Cali Samatar Qabiil maheystee Dhibanaa heysta
Waxaa mal mahan aad loo hadal hayaa in Cali Samatar dacwada ku socotaa ay tahay mid Qabiil








Waxaa mal mahan aad loo hadal hayaa in Cali Samatar dacwada ku socotaa ay tahay mid Qabiil si gaara u wato ama Cali Samatar loo eryanaayo Qabiil yaaraan arinkaas oo aan u arko mid lagu majara habaabinaayo Dacwada dhibanayaaasha ku soo oogay dacwada Cali Samatar oo ahaa masuulkoodii oo ku tacadiyey sirta ka danbeysaana maaha Cali la difaacaayo ee waa moos leyska moosaayo danbiyo furmi doona oo nin walba waxay ku noqon hadii Cali Samatar danbigaa lagu oogo in arinku noqonaayo ninkii qeyrkii loo xiirow soo qoyso

sidaa darteed qeylada dhaceysaa waa naf la orod oo dadkii la,gumaaday ayaa nin waliba kii danbiga ka galay ciduu doona ha ,aheedee wado lagu furi halka laga doodayaa waa halkaas ilka danbiilayaala hoosta ka xidhiidhsan sidaa darteed ayaa dadka Qaar ku doodayaan in qowmiyado kale oo aan Somali aheyni ka hortagi doonaan dacwada dhibanayaasha se dhibana kastaa ugama hadho dacwadiisa habelbaa hor istaagi waana wadadey qaadeen dhibanayaasha heysta Cali Samatar wax hel iyo wax waana dhibanaa maxakamed loo keeno edeysanihiisa waa u guul gaar ahaan markuu ahaa nin darajo uu sitay darteed ugu tacadiyey.

Waxaana is weydiin leh goormaa nin danbibaa leygagalay leh cida ka gashay ama qabiilyar haka dhasho ama qabiil weyne ama dowlad xoogweyni hasoo dirsato ama dowlad yari la odhan jiray nin ka danbiga kaa galay waa qabiil yar taasu dow maha eedaysanahan aan ka hadleynaa waa eedaysane dad uu madax u ahaa danbi u sheeganayaan xaqbeyna u leeyiin in ay dabagalaan dakanada ninkii ka galay mudadey doonto haku qaadatee sidaas darteed wali dhibane la leeyey aamus wax uu ku aamusana aan loo sheekin waa kow ,taasuna waxay ku tuseysaa in wali qaladkii lagu sii taaganayey hore loo seegay .

Dhinaca kele hadii dhibanayaal ay iska aamuseen oo dadkoodii la dhibay ama iyagaba la dhibay ama qaar dad dhibay oo kale ay jogaan America oo qabaa,il kale ka dhashay taasu xaq uma siineyso dadka leh maxaa Cali Samatar loo heystaa waayo dhibanuu dacwadiisa qof kuu ku soo oo gaayo isagaa yaqaan ee looma tilmaamo.

Arinka ugu danbeeyaan taabanayaa waxaa weyaan ninka u heysta in ay Beeli u shirtay Cali Samatar habeenbuu gudayaa Cali Samartar maalintuu xil qaran qabtay ayuu badka iskeenay in loo qabsado gefafkii uu ku galay magaca Dowladuu ka mid ka ahaa kolkaa hadii uu sharciga ka hoos galaayo iyo hadii kaleba waxaa leysku waafaqsanyey in taliskii uu ka tirsanaa uu gumaaday dadkiisii Cali Samatar na hogaankii buu ka mid ahaa wax inagu cusubna maaha oo madaxwena yaal baa gumaad ay dadkooda u geysteen loo maxakamadeynayaa nin walbana waa u dan inaan nin danbi galay aduunka meela ku baxsan ee bal qodob kaana hoosta ka xariiqa .

By:- Abdillaahi nuur hassan