Nimco Muxmed Ibrahim oo loo magacaabay inay noqoto Mad axa Barnaamijyada Arrimaha Bulshada ee Timacade News Network TN








Maamulka shabakadda caalamiga ah ee Timacade News Network TNN , waxay ku war gelinayaan dhamaan asxaabta sharafta iyo qadarinta naga mudan iyo dhammaan shacbiga Somalilandba,in aanu u magacawnay Qoraa yadda weyn ee Nimco Muxumed Ibrahim , inay noqoto Madaxa Barn aamijyada Arrimaha Bulshada ee Timacade News Network TNN.

Nimco,waxa ay muddo dheer ku soo jirtay,kana hawl gashay saxaafada Somaliland qaybaheeda k ala duwan, waxaanay qayb laxaad leh ka soo qaatay, isku dubbaridka, soo diyaarinta, soo ururin ta iyo isku soo habaynta Barnaamijyada sida weyn u saameeya bulshada Somaliland,sida caafim aadka, aafada AIDS ka , tahriibta dhalinyarada iyo kuwa kale oo ay daraasad dheer ay ku samey sey , una gudbisay saxaafadda Somaliland.

Haddanu nahay dhammaan hawl wadeenada shabakadda Timacade News Network TNN, waxaanu u rajaynaynaa Nimco , in ilaahay hawshaa loo xil saaray u fududeyo , kana midho dhaliso.

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Nimco Muxumed Ibrahim

Maamulka Timacade News Network TNN