Hambalyo Xuskii Sanad Guuradii Lix iyo Tobnaad ee Ciidamada Qaranka

Hambalyo Xuskii Sanad Guuradii Lix iyo Tobnaad ee Ciidamada Qaranka







Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxaa uu Hambalyo u dirayaa dhamaan Ciidamada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xaasaskoodaba, isaga oo ugu hambalyeynaya Sanad Guuradii Lix iyo Tobnaad markii la aasaasay Ciidamada Qaranka oo Maanta loogu dabaal dagaayo Dalka Bari iyo Galbeedba.

Madaxweynuhu waxaa uu Hambalyadiisa ku yidhi (waxaan aad ugu Hanweynahay kaalinta wax ku ool ka ah ee Ciidamada Qaranka ay ka qaateen Sugida Nabad-gelyo iyo Xasiloonida ay Somaliland ku Naaloonayso, iyada oo aan ka war hayno Xasilooni-darada iyo dagaalada ka Alloosan meelo badan oo ka mid ah Mandaqada aynu ku Noolnahay)

ALAA MAHAD LEH

AF-hayeenka Madaxtooyadda
(Siciid Cadaani Mooge)