TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA
Shacabka soomaaliyeed ee dega Ethiopia






Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Shacabka soomaaliyeed ee dega Ethiopia waa shacab qaba dhib aan lasoo koobi Karin. Iyadoo shacabku uu la kulmo abaaro badan, roob li’ iyo rafaad ka imaanaya musiibooyinka kala geddisan oo aan cidina ugusoo gurmanaynin ayaa haddana waxaa usii dheer dhibaatooyin kale oo uga imaanayaa saddex jiho. Xukuumadda Ethiopia ayaa dhawaan wuxuu caddeeysay in ciidanka milleteriga ah ee fadaraalka ahi ay xad-gudubyo ka gaystaan deegaankaas, xad-gudubyadaas.

Jihada labaadna waa dhinaca ciidamada cusub ee ay sameeyeeen maamulka is-maamulka soomaalida. Sida dhabta ahna in maamulku sameeyo ciidammo soomaaliyeed oo booliis ah kuwaasoo qayb ka qaadanaya ilaalinta nabadda aad ayaa loogu baahnaa, maxaa yeelay milleteri waxaa lagu yaqaannaa inuu mashaakil kasta ku xalliyo dagaal. Wuxuu amar ku qabaa meeshii uu qarjaf ka maqlo inuu hoobiye ku rido illaa iyo inta ay qarjaftaasi ka istaagayso.

Waxaa jira magaalooyin ku yaalla waddammada Yurub oo ay milleterigu ku leeyihiin saldhigyo, magaalooyinkaa waxaa laga dhigaa mudaharaadyo lagu dalbanayo in la dhaafiyo melleteriga, maxaa yeelay melleteri iyo shacab iskuma geli karaan.

Booliiska waxaa lagu yaqaannaa inuu sameeyo dembi baadhis iyo nabad ilaalin dheeraad ah. Waana sababta aan aad ugu taageersanahay in la abuuro booliis soomaaliyeed. Laakiin nasiib darro qaar badan oo ciidamada booliiska cusub ka mid ahi waxay shacabka u isticmaalaan awooddooda waxayna meelaha ay ka hawl galaan uga tagaan raad aan qurux badnayn. Jihada saddexaadna waa jabhadda ONLF.

Waxaa suurowda in hal qoys oo markiisii horeba tiisa u yaabbanaa uu dhibku kasoo gaadho saddexdaa jiho oo aan soo sheegnay. Tusaale ahaan waxaa dhici karta in wiil ka tirsan qoyskaasi uu ku biro jabhadda dabadeedna inta isaga iyo kooxdiisu soo kacaan ay miino ku aasaan meel aan xaafaddoodii ka fogayn. Miinadii markii ay dhib geysato ay milleterigii ku gadoodaan odaygii reerka iyo wiilkiisii kale. Maalmo kadibna gabdhihii oo adhi la jooga ay booliiska cusubi u kexeeyaan jeel Ogaadeen iyo Jig-jiga.

Marka uu qof soo gaadho dhib laba jiho uga imaanaya waxaa lagu tilmaamaa sida hashii uu laba midigluhu garaacay, laakiin haddii hasha uu saddex midigle garaacay xaalku siduu noqon. Waa waxaan hore loo arag illeene.

Mar aan fogayn ayaan aqriyey maqaallo kusoo kala baxay webi shabeelle iyo Qorraxay online. Maqaalladaas oo kala ayidayey fikradaha kala ah Nabad iyo Dagaal midka ay tahay in loogu taliyo shacabka deggen Ogaadeeniya ama dhulka soomaaliyeed ee Ethiopia.

Haddaba illeen gari laba nin kama wada qoslisee waxaa adag in jiho walba la raalli geliyo. Ninkii Juxaa ahaa ayaa wuxuu dameer lasoo fuulay wiilkiisii markaasaa dadkii ka hor yimid waxay ku yidhaahdeen “kuwani doqonsanaa may dameerka u naxariistaan ” Markuu go’aan ku gaadhay inay labadooduba dameerka ka degaan, ayey kuwo kale waxay ku dheheen “wuxu doqon sanaa may dameerka fuulaan” Juxaa wuxuu go’aan ku gaadhay in isaga iyo wiilku uu midba kol fuulo oo uu isagu ku horreeyo.

