Haweenay u dhalatay dalka Roomaaniya ayaa si qalad ah uugu riday lacagtii uu ninkeedu urursanayay mudo dheer gudaafada markii ay olole nadaafadeed ku qaaday gurigeeda intaanay soo gelin ciida kirismaasku .
Hadaba ninka ayaa ku qariyay lacag dhan 40,000 oo Yuru ah kab baali ah oo ay lahayd xaaskiisu oo qoor dheer lahayd isagoon u sheegin iyada , in yar ka hor intaanay soo gelin ciida chrismaasku ayay xaaskii ka faaiidaysatay maqnaashaha ninkeeda oo markaa gurigii olele nadaafadeed ku qaaday gurigeedii,
markaasay raacisay kabtii uu ninkeedu lacagta ku qarsan jiray gudaafadii iyadoon eegin waxa ku hoos jira, markii ninkii yimi ee uu ogaaday in kabtii gudaafadii raacday ayuu buuliiska u sheegay arinkii .
Kadib markii buuliisku arinkii ay u kuur galeen, waxay ogaadeen in naag 54 jir ah ay heshay kabtii lacagtu ku jirtay, laakiinse buuliiskii oo baadhista Ku raagay ayaa sababtay in naagtii ay lacagtii guri ka iibsatay 22,000 oo yuru, waxaanu buuliisku ka soo celiyeen 11,000 oo yuru , 7,000 kun ee hadhayna hadda ay ku guda jiraan sidii ay u ogaan lahaayeen halkay ku danbeeyeen .
By:-
Maxamad Cali Gaabiye
Riyadh,
Saudi Arabia
