
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan taageerayaasha xisbiga Ucid iyo dhammaan shacabka reer Soomaaliland ee ku dhaqan dalka Holland in ay inagu soo fool leeyihiin
Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID.
Mudane: Dr Maxamedrashiid Sheekh Xassan .
Weftigaas oo ay ku weheliyaan xubno sarsare oo xisbiga UCID ah.
Xoghayaha arrimaha gudaha iyo xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka.
Garyaqaan : Maxamed Ibraahin Aden.
Gudoomiyaha yurub ee xisbiga UCID
Gudoomiyaha garabka Haweenka ee yurub
Iyo gudoomiye xigeenka garabka haweenka ee yurub iyo Xubno kale oo muhiim ah.
Weftigaasi oo warbixin iyo xogwaraysi ka siin doona jaaliyadaha Soomaaliland ee dalka Holland ku dhaqan.
Weftigaasi wuxuu faahfaahin ka bixin doonaa
Dalkii iyo xaalada siyaasadeed ee manta taagan.
Kulankan balaadhan oo macnihiisu yahay mid lagu baraarujinayo qurba jooga reer Somaliland in ay xog buuxda ka siiyaan weftigani xaalada doorashooyinka inagu soo beegan.
Weftigani waxay dalka Holland ku soo beegan yihiin:
14 bisha February 2010
Sacaada: 14:00 duhurnimo
Meesha kulanka lagu qaban doonaa
Maagalada Leeuwarden ee gobolka Friesland
Adress: voorstreek 106
8911 JV Leewarden
A.A. Jama: Gudoomiyaha Yurubta dhexe
Tel: 0031-582991719 ama 0031-681841370

|