
(Soomaali badan ayaa waxay aaminsan yihiin in burburka ku dhacay Soomaaliya uu ku kooban yahay oo keliya Qaran amase haykalkii Dowladnimo,balse arimuhu intaa waa kabalaadhan yihiin,burburka dhacayna waa mid gun iyo baar ah).
Sababihii keenay burburka:-
Marka aad doonayso in aad sharaxdo amase qeexdo sababihii keenay burburka ku dhacay Soomaaliya ,waxaan qabaa in uu dhaafay xadkii sababo loo yeeli lahaa.Waxaa aad u dag halka laga bilaabayo,cida ka masuul ah , goorta burburku bilowday iyo halka burburkaa socdaa uu ku dhamaan doono iwm.
Intii aan raadinayey sababaha keenay burburkaa balaadhan ee Soomaaliya ka dhacay,ayaa waxaa ii soo baxay sababo aad iyo aad u fara badan oo dhamaan la odhan karo waa kuwa ugu muhiimsan , sababahaa keenay burburka dhacay,qaar hore ayaan idiinku soo sheegay ,maantana bal kuwan ila eega:-
Dembiile dagaal :-
1. Soomaalidu waxay ogolaatay in ay ku dhex noolaadaan,kuwii dembiyada ka galay,weliba waxay u yaqaanaan GEESI.
2. Soomaalidu waxaa ku dhex nool ,oo si fiican loo yaqaan ,oo weliba la sharfaa kuwii ku kacayey XASUUQYADII ugu xumaa ee soo maray caalamkan aynu ku noolnahay,oo cidina waxba weydiin.
3. Soomaalida kuwa hogaamiya iyo kuwa doonaya in ay hogaamiyaanba waa uun kuwii awelba xasuuqayey.
4. Dembiilaha Soomaalidu waxay ku badbaadisaa hab QABIIL,oo dembiile kastaa wuxuu leeyahay Qabiil naf iyo maalba ku bixiyey difaacidiisa.
5. Waxaa lagaa yabaa in aaad maalin dhow uu kuu sheekeeyaan kuwii ka masuulkaa ahaa Qaraxyadii Hargeysa-Laascaanood-Muqdisho,oo weliba adiguna aad si fiican u dhegaysato.
6. Soomaalidu maba oga ,umaba haysato,mana fahansana in ay jiraan dembiyo laga galay amase denbiyo ay Soomaalidu kala gashayba.
7. Soomaaliya waxaa si buuxda uga seexday caalamka,waxayna iska ilaaween in ay u sameeyaan Maxkamad qaada dembiyadii dagaalka ee ay Soomaalidu kala gashay iyo weliba dembiyadii Dowladaha kale ka galeenba.
Hadal iyo dhamaan inta la helayo cid dembiilaha ,dembigiisa ku qaada ,inta la waayayo cid difaacda shaqsiga dembiilaha ah,inta ay kala garanayno dembiilaha iyo kana an dembiga gelin,burburka Soomaaliya wuu soo socday,wuuna sii socanayaa.
ma fahansan tahay erayada ay ka mid tihiin:-
Qaran-Qoys-Qabiilka-Qabyaalada-quudhsiga-Qoriga- Qaybinta-Qaxoontiga-qiil wadaad-Qabqable dagaal-Qaylo dhaanta- Qaadka-Qabsasho-Qasaaraha-Qalinka- Qoraaga-Qaado-Qurbe jog-Qudbado been ah-Qorshayaalqarsoon- Qac ku sii- Qandiga ku rido-Qabasho la,aan-Qabriga.
Fadlan wixii talo iyo tusaale ah ,waan idinka sugayaa ee iigu soo dir emailka .
“la soco Q 9 aad iyo weli sababahii keenay burburka
Caawi agoonta si adigana ILLAHAY kuu caawiyo
ADAHABSHIIL account No. HRGD14759
Qalinkii :- Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
