Boosaaso: Diyaarad khasaare gaadhay markii ay Dhabbaha ka baxday
Boosaaso:- Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee African Express, ayay shalay waxyeello soo gaadhay, ka dib markii ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Sida aanu ka soo xiganay Idaacadda SBC ee Puntland, Diyaaraddan oo ahayd mid toddobaadkan ka bilowday shaqada Deegaannada Puntland ee Soomaaliya, ayaa waxyeello soo gaadhay ka dib markii ay isku dayday inay ku oroddo Jidka Diyaaradaha ee Madaarka Boosaaso, halkaas oo ay ka baxday Jidka.
Masuuliyiinta Shirkaddan Diyaaraddaha ayaa sheegay in aanay ahayn cilad ku timi Diyaaradda, hase ahaatee ay Jidka ka baxday markii ay isku dayday in ay ku dul oroddo Jidka Diyaaraduhu cararaan ee Madaarka Boosaaso, halkaas oo ay ka socotay dayac-tir Jideed. Hase ahaatee, ma jirto wax khasaare ah oo soo gaadhay Rakaabkii Diyaaradda saarnaa.
SBC
