SAREDO Oo Tababar u xidhay 30 xubnood oo ka socda qeybaha bulshada Berbera








SAREDO Oo Tababar u xidhay 30 xubnood oo ka socda qeybaha bulshada Berbera Hay'ada Saredo ayaa usoo xidhay tababar ku saabsan hiv aids ka ilaa 30 xunood oo reer Berbera ah kuwaasi oo ka kala socday qeybaha bulshada reer Berbera waxaana, tababarkaasi usoo xidhay gudoomiyaha Gudiga Caafimaadka Gobolka Saaxil Siciid Macalesh oo ku amaanay hay;adan tababarkan una soo jeediyey ka qeybgalayaasha inay ka faaiideystaan culuumta ay halkan ku barteen waxaanu ku booriyey inay dadka kalena uga faa'iideeyaan, waxaanu u mahadnaqaya hay'adaha saredo iyo Oxfam Novib iyo daryeel foundation oo ka hawlagalay tababarkaasi.

waxa isna halkaasi ka hadlay Cabdirisaq Cali Xuseen oo ka tirsan Daryeel oo dhalinyaradaasi usoo jeediyey inay ka digtoonaadaan khatarta cudurkani leeyahay oo mid balaadhan ah waxaanu u mahadnaqay hay'ada saredo iyo Oxfam Novib oo iska kaadhaday tababarkani waxaanu ku dhaareeday baahida loo qabo in la iska baraarujiyo khataraha noocan oo kale ah.

waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Ururka Saredo Sharmarke Ciise oo ka hadlay waxyaabihii uu tababarkaasi ku sabsanaa isla markaana usoo jeediyey dhalinyaradaasi inay dadka uga faa'iideeyaan wixii ay barteen intii tababbarkaasi socday waxaanu sheegay inay iska kaashadeen hay'adaha saredo iyo Oxfam Novib iyo Daryeel Foundation.

Waa Tababarkii u horeeyey ee noociisa ah ee lagu qabtay sanadkan 2010 magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil