Duruusadan oo aanu samaynay dabayaaqadii sanadkii tagay ayaa waxaanu ukuur galanay xaalada caafimaad ee s/land.taas oo aanu lakulanay waxyaabo badan ayaanu jeclaysanay in aanu u soo gudbino akhristayaashayada qiimaha iyo qaayaha badan leh. Markaad aragto xaalada caafimaad ee s/land ayaad ogaanaysaa in HIV/AIDS-Ku yahay ka aafeeyay dhalintii kuna haya faro kulul.
Mar aanu waraysi la yeelanay JAMIILA MUXUMAD oo ka shaqaysa xarunta weyn ee dhalinta ee
layskaga baadho HIV/AIDSKA ayaa waxay noo sheegtay in xalaada HIV/AIDSKA sanadkii 2009kii uu ka duwanaa sanadkii kale, waxay sheegtay in isbadalad badan La sameeyay.
ku waas oo ay ka mid tahay ayay tidhi in dhalintii is baadhayaan, taas oo ah natiijo wacan oo xakamayn karta cudurkan.waxa kale oo ay noosheegtay in aanay wali dadku ka waan toobin takoorka Dadka Qaba HIV AIDS-ka.
Maraanu booqanay magaalada WAJAALE ayaanu la kulanay dhalinta wacyi galinta HIV/AIDSKA kuwaas oo noosheegay in HIV/AIDSKU WAJAALE faro kulul kuhayo taas oo ay sababtay in ay xad la wadagaan Ethiopia oo ay tagaan dumarka jidhkooda ka ganacsada.
Waxaanu isku daynay in aanu booqano goobahaas kadibna waxanu waraysanay gabadh ka mid ah kuwa ka ganacsada naftooda.waxaanu waydiinay bal waxa kugu kalifay ka ganacsiga jidhkeeda waxayna ku jawaab tay “ha iwaydiinin taa”.
Mar kale ayaanu waydiinay ayaa inii yimaada badanka?waxanay tidhi soomali mana isticmaalan condomka. Taasina waa khatar.
Mar kale ayaanu lakulanay gabadh qabta cudurka oo diiday in lasheego magaceeda waxayna noo sheegtay in ay lanoolayd cudurka mudo,taasi oo ay tidhi waxa ihaysata dhibaatooyin fara badan oo kale.
Hadaba waxaanu jecelnahay in laga digo rogto khatarta qawaan ee HIV/AIDSku kuhayo s/land waa in laga gubaabo arimaha foosha xun ee ay ka mid tahay takoorka oo yaanay dib udhicin arintii gabadhii hargaysa ee dharkeeda lamaydhi waayay.
Waa in ay dhalintu isa soo badhaan markay isguursanayaan si qoys caafimaad qabaa ugu soo biiro bulshada.Waayo qofku waa qoyska haduu caafimaad qabo waa bulsho iyo qaran caafimaad qaba.
GUNTII IYO GUBAABADKII
Waxa bulsho waynta s/land looga fadhiyaa in ay xakameeyaan HIV/AIDSka si rajo wacan loo helo 2010ka.
Qalinkii:
Nimco Muxumad ibraahim
Iyo nacima yuusuf Cilmi