Kuwo kale ayaa ka hor yimid oo ku yidhi “nacasaysanaa muu wiilka saaro.” Wiilkii markuu fuulay oo Juxaa lugaynayo ayaa kuwo kale oo ka hor yimid waxay ku yidhaahdeen “wuxu caaqsanaa muu aabbihii uga dego.

Markaas ayaa Juxaa wuxuu yidhi “Dadka oo la raalli geliyaa waa yool aan la gaadhin”

Qolyaha ku doodayaa qof kasta oo soo hadal qaada dhinaca nabadda inuu yahay qof quustay iyagoo weliba tusaale usoo qaadanaya Asxaabtii dagaalkii uxud maqashay shaydaanka dhawaaqiisa ee ahaa Nebi Muxammed s.c.w wuu dhintay kuna tilmaamaya inay quusteen, waa arrin aan sax ahayn.

Haddii hadaba aan hadalkaa dib ugu laabanno Nebi Muxammed s.c.w. ma wuxuu ahaa mid aan nabad qaadannin. Waxaan markiiba helaynaa inuu Nebi Muxammed s.c.w uu qaadan jiray nabadda oo isla markaana intuu nabad raadiyaa ay ka badnaan jirtay intuu dagaal raadinayo. Islaamkuna sidiisaba waa Nabad.

Waxaan usoo qaadanaynaa hal tusaale oo keliya markii uu Rasuulku s.c.w. uu damcay inuu soo cimraysto iyadoo ay la socdaan Asxaab aad u badan inay gaaladii Quraysheed ay ka hor yimaadeen una diideen inuu soo cimraysto. Meeshaana uu Rasuulku s.c.w uu isaga noqday iyadoo weliba shuruudo aad u ad-adag lagu xidhay, heshiiskaana lagu magacaabay SULXUL XUDAYBIYAH. Waxaan xasuusannahay in Asxaabta qaar badan oo ka mid ahi ay heshiiskaas ka xumaadeen, iyagoo leh Rasuulkii Ilaahayow miyeynaan xaq ku taagnayn oo iyana baadil ku soconnin oo Rasuulkuna s.c.w uu leeyahy waa sidaas. Asxaabtaa waxaa hormuud u ahaa Cumar Bin Khadab. Nebi Muxammed s.c.w. Nabad ayuu qaatay.

Nabad waa la qaadan karaa mana aha ceeb. Mana aha quusasho. In quusasho lagu tilmaamo markii nabad la qaato ama lagu tilmaamo inuu hurdo qofkii nabad qaata waa dembi maxaa yeelay Rasuulkeennii s.c.w ayaa nabad qaatay marar aad u badan. Kasoo bilow markii uu Rasuulku s.c.w uu Makkah ku noolaa..Haddii aan ku dayan waynana waa haddii aan iskala waynaanay inaan raacno jidkiisii.

Ka warran haddaan dhahno wuu xanuunsanayaa qofkii dagaal mooyee aan xal kaleba keenin ama danaynin, qofkii dhaha aniga tayda mooyee tu kale ma jirto oo aan qaadannin fikradaha kale, qofkii muujiya isla weyni, qofkii shaaciya keligii talinnimadiisa haddaan dhahno qofkaa laftiisa waxaa ku jira cillad iyo jirro oo waxaa haya xanuunka buufis (obsession/paranoi), ama waa qof ay dagaal kaga dhegtay.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hadba sidaad u jabto ayaa loo dhutiyaa waxaana lama huraan ah bal inaynu innaguna fiirinno hareeraheenna oon is waydiinno war maxaa maantana inala gudboon oo shacabkan dan u ah. Hana odhan sida rag dagaal u ordayaa dheheen dagaalku weligiiba waa socday waanuna soo af-jaraynaa ee shacabku ha sabro.!

DEG-DEG IYO KAADSIINYO DARRO

Hadday deg-degsiinyo door dhalaan kaadsiiyana kiish lacag ah ayuu dhalaa

Waxay qirayaan xubno sar sare oo ka tirsan ama ka tirsanaan jiray xizbiga ONLF in iyaga iyo xizbigii kale ee Diiniga ahaa ee Al-Itixaad ay shacabka ka lumiyeen fursado badan oo qaali ah. Xisbiga Al-itixaad haddii uusan muujin lahayn u hanqaltaag siyaasadeed oo uusan abaabuli lahayn guluf colaadeed waxaa shaki la’aan ahaan lahayd inay shacabka soomaaliyeed ee Ethiopia ay Diintooda si nabad ah u baran lahaayeen kana faa’iidaysan lahaayeen culimadoodii ku dhex jirtay. Cid kaleba ha degdegtee illeen culimo degdegtay ayaa ciil leh.

