Madaxweyne kuxigeenka iyo Soo guryo noqoashadiisa iyo hadal uu jeediyey








Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md AXmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta kasoo degay madaarka Berbera oo ay siweyn ugu soo dhaweeyeen SHirgudoonka Wakiilada Ciro & samaale, XIldhibanada Labada Aqal, Wasiirada arimaha Dabada, Cadaalada, Caafimaadka, waxbarashada, Beeraha, Taliyaha Cidanka Qaranka, Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka, Dadweyne aad u tiro badan oo ku dhawaaqayey magiciisa lulayeyna caleemo qoyan iyo calanka somaliland ayaa halkaasi si diiran ugu soo dahweeyey madaxweyne kuxigeenka madaarka Berbera waxaana loo soo galbiyey Dhinca guriga madaxtooyada Berbera oo uu qado ku qaatay soo dhaweyntan ayey udub dhaxaad u ahaayeen Masuuliyiinta Gobolka saaxil Maareeyaha Dekeda Cali Xoor Xoor iyo Maayarka Berbera Bahdasaabka iyo hawlwadeenada dawliga ah ee Berbera,
Soo DHaweynta Madaxweyne Kuxigeenka ee MAanta ayey dad badani u arkayeen tii ugu wanaagsanayd ee abid loo sameeyo masuuliyiinta qaranka ee xiligan taas oo ay madaarka Berbera la ceeryoomay dadweyne farabadan oo soo dhaweyntaasi ka qeyb qaadanayey waxaana masuuliyiintii madashaasi joogtay sheegeen inay ku faraxsanyihiin soo dhaweynta madaxweyne kuxigeenka oo kasoo guryo nqoda safar caafmaad ooo ku joogay dalka france mudo haatana kasoo anbabaxay dalkaasi inkastoo aanu madaxweyne kuxigeenku hadlin hadana madashu wasxay mid aad ula ceeryoomaysa dad xamaasadeysan oo ku jihaysan soo dhaweynta madaxweyne kuxigeenka somaliland oo maanta joogi doona Berbera una sii gudbi doona caasimada Maalmaha soo socda.
madaxweyne kuxigeenka oo saaka ku qabtay shir jaraa'id magaalada Berbera ayaa u mahadnaqay madaxweynaha somaliland daahir rayale oo uu sheegay inuu si hagar la'aan ah uga qeybqaatay caafimaadin tiisa ganacsatada somaliland oo uu u mahadnaqay taageeradooda iyo shacbiweynihii reer somaliland ee soo dhaweeyey oo u mahadnaqay isla markaana tibaaxay inuu ugu shaqeyn doono daacadnimo iyo sinaan waxa uu tibaaxay inuu ku faraxsanyahay soo dhaweynta uu la kumay kana mahadnaqayo waxaanu sheegay in ccaafimaadintiisi hore ahayd toban casho balse ay dib u dhigtay egfishan ka raacay cisbitaalka oo mudadaa danbe lagu hawlanaha waxaanu illaahay uga mahadnaqay caafimaadka uu kusoo laabtay. waxaanu u anbaxay maanta caasimada somaliland ee hargeysa.








By:- Abdikarim Siciid Saalax
clkarim_3@hotmail.com
4441209
Berbera Somaliland