
Waxa shalay gebo ahaanba bur buray shirkii magaalada Gar-adag ee gobolka Sanaag uga socday beel weynta habar jeclo , ka dib markii ay shirkaasi isaga baxeen beesha Muuse Abokor.
Gudoomiyaha Cuqaasha Beesha Muuse Abokor Chief Caaqil Maxamed Cawad Faarax oo aanu xalay kula xidhiidhnay khadka talefoonka ayaa noo xaqiijiyay in Beesha Muuse Abokor oo ugu balaadhan beel weynta habar jeclo ay gebi ahaanba ka dareertay shirkii ka socday Magaalada Gar-adag shalay subax abaaro tobankii subaxnimo.
Gudoomiyaha cuqaasha Beesha Muuse Abokor Chief Caaqil Maxamed Cawad Faarax waxa uu intaasi ku daray in beesha Muuse Abokor uu maanta shir uga furmi doono magaalo madaxda gobolka Saraar ee Ceynabo , halkaasi oo ay ka soo saari doonaan go'aamo ku wajahan shirkaasi.
Sida uu caaqilku sheegay waxa magaalada Ceynaba wakhtigan ku sugan Boqor Cismaan Aw Muxumed Buurmadow iyo 29 caaqil oo ka soo jeeda isla beesha boqorka Muuse Abokor , kuwaasi oo ilaa iyo shalay gelinkii danbe kulamo ku lahaa magaalada Ceynaba.
Mar aanu Chief caaqil Cawad waydiinay sababta uu shirku ku bur buray waxa uu noo sheegay in arrintaasi ay ka mid tahay waxyaabaha ay beeshooda kaga hadli doonto shirka Maanta furmaya.
Isagoo Chiefku ka jawaabaya in beeshu ay dib ugu noqon doonto shirka iyo ergo laga soo daba diray waxa uu yidhi "shirkaasi waa soo dhamaaday , sidaasi ayaanu ku bur buray".
Isagoo ka hadlaya in ergo laga soo daba dirayna waxa uu sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan.
Jiif Caaqil Maxamed Cawad Faarax waxa uu sheegay in shirka ka furmaya maanta ay ka soo qayb geli doonaan boqorka , cuqaasha , guurtida , dhalinyarada , culimaa'udiinka iyo siyaasiyiinta beesha Muuse Abokor.
Dhinaca kale waxa isaguna noo xaqiijiyay bur burka shirkan boqorka guud ee Beesha Muuse Abokor Cismaan Aw Muxumed oo aanu tilifoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan magaalada Ceynaba.
Source: Somalilandnation

|