Sidoo kale, xisbiga ONLF oo lahaa majooratiga barlamaanka ismaamulka soomaalida Ethiopia ayaa sida ay xubnahaasiba qirayaan waxa uu ku deg-degay 14 march 1995 kii dhaqan gelintii qodobka 39aad ee dastuurka federaalka ah, kaasoo sheegaya in is-maamul waliba uu ka go’i karo ethiopiada kale. Qodobkaasi wuxuu xaq u siinayey in Ogaden ama is-maamulka soomaaliyeed ee Ethiopia uu ka go’i karo Ethiopia.

Marka arrinkan oo kale lagu dhaqaaqayo waxaa lagama maarmaan ah:

· In si aad ah looga baaran dego waxa uu noqon doono raddul ficliga guud ahaan adduun waynaha iyo gaar ahaan mandiqaddaba (Geeska Afrika ama Afrika).

· In inta aan lagu dhawaaqin inaad tallaabadaas oo kale qaadi doontid inaad waddamo badan oo adduun waynaha ah aad ka dhaadhicisid fikirkaaga si aad u heshid taageero buuxda.

· Waxaa lagama maarmaan ah in ugu horraynba uu waddankaaga aad la goosanaysaa uu diyaar buuxda u yahay hanashada dawladnimo. Waa markaan soo kobo.

Go’aankii ahaa in Ethiopia laga go’ ayaa baarlammaanku ku ballamay iyadoo go’aankaasi uu la mid ahaa sida rag waddo toosan hayey oo mid hawd ah oo qodax, dhir, dhagax iyo bahalo badan yidhi reerka geeddiga ah halkan hallasoo mariyo. Waa amar. “Bal muxuu macneeyoo i taray ministarkaan doortay”

Aftidii waa loo codeeyey 15-kii March 1994, natiijadiina waxay noqotay in baarlammaankii uu cod aqlabiyad ah ugu codeeyo in Ogaden ama is-maamulka soomaalida Ethiopia uu go’aansaday inuu Ethiopia ka go’ayo, arrinkaasina wuxuu dawladdii dhexe ku noqday biyo qabaw oo dusha lagaga shubay, waxayna jawaabtoodii noqotay u codaysaye ma calfan doontaa.

Beesha oo haysata culimadooda, cuqaashooda, siyaasiyiintooda iyo suldaammadooda oo ku toosiya dhallintooda dariiqa nabadda waxaa shaki la’aan ahaan lahayd inay bulshadu gaadhi lahayd horumar dhinacyo badan ah sida wax barashada, dhaqaalaha iyo siyaasaddaba. Yeyna ahaannin 100%, laakiin xaaladdu sidan si aad ah ayey uga horrayn lahayd.

Marka aan ka hadlayno mandiqaddan iyo waqtiga xaadirka ah in ay ku fiicnaan lahayd in Nabad lagusoo dabbaalo bal aan soo qaadanaynaa tusaale kale.

Iyadoo xizbiga ONLF ay xubno ka mid ahi ay wax ka maamulayaan goballada uu ka kooban yahay Ogaden ama ismaamulka soomaalida sida Wardheer oo kale ayaa haddana raggii hoggaaminayey xizbigaasi waxay goosteen inay dagaal kusoo qaadaan ciidankii milleteriga ee joogay saldhigga gobolka Wardheer. Markii laga war helay abaabulkooda ayaa waxaa ka hor tagay qaar ka mid ah odayaashii magaalada.

Raggii soo duulayey oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee ONLF iyo intii la socotay ayaa odayaashu u sheegeen inayna habboonayn inay dagaal ku qaadaan magaalada, markiise hadalkoodii dheg loo dhigi waayey ayaa nabad-doon ka mid ah odayaashii wuxuu yidhi: “Haddii aad diidaan inaad dagaalka baajisaan waxaa la arki doonaa madaxyo badan oo maanta qoyan iyagoo berri qallallay”.

