Warbixin si Qota dheer uga hadlaysa Habka Cadaalada Somaliland
(Maxaad Kala Socotaa Qaabka uu u Socdo Garsoorka Somaliland )







Qaybtii 1aad…..

….Cadaaladu waa meelaha laga qiimeeyo Horumarka & Dib-u-dhaca Bulshada…. Caddaaladdu waa aasaaska wada-noolaanshaha Bulsho kasta iyo Dal kasta… Haddii kalsoonida Garsoorku lunto Nololi jiri mayso…… inaay ka qayb qataan Horumarinta Sharciga oo ay ka tageeraan Haayadaha sharciga sidii sharciga loo toosinlahaa….

Warbixinahan oo aan muddadii 2bada Sanadood ahayd ee aan ku maqnaa Jamuuriyda Somaliland iyo darasaad qoto dheer aan ku sameeyey habka Garsoorka Somaliland iyo Mushkiladaha ku gedaaman waxanaan ka diyaariyey mar hore warbixin hore oo kooban oo aan ugu magacdaray:- Niyadjabka Dadweynaha, Cululufka Maxkamadaha & Muruga Shuruucda-

Qormadeenan waxaynu ku soo qaadan doonaa dhinaca Garsoorka iyo Shuruucda dib-u-dhacooda, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay Bulshada Somaliland ku dhaqan, Cadaaladu waa meelaha laga qiimeeyo Horumarka amma Dib-u-dhaca Bulshada.

Marka aad booqato Maxkamadaha Somaliland ama dacwad kaa gasho waxaad dareemaysaa baahida loo qabo in la toosiyo Garsoorka guud ahaan iyo gaar ahaan qaybihiisa kala duwan halka uu ka soo bilaabmo iyo halka uu ku dhamaado si cadaaladi ku dheehantahay, iyada oo ay Hayadihii Garsoorku dhisan yihiin, ayaa haddana waxa mar walba waxaa jira cabashooyin aan kala-go lahayn oo ka imanaya Dadweynaha Somaliland.

Waxaa dhacda inaad isweydiiso marar badan sida ugu haboon ee loo hagaajinkaro waxyaalaha lama huraanka ah si loo helo Garsoor hufan oo Cadaalad ku Qotama Caddaaladdu waa aasaaska wada-noolaanshaha Bulsho kasta iyo Dal kasta oo kulansada cudud milateri iyo dhaqaale; iyadoo dalkaasu awood kasta oo uu leeyahay haddii aanay caddaaladdiisu sugnayn waxa uu ku dambeeyaa dibudhac aakhirkana keena burbur, *Rag cadaalad waayey sidii cawsha kala yaac* .

Haddii kalsoonida Garsoorku lunto nololi jiri mayso, Dalna jiri maayo. Sidaa darteed, waa in markasta la siiyo mudaanta ay leedahay, cid walibana ay kaalinteeda buuxisaa. Dawladdu waxay u qaybsan tahay sideedaba Saddex Qaybood; Fulin, Qayb sharciga dabaqda Garsoorka [fulin] iyo qayb sharciga soo saarta Golaha Barlamaanka;

Waxay Somaliland leedahay Distoor sii noqda Sharciyo Qaybta shuruucda, xeerar badan oo kuwa ay Somaliland ku dhaqmaan , iyadoo uu Dastuurkeenu ka koobanyahay dhamaantii 130 qodob waxaanad moodaa inaanay dadkeenu u bislayn, oo aanay aqoon dheer u lahayn inay shuruucda waddankooda akhriyaan, khaasatan Dastuurka oo kale, waxaad arkaysaa laba qof oo maanta oo dhan qodob ku isku haysta murankiisa , aqoona u lahayn, oo aan xataa akhriyi Karin waxa uu yahay Qodabkaasu.

Iyadoo Guud ahaan dacwaduhu ay labo yihiin maddani iyo ciqaab Waxa ay maxkamadaha Dalku ku shaqeeyaan laba xeer oo kala ah: Shareecadda Islaamka iyo Xeerka Ciqaabta Guud [Soomaaliya] (The Somali Panel Code). Labadan xeer waa shuruuc is-ka hor-imanaysa. Xeerka Ciqaabta Guud waxa ku jira qodobo badan oo ka horimanaya Shareecadda Islaamka.

