
Haddii aad heli karto
1. Hoy ama Guri
2. Cunto
3.Waxbarasho lacag la'aan ah ama aad ka ganacsankarto dalkaaga dhexdiis
Mahaboona inaad dhuldheer uhanqaltaagtid ood aad bad iyo bariba jiirto ood naftaada ku halagtid
meel aan faa'iido kaasoo galeyn qasaare ma ahanee !
wey jirtaa dad soo rafaada hadana dibadahaa ka yara shaqeysta ama lacag ka sameeya;
Anigu madiidani wadamada dibadaha halaga sheysto ama waxbarasho haloo aado, ee waxaan leeyahay sifo wanaagsan waa in uu qofku ku dhoofaa isagoo aan rafaadin oo si fudu dalku gal sameysta ama qofkale u soodiree.
Waxaa daran inaad tahriibto ama jeexdo oo aad noqoto jeexaa banjadhay ama haad ku haligmato
bada iyo saxaraha lasii jibaaxayo
Waxba waxbey dhaantaa waxaad layaabeysaa markaad aragto ama aad maqasho Odey ,Islaan , Dumar iyo Caruur ayaa soo tahriibay ama ku kharaqmay doon ! raga dhalinyarada waa suurtagal oo wey isbiimeynkaraan ,haku najaxaan ama haba iska soo noqdaan, lakin jug intee leeg ayaa gaari karta markey sahaydii ay wateen kadhamaato maatada hadey tiraahdo waan tacabireynaa.
Sideedaba qof walba waxaa u fiican in uu aamino wadankiisa haba ku qadee,
waxaa dhibaato ah adoo aduun raadinaya inay kaa ciideysanto aakhiradaada!
maxay ku jawaabi dadka lagu xirxiray ama lagu heysto dhulalka lasii jibaaxayo ama kuwa ku geeriyooda saxaraha iyo badaha leyskaga gooshayo!
Waxaa layaable shantii qof ee Soomaali ah in afar kamida ay soo tahriibeen ( soo jeexeen ) ama ay soo mareen dhowr wadan oo kala gadisan, halka halka qof uu si toos ah u soo galay
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda
1. Lama huraan waa cowska jiilaal
2. Waabaahanahay looma baqti cuno
3.Hadii aad dhimaneyso dhareerka waa leyska duwaa