ONLF taladii nabad-doonka waa ay ii diideen, dagaalkiina waa bilaabmay iyadoo ay natiijadii noqotay in dhiiggu qulqulo magaaladii Wardheer. Waxaa naf waayey qof dagaalka ku jirey iyo mid aan ku jirin, meydkii iyo dhaawaciina wuxuu ka baxay xadka, magaaladiina waxay u ekaatay sida daasad ay carruuri rajmisay.

Ciidamadii joogay magaalada Wardheer waxay qaylo dhaan u dirsadeen saldhiggii Qabridaharre oo u jira qiyaastii 100km. Ugu danbayntiina hoggaamiyihii hore ee ONLF Sheekh Ibraahim waxay dadwaynihii meesha deggenaa kula dhuunteen baabuur ka saaray magaalada iyo waddankaba!!!

Waxaad moodaa in dhaqammadani la mid yihiin sida ninkii kabta ka xaday ninkii walaalkii dilay ee iska dhigay inuu soo hooyey libintii ugu waynayd isagoo leh “Rag is gurayee!!!”.

Maxay noqotay bal akhristaw faa’iidada maalintaa usoo hoyatay shacabka ogaadeeniya guud ahaan gaar ahaan reer Wardheer. Waxba. Haweenay ayaa beri waxaa loo sheegay in dagaalkii lagu dilay wiilasheedii oo dhan markaasay tidhi “aan gablamee goobtii yaa u hadhay”

Wuxuu yidhi Aadan Galaydh Adduun i khatal !. Goor danbe ayaa rag ka mid ahaa raggii Sheekh Ibraahim la socday waxay ii sheegeen inay maalintaa degdegeen. Markii aan tabar hayeyna talo ma haynin maantoo aan talo hayana tabar ma hayo. Waxayna ii caddeeyeen inay fiicnaan lahayd inay qaataan taladii nabad-doonka.

Dadwayne badan ayaa waxay dhaliilayaan siyaasadda mutuxan ee aan lahayn debecsanaanta (felixible) ee ku salaysan ku dhufoo ka dhaqaaq. Siyaasadda ku salaysan inay koox keliyihi afduubto majaraha ummad dhan oo dhul baaxad weyn isla deggen, siyaasaddaasoo ku sifaysan waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (la politique de la chaise vide) siyaasadda laga fogaanayo kursiga wada hadalka.

Marar badan waxaad maqlaysaa qaar leh ONLF diyaar u tahay wada hadal laakiin waa inuu waddan kale na dhex-dhexaadiyaa. Haddaba haddii ay tahay sidaas ay kuwaasi ku doodayaan sow ma ahayn inay siyaasadda khaarajiga ee jabhaddu ay raadiso waddan ay xukuumadda Ethiopia saaxiib yihiin oo ku qanciya inay heshiis wada galaan dan u ah shacabka soomaaliyeed ee mandiqadda deggan.

Qaar kale waxaa ka muuqata cadho badan oo ay u qabaan sida ay weligeedba dadka dega mandiqadda Ogaden ama dhulka soomaaliyeed ee Ethiopia ay ugu la’aayeen xaquuqdooda mana aha wax la inkiri karo.

Waxaan rabaa inaan hoosta ka xarriiqo in mudadii ka danbaysay 1980 uu guud ahaan dunida gaar ahaan mandiqadda geeska Afrika uu ka dhacay isbeddel baaxad wayn sidaa darteedna inay la gudboon tahay dadka mandiqaddaa deggeni inay dib u saxaan siyaasaddooda.. Mana suurto gelayso inuu dhacdooyinkan inkiro qof ama urur raba inuu xal u raadiyo shacabka soomaaliyeed ee ku nool dhulkaa aan soo sheegnay.

Isbeddeladaa oo si toos ah iyo si dadbanba u saamaynaya dhulka soomaalida ee Ethiopia waxaan kasoo qaadanaynaa dhawr keliya oo kulligood saamayn ku yeelanaya mandiqadda ama dhulka soomaaliyeed ee Ethiopia.: Qofkaan waxa jooga garanini waxa soo socdana ma garto.

