
Xildhibaano kamid ah Golaha Deegaanka Berbera ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada Berbera intii ay ka da'ayeen roobabku magaalada waxaanay Maayarka ku eedeeyeen waxka qabasho la'aan baahiyaha bulshada ee ka jira Magaalada Berbera iyo biyaha wadhan jidadka kala duwan iyo waliba biyaha kala xidhay isu socodka xaafadaha kuwaas oo xiligan ay ka dhasheen kaneeco dukhsi iyo cayayaano kale oo dadka wax yeelaynaya sikasta ha haate xildhibaanadan ayaa ku eedeeyey maayarku inuu iibiyey dhul hanti guud oo uu ka iibiyey dad shicib ah sida ay sheegeen xildhibaanadani waxanay ku dheeraadeen baahida loo qabo waxka qabashada in wax loo qabto danyarta guryuhu kaga dumeen Roobabkii iyo saxo xumada ka dhalatay biyahaasi waxana kamid aha Xildhibaanada Xildhibaan Nuur Cabdilahi Beegsi (Cawl)
waxaanu yidhi "Waxa weeye hawlaha golaha deegaanka Maayar waxa noogu danbeeyey Siciid Daa'uud alle ha u naxariistee maayar ka danbeeyeyna maanaan arag golihiina waa la inqilaabay xafiiskana cid looma ogola xukuumaduna waxba way ka qabanweyday taasi waa xtii xildhibaanada, hadaan magaalada usoo noqdo maanta ayey u liidataa waad ogtihiin inta maalmood ee roob hayey oo majarafad biyo laguma jeexin badhasaab Maanaan arag Gole deegaan iyo maayar lama arag Illaahay bay leedahay Berberi, haddii dawladi jirto waxaan ugu baaqaynaa inay xaalada Berbera soo farageliso" ayuu yidhi Cawl oo ka tirsan Golahaa Deegaanka Berbera.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamud Cabdilahi Aadan Bidhiidh waxaanu yidhi "Xisaabtanku haddii uu faraha ka baxo oo shirarka golaha deegaanka la qaban waayo waa la iska garanayaa waxa ka danbeeya oo macruuf waxaan ku baaqayaa in shirarka golaha deegaanka la qabto lana xisaabtamo oo miiska xisaabtanka lagu soo noqdo ,
kama madhna Berberi khilaafyo badan oo xaga dhismayaasha ah oo dhulkii dadka ka dhexeeyey ee dawladu lahayd la iibiyey oo aanu maqalnay in dad gaar ah laga iibiyey oo meelaha qaar gacanta lagu hayo qaarna la dhisay oo anaga xildhibaano ahaan maqal bay nagu tahay sida dadweynuhu u maqlayaan waana arimaha u baahan in miiska wada hadalka la isugu yimaado" mar wax laga weydiiyey inuu cadeyn karo in la iibiyey waxa uu xildhibanku ku jwaabay "kolay macadeyn karo in la iibsaday laakiin dhismaha ka socda waanu aragnay" ayuu xildhibaan Bidhiidh oo ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera
