KULANKII HODANNIMADA AFKA IYO HAGARDAAMADA HAYSA (BURCO)

KULANKII HODANNIMADA AFKA IYO HAGARDAAMADA HAYSA (BURCO)







Madasha ayaa waxay ka dhacday Hotel Barwaaqo waxaana ka soo qayb gaalay marti sharaf ay ka mid yihiin Farduus Siciid Dirir iyo Gudoomiyaha Jaamacad Burco C/raxmaan Jaamac Ducaale, Xidhiidhiyaha Naadiga Halkaraan, C/salaan Maxamed Xirsi (Caara dhuub).

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Xidhiidhiyaha Naadiga Halkaraan oo soo dhaweeyay qoraaga iyo barmaamushkan oo kale uuna sheegay in loo baahan yahay in barmaamushyadan oo kale ay taageerayaan ka naadi ahaan.

Waxaa kale oo iyaduna halkaa ka hadashay Farduus Siciid Dirir oo ku dheeraatay taariikhda Qoraaga sheegtayna in qoraagu Gobaladii kale oo dhan uu Burco kaga soo horeeyey oo uu caawa Burco u Marti yahay.

Waxaa kale oo isana madasha hadalo ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaamacada Buro (Burao University) isagoo Gudoomiyuhu sheegay in afkeenu hodan yahay balse loo baahan yahay in lagu dhaqmo lana ilaaliyo, waxa kale oo gudoomiyuhu sheegay in akhriska iyo qoraalkuna ay muhiim u yihiin qofka bina aadamka ah.

Waxaa isna halkaa ka hadlay C/salaan Maxamed Xirsi Caara-dhuub waxaanu sheegay in loo baahan yahay in aynu dhaqankii iyo afkeenii u soo noqono kana ilaalino baylahda .

C/raxmaan C. Faarax (Guri Barwaaqo) waa qoraa ahna maansoole aadna wax u qora, qorayna Buugta ay ka mid yihiin.
Magac Bilaash uma baxo
Eray bixinta Kambuyuutarka
Iyo kuwo kale, waxa kale oo uu C/raxmaan qoraa jornalka Hal-aqoon oo sanadkii mar soo baxa.

Hadaba xalay oo uu kulan ku qabtay magaalada Burco ayaa waxa uu kaga hadlaayey Hodannimada Afka iyo Hagardaamada haysata taas oo uu C/raxmaan aad u qaadaa dhigay afka Hooyo iyo sida looga heli karo wax kasta oo hada inagu cusub, waxana ka mid ahaa waxyaalihii uu tusaalaha u soo qaatay C/raxmaan “ computer science” oo uu yidhi xataa afkeena waa laga helayaa kelmadaa mid la macno ah.

Hadaba kulankan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay oo ay soo diyaariyeen Bahda Akhriska ee Halkaraan ayaa waxa lagu gaadhay ilaa 11:30 pm habeenimo iyadoo dadku jeclaysteen madasha inay sii fadhiyaan.

Waxa xiisaha geliyayna ay ahayd bal in ay mar uun arkaan in afkoodu aad u hodan yahay.

C/raxmaan waxa uu yidhi sidan isagoo kelmada “Af “ sharaxaya, sida ay af-yahannadu sheegaan afku waa baaq codeed oo ujeeddo qeexan oo laysku af garto leh, kana kooban qalabka naqwaha ee ay ka midka yihiin: horgallada, dibgallada; dhexroorrada; isbeddelka ereyada iyo isku dubbarid kooda intaba (Mario Pei 1928). Aqoon yahannadaasi waxa kale oo ay tilmaameen in dhammaan afafka isku si loo adeegsado, af kastana laba qof oo ku wada hadlayaa ay aragtidooda isugu gudbiyaan.

Afku dadka ayuu u gaara yahay. Noolaha kale way hadlaan hayeeshee, hadalkoodu sida ka dadka maaha. Tusaale ahaan, shinnida, iwm

Waxa kale oo uu C/raxmaan ku dheeraaday halka uu afka soomaaligu ka soo jeedo waxaanu yidhi isagoo sharaxaya sidan.

Af Soomaaligu, isir ahaan, wuxuu ka tirsanyahay bahyarta afafka laysku yidhaa Kushitigga oo ka mid ah bahweynta loo yaqaan ‘Afro-Asiatic’. Kuwaas oo ka kooban 375 af, oo dadka ku hadlana lagu qiyaaso 300 oo milyan. Afafkaasi waxay ku filiqsanyihiin woqooyiga, bariga, dhulka looyaqaan Saaxil ee carro-edegta Afrika, iyo dalalka ku yaal koonfurgalbeed ee qaaradda Aasiya. Afafkaasina waxay ka kooban yihiin

1. Afafka Berberka
2. Afafka Jaadh
3. Afafkii Masaarida
4. Afafka Semitigga
5. Afafka Kuushka
6. Afafka Beejada

Waxa kale oo uu C/raxmaan ku dheeraaday magacyada afka soomaaliga loogu yeedho cudurada iyo xanuunada.

Hadaba bulshadii madasha fadhiyey ayaa dadku waydiiyeen C/raxmaan su’aalo aad u badan oo ay ka waydiinayeen afka soomaaliga iyo hodatinimadiisa, waxaa kale oo taas daba socday iyadoo la waydiinayey qofku in uu minid ku hadlo bal afsoomaali sax ah oo aan luuqad kale ku jirin loona tirinaayey erayada, hadaba madashaasi ay dadku kala dareereen aqoon dheeraada ah.

Ayaa waxaa lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf uu ku mutaystay ilaalinta iyo soo noolaynta afka Hooyo gudoonsiiyeen Naadiga Halkaraan Burco, isna waxa uu gudoonsiiyey Buug uu qoray.

Waxaa kale oo isna gudoonsiiyey Buug uu qoray Abwaan C/salaan Caara-dhuub.

By: Sahra Maxamed Cali (Burco)
Halkaraanreadersclub@gmail.com