Suldaan Cusub oo lagu Caleemo saaray Burco
Suldaan Cismaan
Suldaan Cusub oo loo Caleemo saaray Beesha Maxamed Ciise








Munaasibad balaaadhan oo loogu talogalay in lagu caleemo saaro Suldaan cusub oo ka mid noqondoona Salaadiinta Goolka Togdheer ayaa maanta lagu qabtay Hotel Cigaal oo ku yaala waqooyiga magaalada Burco.

Munaasibadan oo ay ka soo qaybgaleen madax dhaqmeedyo isugu jira saladiin, cuqaal, xubno ka mida madaxda dawlada ee Gobolka Togdheer iyo weliba boqolaal ka mida dadweyne ka soo jeeda Beelaha Gobolka Togdheer ayaa waxa lagu boqray Suldaan Cismaan Sh Ibraahim Aw Muxumed, oo ah suldaan dhalinyaro ah oo ay caleemo saartay beesha Waqooyuga Magaalada Burco.

Suldaankan Cusub Suldaan Cismaan Sh Ibraahim Aw Muxumed oo maanta hadalo kooban ka jeediyey ayaa waxa uu siweyn ugu mahadnaqay dadkii ka qaybgalay munaasibadiisa, waxaanu kale oo ugu baaqa daweynaha gobolka togdheer inay ilaaliyaan nabadgelyada oo indho dheeban ku eeegaan dadka habeemnii u faqaya nabadooda.

Suldaankani waxa kale oo ka sheegay caleemo saarkiisa in islaaxa iyo midnimadu ay keenim karto aqoonsiga aynu raadinayno, isaga ooa rintaasi kahadlayana waxa uu yidhi” “Kala danbyenya iyo in la ixtiraamo dadka madaxda ahi waa islaaxa diiniga ah, waxaan ugu baaqayaa madaxda ina hogaaminaysa ee uu kamid yahay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeeenka iyo golayaasha qaranku inay ku guulaystaan raadinta ictiraafka”.

Suldaanikani waxa kale oo ka balanqaaday bulshadii dooratay inuu noqon doono mid ku shaqeeya iraadadooda iyo rabitaankooda, waxaanu yidhi’
“Anigu noqonmaayo mid Hargyesa fadhiista ee waxaan noqonya mid idinka dhexdiina fadhiya”
Suldaankan cusub ee maanta lagu caleemo saaray Magaalada Burco ayaa maanta waxa khudbado kala duwan ka jeediyeey madashii lagu boqrayey madax dhaqmeedyo kala duwan , oo u badnaa Salaadiin, cuqaal , kuwaasi oo dhamaantoodba ugu baaqay Suldaankan cusub inuu noqdo mid ku hogaamiya beeshiisa iyo Beelaha gobolkaba cadaalad iyo inuu ka shaqeeyo nabada.

Caleemo saarkan suldaankan cusub ayaa waxa uu noqon doonaa mid ku soo biira bahda salaadiinta ee Gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay sare u sii kacayso tiradooda.

Reported By : Yuusuf Ibrahim Warsame
Ilkacase, Burao
Email:xagaa67@hotmail.com