Maxaad Ka Taqaana Ismaaciil Cumar Geelle: Macangag Ah Keligii Taliye Aan Loo Tallin

Maxaad Ka Taqaana Ismaaciil Cumar Geelle ?
Macangag Ah Keligii Taliye Aan Loo Tallin



Dad badan ayaa markay maqlaan jamhuuriyadda Jibouti waxaa mankooda iyo maskaxdooda ku soo dhaca dal yar oo xeeb ah kuna yaalla dhul go'doon ah kheyraadkiisuna gacanta ugu jiro ilaha ka soo galla dawarsiga shisheeye.
haddaba akhriste Jamhuuriyadda Jibouti tan iyo markii ay xorriyadda afka ah ka qaadatay dalka faransiiska sannadkii 1977-kii waxay gacanta ugu jirtay qoys keliya oo ku caana maalay kelitalinimo iyo weliba iyagoo xidhiidh la leh maafiyada caalamiga ah ee ka ganacsada daroogooyinka iyo weliba mashaariic badan oo ay kula jiraan shariikado qarsoodi ah oo ku daadiya hadhaaga sunta wershadaha xeebaha beriga afrika.
*Mid ka mid ah askarta Jibouti oo tabar ka qaadanaya ciidamada *
*maraykanka oo qoriga ku soo jeedinaya dhinaca xuduudka Somaliland*
*waa necaybka lagu tababaro ciidamada jibouti*
Ismaaciil Cumar Geelle Batal waxaa adeer u ah Xasan Guuleed Abtidoon oo isagu muddo 8 sannadood ka hor ah xilka ku wareejiyey, Geelle Batal intii aanu noqon hogaanka Jamhuuriyadda go'doonka ah ee jibouti wuxuu ahaa maamulaha xarunta madaxtooyada wuxuuna madax u ahaa ciidamadda sirdoonka oo toos u maamula dhammaanba ciidamada jamhuuriyadda Jibouti.
Sannadkii 1994-kii ayaa Ismaaciil Batal isagoo haya xilka maamulka madaxtooyada wuxuu gacantiisa ku khaarijiyey garyaqaan faransiis ah oo markaasi baadhaayey kiis lagu soo oogay madaxtooyada laftigeeda oo ku saabsana falal ku lug lahaa dil uu gaystay ismaaciil Cumar Geele iyo weliba xubno ka tirsana mucaaridka jibouti oo Geelle Batal uu si naxariista ka baxsan uu gacantiisa ugu garaacay jeelka gabbood.
intiina aan aqoonta badan u lahayn Ismaciil Cumar Geelle, wuxuu sannadkii 1980-kii tababar dhinaca sirdoonka ah u yimid magaalada Muqdisho isagoo lagu tababaray xaruntii sirdoonka ee Soomaaliya (National Secret Service) NSS, ka dibna wuxuu haddana tababar dhinaca sirdoonka ah u tagay dalka faransiiska sannadkii 1984-kii.
Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu xidhiidhiye ka ahaa barnaamij loo yaqaanay (*Somali Political Campaign Fund*) oo uu kharashkeeda u bixin jiray keligii taliyahii hore ee Soomaaliya Afweyne Barre kuwaasi oo muhiimadda ugu weyni ahayd sidii loo raad tiri lahaa dadka reer Somaliland, waxaana ka mid ahaa mashaariicdaasi in lagu beero magaalooyinka Somaliland sida Hargeysa, Burco, Berbera, Sheekh iyo kuwa kale dadka oromada ah ee Ethiopia iyagoo lagaga iibsanaayey dhulka idinkaa leh wuxuuna qayb weyn oo laxaadleh ka cayaaray barnaamijkaasi qaybtiisii loo yaqaanay (Soomaali Galbeed).
*Dadka Oromada Ah Ee Loogu Yimid Hargeysa sannadkii 1991*
Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sannadkii 1988-kii bixiyey amar ah in qudha laga jaro 24 dhalinyaro u badnayd oo reer Somaliland ahaa oo ka soo cararay nidaamkii faashistiga ahaa ee Siyad Barre doonayeyna inay magangalyo weydiistaan jamhuuriyadda Jibouti, Ismaaciil Batal wuxuu amar ku bixiyey in dhalinyaradaasi qudha lagaga jaro xuduudka labada dal waxaana dhalinyaradaasi gacantooda ku toogtay ciidamada jibouti oo ka amar qaadanaayey Geelle Batal, waxaana maydkooda lagu aasay banka weyn ee u dhexeeya xuduudka labada dal Somaliland iyo Jibouti ee loo yaqaano * Gariyaad.*
sannadkii 1998-kii ayaa Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu shir qarsoodi ah kula gallay xarunta madaxtooyada ee Jibouti saraakiil ka tirsanayd xukuumadii cidhibteeda la tiray ee Siyad Barre sidii loo aas aasi lahaa jabhad hubaysan oo ka dagaalanta xuduudka Somaliland iyo Jibouti si loogu soo celiyo qaybo ka tirsan gobolka Awdal gaar ahaana Saylac, Bariisle iyo dhulka xeebta waqooyi ee somaliland gacanta jibouti, waxaana ka mid ahaa ragga uu Ismaaciil Cumar Geelle shirkaasi qarsoodiga ah la yeeshay Janaral Maxamed Xaashi Gaani oo ka mid ahaa gacan ku dhiiglayaasha ay somaliland baadi goobka inta badan ugu jirtay.
*Akhristayaal qormadani ta xigta waxaan ku soo qaadanayaa Ismaaciil Cumar Geelle iyo maafiyadda ka ganacsata daroogooyinka iyo shariikadaha ku daadiya sunta wershadaha bedda beriga afrika xidhiidhka ka dhexeeya la soco barnaamijkani oo ka mid ah qormooyin is xig xigi doona oo aan ku soo qaadanayo Ismaaciil Cumar Geelle soona baxaya inta ka horaysa maalinta xornimada jibouti oo ku beegan 27 june, waxaad kale oo aan ku qada dhigaya halka ay iska fahmi waayeen Madaxweyne Rayaale iyo Ismaaciil Batal oo xidhiidhkoodu wanagsana maalmahii ugu horeeyey ee xukunka Rayaale.


*MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)*
*London, UK.*
*diridhaba@gmail.com*