Naadiga akhristayaash Halkaraan iyo daahfurkii labaad ee Buugga Garta Dhaqanka iyo Xeerarka Somalida







Naadiga akhristayaasha halkaraan ee magaalada Burco ayaa habeenkii xalay waxa uu ku qabtay hoolka hotelka Barwaaqo xafladii labaad ee lagu daahfuro Buuga Garta Dhaqanka oo uu qoray abwaan C/Salaam Caarodhuub isla markaana caawa uu isagu si wayn ugu soo bandhigay buuga iyo faa’idooyikiisa halkaas.

Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay da’yarta gobalka Togdheer oo iyadu haatan ku baraarugsan xaflada bilaha ah ee uu qabto Naadiga akhriska ee Halkaraan iyo sidoo kale martisharaf tiro badan oo uu ka mid yahay Hure Ibraahin Warsame ( Hure walanwal), madax sare oo ka tirsan shirkada dahabshiil, iyo xubno dawlada ka socda.

Qoraaga buugan Garta Dhaqanka ayaa habeenkii xalay si wayn isugu dayay isla markaana isaga xilsaaray sida uu bulshadii halkaasi isugu timi uga dhaadhicin lahaa Garta Dhaqanka iyo xeererka somaalida oo buugan si wayn ugu xardhanaa, waxanu halkaasi ku soo bandhigay noocyada Garta Dhaqanka oo kala duwanaa oo ay ka mid ahayd Garta Guurtida, Gar booli, Gar jileed, Gar kala dareeris, Gar muslax, Gar dadban, Gar xeer beegti,

Xafladan habeenkii xaly ahaa laysku arkay waxa shahaado sharaf iyo hadyado halkaasi lagu gudoonsiiyay qoraaga buugan karta dhaqanka C/salaam Caaradhuub isla markaasna qoraagu waxa uu gudoon siiyay Naadiga isla buugan Garta Dhaqanka.

Xafladaasna waxa lagu soo kala dareeray iyadoo si wayn ay dadku u hadal hayaan qiima wanaagsan ee ay leedahay Garta Dhaqanku, isla markaana waxa ay si wayn u amaanayeen sida odayaashii hore ee somalidu ay xil isaga saareen sidii ay u samaysan lahaayeen wax ay ku kala baxaan marka dadku is qabto, inkastoo aanay buugan ka hor jirin wax buugaaga oo ku saabsanaa Gartan Somalidu mudada dheer ku soo noolaayeen taasna loo aanaynayo in aansy somalidu ahayd dad xoola dhaqato aan wax qorin.

Inta la ogsoon yahay buugan Garta Dhaqanka iyo Xeerarka Somalida ayaa noqanays buugii u horeeyay ee ku qoran Afka Somaliga ee ka hadla mawduucan garta dhaqanka isagoo qoraagan c/salaam caradhuubna noqonaya qoraagii u horeeyay ee wax ka qora garta somalida.

Max’ed max’ud haybe ( m.taajir )
Halkaraanreaders club