

Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu xalay Casho Sharaf
ugu Sameeyay Qasriga Madaxtooyadda Wefti ka socda Dalka Switzerland.
Waftigaasi oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland
iyada oo hogaaminaayo Danjiraha Dawlada Switzerland uga wakiila Dalka
Suudan iyo wadamada Geeska Africa Mr. Andrea Semadeni, waxay xalay is
dhaafsadeen Madaxweynaha arrimo dhicayo badan taabanaaya, ku waas oo ay ka
mid yihiin, sii xoojinta xidhiidhka labada Dal, Mashaaricda Horumarinta
iyo halka ay marayaan arrimaha xaaladaha Siyaasadeed ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer waftiga warbiximo uga siiyay
marxaladihii kala duwanaa ee geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland ay
soo martay tan iyo intii qaranimadeeda ay kala soo noqotay wadankii la
isku odhan jiray Somali-republic.
Madaxweynuhu mar uu soo qaaday arrimaha xaga nabad gelyada waxa uu yid
Somaliland waa wadanka kali ah ee Mandaqada Geeska Africa ee gacanta ku
dhigay Argagixiso iyo Budhcad Badeed, maantana ay jeelasha ku xidhan
yihiin ka dib markii lagu helay dambiyadii foosha xumaa ee ay Dalka ka
galeen.
Waxaas oo dhan Somaliland keligeed ayey qabsatay iyada oo aan Caalamka
intiisa kale ka helin wax taageero ah, ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweynuhu waxa uu Carabka ku dhuftay in hada Somaliland ay u
baahantahay taageerada Caalamiga ah gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyada
oo aynu ka warqabno wakhtigan aynu ku jirno Dagaalada iyo nabad gelyo
Xumida ka taagan Mandaqada.
Madaxweynuhu isagoo ka hadlaaya arimha Ictiraafka waxa uu sheegay in
Somaliland ay fulisay wax alaale wixii looga baahnaa Dawlad Qaran ah oo
la aqoonsanyahay, hase yeeshee uu Caalamku u hortaaganyahay arimo ku
tacaluuqa dhinaca Siyaasadda.
Gaba gabadiina waxa uu madaxweynuhu waftiga u sheegay in uu ku rajo wayn
yahay in Doorasho Xor ah oo xalaal ah ay Dalka ka qabsoomto sidii ku wii
hore ee Dalka ka dhacay.
Waxana uu sheegay in Gudida Komishanku ay iyagu u Madaxbanaan yihiin in ay
ku dhawaaqaan wakhtiga Doorashadu ay qabsoomid doonaan.
Weftigaasi ka socda Dawlada Switzerland intii ay joogeen Dalka waxa kale
oo kulama kala duwan ay la yeesheen Axsaabta Qaranka, Komishanka
Doorashooyinka iyo Hayadda kale oo Dalka ka hawl gala. Waftigu waxa kale
oo ay soo kormeereen Mashaariicda Horumarta ah ee Hay'adda swiss-croup ay
ka wadaan Somaliland iyo heerka ay marayaan.
Marti qaadkaasi xalay Madaxweynuhu u sameeyay Weftigaas waxa kale oo goob
joog ka ahaa Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane, Husein
Cali Ducaale (Cawil), Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane,
C/raxmaan Sagal iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibada Mudane, Ahmed Aaden
Ismaaciil (Keyse)
ALAA MAHAD LEH
AF-hayeenka Madaxtooyadda
(Siciid Cadaani Mooge)
