Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa markii u horaysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad







Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa markii u horaysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad

 

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo lagu sameeyay qaliin, kuna jira cisbitaal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxa uu sheegay in xaaladiisa caafimaad wanaagsantahay “Xaalayda caafimaad, way fiicantahay waa Alle mahadii.” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka oo uu Wargeyska Geeska Afrika  xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay, isagoo cisbitaalka ku jira, waxaanu intaas raaciyay, “Hadalka ayuun baa weli igu yara dhib ah, laakiin sida kale caafimaadkaygu waa Alxamdililaah, waanan wanaagsanahay. Aad ayaan u fiicanahay.”

Axmed Yuusuf Yaasiin, oo uu Wargeyska Geeska Afrika, weydiiyay farriinta uu bulshada Somaliland u gudbin lahaa ee la xidhiidha caafimaadkiisa, waxa uu yidhi, “Umadda waxaan u sheegayaa in caafimaadkaygu fiicanyahay, waana Alle mahadii, umaddana sidaas gaadhsii.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf, waxa uu dabayaaqadii bishii January arrimo caafimaad u tagay dalka Faransiiska, isagoo galay cisbitaal ku sameeyay qaliin.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay isna khadka Telefoonka kula xidhiidhay madaxweyne ku xigeen Axmed Yuusuf Yaasiin, isagoo Md. Axmed Yuusuf Yaasiina uga waramay xaaladiisa caafimaad, waxaanu u sheegay inuu aad u wanaagsanyahay.

Haddii aanu nahay bahda Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu Madaxweyne ku xigeenka Illaahay uga baryaynaa inuu siiyo caafimaad taam ah.


Source: Xigasho:- Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa