
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
02/03/2010
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa
uu maanta soo saaray xeer lagu baahinayo dhaqan-galka wax ka bedelka iyo
kaabista xeerka shaqaalaha Rayidka ah, Xeer No: 31/2004
Madaxweynuhu markuu Arkay qodobada 90-aad iyo 75-aad ee dastuurka JSL,
isla markaana uu helay goaanka golaha wakiilada, goaan No:
GW/KF-10/474/2010 ee ku taariihaysan 31/01/2010 iyo goaanka golaha
Guurtida, Goaan No: GG/JSL/G-2/07/2009 ee ku taariikhaysan 27/07/2009,
ayaa waxa uu soo saaray Digreeto No: 0431/03/2010 oo lagu baahinayo dhaqan
galka wax ka bedelka iyo kaabista Xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer No:
31/2004.
Allaa Mahad leh,
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