· Dhammaadkii dagaalkii qaboobaa oo uu astaan u ahaa dumiddii gidaarkii Barliin ee 1989 iyo bur-burkii Ruush wayne.

· Isu taggii Yurub

· Bur-burkii Soomaaliya, samaysankii maamul goboleedka Puntland iyo gooni isu taagga Somaliland.

· Dhiciddii Mingistu iyo xukuumaddii cusbayd ee uu majaraha u qabtay xizbiga EPRDF oo madax ka yahay Meles Zenawi.

· Iyo innagoo soo koobayna dhacdadii 11 septembre ee 2001

Qolyahaa cadhaysan ayaa waxay ku doodayaan haddii Xukuumadda Ethiopia ay nabad rabto oo mandiqadda ay horumarin ka samayn lahayd maxay uga samayn waayeen xilligii Mingistu ee gobolka ayna wax dagaal ahi ka jirin. Haddaba xilligii uu Minsgiste waddanka maamulayey waxaa lagu qaaday Ethiopia dagaalkii ugu waynaa ee 1977, kana dhaca mandiqadda balse muddadii ka danbaysay illaa uu ka dhacayey waxaa jira sababo kale sida:

· In dawladdii soomaaliyeed ee markaa jirtay oo hiil iyo hooba la garab taagnayd muqaawamadii soomaali galbeed ay ku guul darraysatay dagaalkeedii waynaa ee taariikhiga ahaa ee 1977, taasina ay sababtay inuu hakado wax dagaal ahi.

· Iyadoo wixii ay ka go’aysay talada shacabka Ogaadeeniya ama soomaalida Ethiopia ay intoodii badnayd haddayna kulligoodba ahayn ay u wada qaxeen waddankii soomaaliya halkaasoo loo raray shacabku wuxuu muruq, maan iyo maalba lahaa, sida haddaba loogu raray ama loogu daadsan yahay qurbaha.

· Iyadoo ay xukuumadda Mingistu ay ku furnaayeen dagaallo kale oo ay ku hayeen jabhado kale oo xoog leh oo Tigrey iyo Orommoba leh. Sidaa darteed maadaama uu dagaal ku socday wuxuu noqday nin godkiisii biyo ugusoo galeen illeen tiisaba daryeelaa tu kale ku daree.

· Mingistu wuxuu dhaxlay dhaqankii boqorradii ka horreeyey ee ahaa axmaarada ayaa ka korraysa inta kale.

· Mingistu lama uusan imaanin nidaam caqliga geli kara oo caddaalada ugu yeedhaya dhammaan qowmiyadaha 80-ka ah ee ku wada nool dhulka Ethiopia, markaa lama odhan karo muxuu ogaadeeniya uga dhigi waayey dhul barwaaqo ah.

Waxa markaa xusid mudan isbeddelkii isaga ka danbeeyey iyo muddadii ay xukuumaddani joogtay iyo waxyaabihii soo kordhay muddadaas.

Iyadoo aanan saxaynnin inkirayninna khaladaadka badan ee ay gashay xukuumadda Ethiopia ama ciidamadeeda ama maamul goboleedka is-maamulka soomaalida kuwaasoo ay ka galayaan shacabka mandiqadda ayaa haddana waxaa lagama maarmaan ah inta aynaan dhinaca kale ku bilaabin eedayn bal inaan innaguna dib isu fiirinno oo si wada jir ah uga tashanno maxaa nala gudboon dabcan innagoo is ixtiraamayna oon qolona hoggaanka dhinaca fog usii jiidanaynin.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa maroodigu takarta saran ma arkee midda ka kale saaran ayuu arkaa. Ma suurta gelayso inaan aamminno qalad ayaa qalad lagu saxaa. Mana suurta gelayso dirqi ku islaam. Ninna laga yeeli mahayo aniga uunbaa ku wadi ee tayda maqal. Maya.

