalluun caydhiin ah oo lacag la’aan lagu siiyey dadweynaha munaasibadda joogay.
Ku-simaha Duqa caasimadda, ahna Maayar-ku-xigeenka Hargeysa Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo hadal kooban halkaa ka jeediyey, ayaa ka warramay faa’iidooyinka kalluunka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay inay bulshada Somaliland khayraadka dhulkooda, bad iyo berriba si ay uga maarmaan baahiyadooda daruuriga ah ee dibedda, maadaama waqtigan caalamku si weyn uga qaylinayo cunto yaraan soo foodsaartay dadweynaha dunida.
Md. Uurcadde waxa uu sheegay inay dawlad hoose ahaan si weyn u soo dhowaynayaan tallaabadan uu qaaday ganacsade Daahir Gammuur oo ah mulkiilaha xarunta cusub ee lagu iibinayo kalluunka, taas oo uu ku tilmaamay mid loo qaaday dhinaca horumarka, isla markaana diyaar ula yihiin wax kasta oo dhiirigelin ah, waxaannu ganacsatada kale ee Somaliland ugu baaqay inay sameeyaan mashaariic lagaga faa’iidaysanayo khayraadka dalka.
Ugu dambayntiina waxa uu ka codsaday mulkiilaha shirkadda Gammuur inuu kalluunka ku iibiyo qiimo macquul ah oo shacbiga ku dhiirrigelina kara inay baahiyahooda hilibka u isticmaalaan cunista kalluunka.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Md. Cali Maxamed Qoorseef oo munaasibaddaa ka hadlay, ayaa hilibka ka warramay faa’iidada kalluunku leeyahay iyo baahida loo qabo waqtigan oo maleeshadii qaali noqotay, taas oo saamayn dhinaca nolosha ah ku yeelatay bulshada Somaliland oo aan lahayn wax-soo-saar.
Md. Qoorseef waxa uuu sheegay in Somaliland leedahay bad 850km ah, balse aan laga faa’iidaysto wax aan ka badnayn 1%, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Somaliland waxay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 850km, balse waxaynu ka faa’iidaysanaa 1%, halkii ay ahayd ugu yaraan in aynu ka faa’iidaysano 25%, taas oo innagu filaan lahayd.”
Wasiirku waxa uu intaa ku daray inay taas muujinayso sida aanay bulshada reer Somaliland ugu baraarugsanayn faa’iidada ay leedahay badda iyo khayraadka dihin oo wax weyn ka tari lahaa nolosha iyo dhaqaalaha dalka, waxaannu ballanqaaday inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan dadaalka muwaadiniinta sida shirkadda Gammuur.
“Goobtani waa tii saddexaad ee aannu ka furno Hargeysa, Booramana tii u horreysay ayaa dhismaheedii socdaa, waxana qorshaha dhow noogu jiirta in aannu xarumo kale oo hilibka kalluunka lagu iibiyo ka furno Burco iyo kuwa caasimadda oo aan kordhino, waxaanuna ballanqaadaynaa in aannu si joogto ah u daboolno baahida kalluun ee shacbiga ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.” Sidaa waxa yidhi mulkiilaha Shirkadda Gammuur Mr. Daahir Gammuur oo ereyo kooban xafladdaa ka jeediyey.
Sidoo kalena waxa uu mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey dawladda hoose ee Hargeysa oo uu sheegay inay ugu deeqeen dhulka ay ka dhiseen xarumaha lagu iibinayo hilibka kalluunka, waxaannu ballanqaaday inay ku iibin doonaan qiimo macquul ah oo ku salaysan duruufaha dhaqaale ee bulshada.
Geesta kale, Shirkadda Gammuur waxay farsamaysaa doonyo iyo laashash kuwa kalluumaysiga oo casri ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa shirkaddu u adeegsato mashruuca iibka hilibka kalluunka ee ay ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
wargeyska...
Jamhuuriya ...Hargeysa

|