Xeerka Shuruucda maxkamadaheennu xukunnadooda u cuskadaan ayaa ah, Xeerka Ciqaabta (Penal Code) Somaliyadii hore dhinaca Ciqaabta. Iyadoo xeerarka ciqaabta loo isticmaalo laga soo minguuriyey Somalia.

TAARIIKHDA XEERKA CIQAABTA GUUD:

Xeerka Ciqaabta Guud wuxu ka mid ahaa shuruucdii dalkii la isku odhan jirey jamhuuradda Soomaaliya waxana la ansixiyey 1962.

Somaliland weli lama cadayn xitaa in dib loogu noqonayo si loo saxo , waana canaanta ay leeyihiin G/Wakiiladu oo iyagu hawshoodu ay tahay sharci sameyn iyo dibu-eegis , waxaa mihiim ahayd in waxa iska horimanaya inay dib u eegaan,kuna saleeyaan Shareecada Islaamka .”

Dastuurka Somaliland afar waxood ayuu wax u qaybiyaa sideedaba , waaxda Cadaalada waxa ku jirta qaybta xeer-ilaalinta, xeer-ilaalintuna waxa ay ku jirtaa Hay’adaha madaxa-banaan, oo hadana Madaxweynaha ayaa soo magacaaba, hadana waxa qoran in ay waaxdii Garsoorku ka madax-banaan tahay ayuu odhanayaa Golihii fulinta, Hay’adihii Madaxa-banaanaa ee uu Madaxweynuhu soo magacaabay ayey hadana ku jirtaa, halkaa lafteeda in dib loo eego ayay ku haboontay, waxyaabo badan oo goldaloolooyin ka muuqdo ayaa ku jirta dastuurka oo in wax laga bedelo u baahan ama aan laguba dhaqmin.

Dhibaatooyinka xaga garsoorka iyo cadaalada ee ka jira Somaliland ayaa ah qaar aan dhameystirnayn , iyadoo ay jirto baahi loo qabo in la dhiso korna loo qaada habka Garsoorka iyo Cadaalada Somaliland.

Tayada Garsoorka iyo Cadaalada ayaa aad u muhiima in awooda la saaro, si tirada Garsoorayaasha ay u noqdaan kuwa ku filan baahiyaha Garsoorka , si qof kastaaba uu u helo , oo ay wada gaadhaan degmooyinka dalka oo dhan .

Waaxda Garsoorka ayaa ka kooban Maxkamadda Sare [Maxkamadda Distooriga ah] iyo maxkamadaha hoose oo kala ah: Maxkamadaha Degmooyinka, Gobollada iyo Rafcaanka, sida uu jideeyeen qodobadda 101aad iyo 102aad ee Distoorka Qaranka.

Tirada maxkamadaha Somaliland ayaa ah 50 Maxkamaddood sida aan ogaaday oo ay ka hawl galaan Dalka oo dhan, halka 105 Garsoore iyo xeer ilaaliye Maxkamadaha Darajada Hoose ay ka hawlgalaan iyo sidoo kale 11 Garsoorayaal ayaa ka Hawl gala iyana Maxkamada Sare ee Somaliland.

Nabadgelyada ayaa ah shey ku xidhan Cadaalada oo hadii ay cadaaladu xumaato ay wiiqi karto nabad gelyada , dhaawacna u geysan karta.

Fiiro Gaara:- Waxaa ka afeefanayaa in ay Arimahanu ay ku saleysan yihiin Badi dhinaca Sharciga oo ay tahay intii ugu fududayd ee aan soo qaadankaraayey, lakiin ay suurta gal tahay in ay wax ka qaldami karaan , dhinac kasta ha noqoto, lakiin muhiimada ujeedadayda ayaa ku saleysan in Cida ay aad u khusayso ay isku taxalujiyaan in la saxo wixii ay Cadaalad Dhabi ku suurta-Galayso.

La Soco Qaybta 2aad……………Bilowga ugu horeeya ee Garsoorku wuxuu ka khaldamaa marmar marka u horeysa waa Saldhiga Booliska siiba OP-ga sida kiiska loo qoro iyo baadhayaasha ......

-Allaa Mahad Leh-

Qalinkii: Adan Yusuf Elmi
UK
adanyusuf@hotmail.com