LOOXII MADOOBAA

Muddadii uu Ogaden ama dhulka soomaaliyeed ee Ethiopia uu hoos imaanayey maamulkaas waxaa markii hore waddanka Ethiopia xakumayey boqortooyo, taasoo dadka mandiqadda deggeni ay lacnad dusha ugaga tuurayeen. Kadibna waxaa yimid keligii taliye shuuci ah oo isagana lacnaddii mid kasii daran dusha looga tuuray iyadoo la leeyahay waxaa noo dhaamay boqortooyadii innagoo Mingistow war li’idaa, waa laysku haystaa wixii madaxda kaa dhigay. Markii ay dhacday xakuumaddii keligii taliye Mingistuna waxaa meesha yimid xukuumad la timid arrimo badan oo aad uga fog siyaasadihii labada qolo een soo sheegnay kuwaasoo wata gorgorton. Laakiin waxay kuwii hore kala mid tahay inayna oggolayn in Ogaden ka go’do Ethiopiayada kale.

Waxaad mooddaa dadka qaarkii inay la mid yihiin sida qof mar la tusay loox madow oo muddo kadib haddana la tusay loox cas oo yidhi aniga looxa aan arkaa waa madow, markii loox cad la tusayna yidhi anigu weli madow ayaan arkaa.

Waxa keliya ee meesha yaallaa wuxuu yahay inaan si fiican u daraasaynno gorgortankaa ay xukuumaddu usoo bandhigtay dhammaan qowmiyadaha waddanka deggen ee gaadhaya 80 (siddeetanka ) qowmiyadood.

Gorgortankani wuxuu leeyahay markaan aad usoo gaabinno:

· Qowmiyad waliba waxay iskeeda u samaysanaysaa maamul hoosaad ay ugu madax bannaan tahay arrimaheeda gudaha, kuwaasoo leh madax wayne , ku xigeen iyo waziirro.

· Qowmiyad waliba waxay yeelanaysaa baarlamaan iyada u gooni ah.

· Qowmiyad waliba waxay xukuumadda federaalka ah ku leedahay Miizaaniyad ay danaheeda kala geddisan ku maamulanayso

· Qowmiyad waliba waxay yeelanaysaa iskuullo hoose iyo sare kuwaasoo ay carruurtu ku baranayaan afkooda hooyo.

· Qowmiyad waliba waxay yeelanaysaa booliis iyada u gaar ah.

· Qowmiyad waliba waxay yeelanaysaa maxkamad iyada u gaar ah.

· Soo gaabiyoo qowmiyad waliba waxay leedahay maamul la mid ah midka dawladi leedahay oo kale…iwm.

Hadaba su’aasha meesha taallaa waxay tahay gor-gortankani ma yahay mid shacabka dan u ah. Ma yahay mid caqliga geli kara. Ma yahay mid dani ugu jirto shacabka. Su’aasha kale ee meesha taallaa waxay tahay ma yahay mid jiri jirey xilliyadii ay jireen dawladihii ka horreeyey.

Qaar badan durba waan iska garanayaa jawaabtooda waxayna leeyihiin ninkani waa daba-qoodhi iyo magacyo la mid ah! Oday soomaaliyeed oo necbaa ugaadhsiga ayaa wuxuu arkay sagaaro ka cararaysa markasta oo ay aragto, maalintii danbe ayey sideedii ka carartay, markaasuu yidhi “illeen sagaaro ima barato”. Hadaba akhristow adiguba la kaasho garaadkaaga gartana adigaan kuu daayey sidaad u naqdid hana eexannin ee shacabka dantiisa ku wad gartaada. Waxaan shaki ku jirin inay qowmiyadi yoolkeeda gaadhayso haddii uu dhexdeeda yaallo wada tashi joogto ah oo uu ka dhexeeyo is-ixtiraam dhammays tiran, isla markaana aanay talada mandiqadda qolo gooni ahi jujuubanaynin, wixii tuhumo ahna la iska ilaalinayo oo nabaddana laga dhigto qodob aasaasi ah. Maxaa yeelay inta badan wixii nabad lagu waayo colaad laguma helo. Wallee inan ragow talo adduun taada uun maaha.

Haddaba akhristow waxaan kusoo gunaanadayaa Rabbi Ha inagu toosiyo hadba talada tii roone inay taladu inaga wada dhaxayso oo qofna aan la af jugin mid kalena uusan inta kale ugu qasbin dadka tiisa, loona baahan yahay inaan aad u gorfayno talada si aan u gaadhno ujeeddooyinkeenna illeen waatii hore loo yidhi taladaan la ruugin waa lagu rafaadaaye.

By:-Abdirahman Sheikh Bihi
Lausanne, Switzerland